Xaggee aadeen? intee ka baxeen? intee warkooda ku danbeeyay? idin
ma hureysee carigee ku nooshihiin ? Ayaan Daraan Muqdishaa idin baafinaysee Addunka intee
kaga nooshihiin, tol aan idinka ahayn ma lihi, cid ii arxaanta ma haysto, waan ololaayaa
ilmadii waa iga dhmaatay, adduunkaa igu maadsada, Seddex Axmadeey iyo Nuuraaniyoow idiin
aaway" ereyadaa Muqdishaa ku ooysee idiin aaway?
Xigaal aan adinka ahayn ma lihiyee ma iiso gurmanaysaan? arrinkayga qasan, walaaca aan ku
noolahay, illinta iga daaysaa idinkoo daawanayn ma iisoo ordeysaan? waan idin iloobi
laahayee maad iiso gurmataan, adinkaa i lahee maad ii asxaantaan ?
Abwaan Axmedeey Cabdi Gaashaan, Abwaan Axmed Naaji,Abwaan Axmed Shariif iyo abwaan
Nuuraaniyoow afkiinii, sugaantiinii, ereyadiinii faneed intaasaan ku dagi karaahee miyaad
i ilowdeen ? adinka dhexdiina haddii is dagaashiin xattaa dhib ma niigu qabi jirin yaad
igu dayseen ereyadaa Muqdishaa ku barooranaysa
Macoow Aw Diinle aaway? Cabdi Raxmaan Fanaan aaway? Shimaali aaway ? Baastoow aaway ? luul
Jaylaani aaway? Siteey Qosol Wanaag aaway ? Mariisa Karbooni aaway? Sahruuja aaway? Qadra
Dheer aaway? Shariif Jeeg aaway? Xaaji iikar leeb aaway??? Xabiib Sharaabi aaway?
Cabdulqaadir Calasoow aaway? Maryan Naasir aaway? Maxamed Ismaan Ina aaway? C. Salaan
Jiimi aaway? Maki aaway? Abuunaa aaway? Cali Ganeey aaway? Xaliimo Hilaac aaway? Baajuuni
aaway? Kaltuum aaway? Sheekh Abuukar aaway? Maxamed Cabdoow Saalim aaway? Sahra Dawo
aaway? Aways Qamiis aaway? Madiino Cabdi Cali aaway? Binti Sheekh aaway? Kuuku aaway?
Koombe aaway? Sanqoole aaway? Siyotoom aaway? Abaliisha aaway?Abwaan Sajan aaway? Faadumo
Qaasin aaway? Buunis aaway? Xaawo luul aaway? Aamoow Muuse aaway? Shukri Muuse aaway?
Abwaan Cali Cusmaan Daroog aaway? Ayaamihii wacnaa aaaway" Muqdishaa is waydiinaysaa
aaway Seddex Axmadeey iyo Nuuraani yaa arkay?
Waxaan ahaa caasimada adduuka ugu wanaagsan, waxaan ahaa caasimaad aad afkiina uga
dhigteen mid deggan oo xasiloon, qurux badan, barwaaqo ah, magac iyo sharaf dunida
dhexdeeda ku leh, loo soo hirto, waxaan ahay tii ay Seddex Axmadey iyo Nuuraani u ahaayeen
ehel, kuwo ka ilaaliya dugaaga iyo wax ma garatada, waxaan is waydiiyaa aaway dadkaygii
shalay i shidaayay maanta ayaan gurmad uga baahanahay, waxaan ahay caasimad wixii qurxanaa
sida riwaayadiihi aad shacabkayga ku kala hayseen ee kala ahaa Socdaal iyo Sir Jaceyl,
Maxaa keenay Maseerka, Shaydaan Buloow, Kibirkii Beerta Karfan saaray jacaylka, iyo kuwii
kalee xasusta lahaa ay badaleen QAX, DAGAALO, NIDAAM LAAAN GAAJO, CUDURO, dadkaygana
way bas beeleen way baabaeen gurmad aan ka waayay Seddeex Axmadeey iyo Nuuraani cid
kale ima siin karto UN iyo EU iyo Bulsho caalam intaba kama helaayo adinkaa i lehee iisoo
gumada" Muqdisho ku barooranaysa
Al-Fanaan Axmed Shariif Killer oo iga dhintay xattaa cidna iigama tacsiyayn, waaba la
iloobay wax hadal haaya xatta waan waayay waan cuqdoonayaa ciil baan qabaayee Seddex
Axmadeey iyo Nuuraaniyoow idin aaway?
"Qoryaha la wato, dagalaada kuwa abuuraaya, dhibaato ku noolaayaasha awooda
sheeganaaya afkiinaad uga adag tigiin waad iga celin kartaane seddex Axmadeey iyo
Nuuraaniyoow idin aaway?
Waxaa igu kor dagaalamayaa Dowlo, Mucaarad, Muqaawimadoo, Itoobiyaan, Qabqable dagaal,
sirooow, sixiroow, silic abuure, Magac laaweyaal badan, kuwoo aan kaseen muunada aan
leeyahay macanaha magacayga iyo meeshaan ku aalo, kuwo aan dhadhamin macaankayga, kuwo aan
i kaseen, kuwo magacyo badan qabaan, kuwo mugoo dhibka lee jecel kuwo dhulka ila simay oo
walina ku faraxsan in ay i dhamaystaan oo dhulka igu jiidooya. Qoryo ma rabi, waa daalay.
Waxaan rabaa awood ka wayn tooda: afkiina waayee seddex Axmadeey iyo Nuuraaniyoow idiin
aaway?
Goormee qoreyga, geelka iyo kii wadaayay, ariga mad madoow, waraabeyaasha, Neyaaleyaasha,
libaaxyaashaan, duur joogta, dawacoyaashaan, dad cun yaashaan, Shaydaan buloowyaashaan,
lo gisi yaashaan, dhagooleyaashaan,indhoole yaashaan kuligood goormee iga raraysaan,
goormee Diiqii iyo dooradii iyo ari carbeedkii iisoo celinaysaan? Seddex Axmadeey iyo
Nuuraaniyoow saas maa igu fiirsanaysaan? Saan maa igu dhaafteen?aniga maniiga samrinee
intee iga aadeen? Afkiina iyo ereygiina intaas lee ii hartay waana hubaa inaan badbaadaayo
haddii aad iiso gurmataan.
Ma og tihiin, ma aqasheen in uu Abwaan Xusseen Aw Faarax gaajo darted iiga dhintay oo wali
asaaydii ii saran tahay? Seddex Axmadeey iyo Nuuraaniyoow ma og tihiin intii kale in ay
iga rafaadsan yihiin oo aan biil u la ahay? waan gabaleemee intee iga aadeen??
Idiinkaa i lahee intee joogtiin? ereyadiinii ma idiinka gureen? Bes miyaa ma guureen? Ma i
iloowdeen? Meel iga fiican maad hesheen?
Iftin aaway? Shareero aaway? Waaberi aaway? Dur Dur aaway? Sheekh Cabdi aaway? Seddex
Axmadeey iyo Nuuraani aaway?
Aniga galabtaa maxaan galaa oon ka gaaraa? Gibilkiin gibilkeey waayee ma iisoo gaartiinoo
Seddex Axmadeey iyo Nuuraaniyoow meel kastoo joogtiin xalkayga
gacantiina aas ku jiraa, inaad aasayda iga ridaan oo mar kale i guurisaan aan galabta
niiga fadhiyaa
iga bixiya kuwaan naxariislaaweysha ah kulligood hal ha ii
reebinina, Minnisota,Toronto iyo London iga geeya geeya geeya ee adinka i maamula i
hogaamiya, ii imaada adinkaa i lehee. Wadankiis ninkii ka tage wehelkiis ka dheeraado wal
wal iyo walbahaar ma huree kaalaya kuwaan dhoofiya
.
Maki Xaaji Banaadir ha la soo caawiyo, adinkaan idin sugaa, adduunyo iyo aaqiro meeshaad
joogtiin gurmad aan adinka ahayn ma qabo haddaba ogaada
Madfaca ha la iigu badalo shareero,dadka ha noqdaan koo tumaaya iyo koo tartiibtiis u
dhagaysto, xabada ha la iigu badalo sugaan, colaada ha liigu badalo heeso. Axmed Naajiyoow
Xiddigtii is Xujaysay mar kale ma la igu dhigi doona??? Ma iisoo celinee?? Axmed Naajiyoow
ha iga tagin, Nuuraani waa ku tuugaa ii kaalay, Awkuuku ciilaas qabaa
Abaliisha
waa nii tabtay
.
Muqdisho mugoo haddiin ahay Seddex Axmadeey iyo Nuuraaniyoow waa nii soo qaylsaday war
aaniiga fadhiyaa cid kale ma haysto, ma liiga naxooyo, ma lii kasooyo, ma lii fahmooyo,
waa lii xumaynooyaa, waa lii kufasnaooyaa, waa lii dooxooyaa, waa lii jajabinooyaa,
..Ha iloobinina in magacyadayda kaleeto la dhaho Xamar ama Banaadir Kuli Fidno Cindi
Geel
.
Saida Sheikh Ahmed (VIP)
Brussels Belgium
| The
opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not
represent the editorial opinions of Markacadeey online |
|