Arar: Qormadani waxa ay qayb ka tahay xusuusta Xildhibaan
Mowliid Macaane – Eebe naxariistii Jano ha ugu bishaareeyo,
qoyska iyo ehelada uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ha
ka siiyo.
Hordhac:
Waxay aheyd shirkii geedi-socodka nabada Soomaaliya ee Carte
(2000) markii lagu yagleelay/xukmiyey heeb-qaybsiga siyaasad
ee arimaha Soomaaliya 4.5.
Iyadoon aan lagu dheeraan ujeedada ay ku timid nidaamka
hirgalay ee 4.5, xusuusin waxaa mudan in ay jireen, xiligaa
abuuris, qorshe iyo tabo ka duwan mida maanta hirgashay ee
4.5, isla mar ahaantaana si aan hubsiimo leheyn ama aan loo
aabo yeelin meel leysaga tuurey.
Dhiraandhirin
Nidaaamka hirgalay ee 4.5 wuxuu soo shaqeeyey ama la
isticmaaley, faa’iido iyo qasaaraba, mudo ka badan 10 sano.
Mudadaa, dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed waxay si isku
mida u tuhuntey islana garatey xog-la’aanta nimaadkan iyo
cadaalad darrada uu ku suleysan yahay. Sababtaa darteed,
inta badan shacabka Soomaliyeed waa ay ka dharagsan yihiin
in xisaab-qorshaha 4.5 uu san ku saleeysneyn xog tirakoob
jira iyo xaqiijin dabajoogto – balse, daneysi iyo isu
tanaasul, loogu daneenayey in ka badan 10 sano, kooxo iyagu
qori caaradii iyo/ama magac qabiiil isu huwiyey
“laandheer-nimo” xaqdaro, sadbursi darteed.
Hawiye, Darood, Digil-Mirifle, iyo Dir waa siman yihiiin
basle qolyaha kale – “Others”- yeelkood oo waa nus-dhimman,
ma aha mabda’ Soomaali u dhaqan iyo falsafad siyaasad ku
saleysan.
Afarta la simay, lana magaacaabey, tirakoob jira oo
xaqiijinaya in ay tiro ahaan siman yihiiin ma jirto. Waaba
la arkaa in ay kala badan yihiin. Waaba la arkaa in kuwa
looga xaqdarsadey magac u yaalka ah “kuwa-kale”/”others”,
deedna la cunsiiyey 0.5, ay ka tiro badan yihiin qaarkood.
Si kastaba, ma jirto tirakoob xaqiijinkara in Soomaali shan
beel siyaasad, afari tiro ahaan siman yihiin halna yahay
nus, ay ka kooban tahay. Ugu yaraan, waa xisaab si ku
meelgaar ah mala-awaal loogu qotomiyey.
Tobon sano ka hor bey aheyd kalkii Soomaali qorshaha 4.5 ee
aan saldhiga laheyn isku deyday, si ku meel gaar ah, in ay
ku caano maasho. Tobon sano kadib, “caano la maaley” iyo
meel la gaaray Soomaali Maxamed mahayso wax guul ah oo 4.5
ay soo hoydeyna ma jirto. Balse waxay abuurtey nacayb iyo
faham guud oo bulsho kuna aadan xaqdarada ay 4.5 u horseeday
dib u soo abuurista hab-maamulka Soomaaliya danaheeda.
Nidaamkani wuxuu si cad iyo si dadban ku abuurey dhamaan
bulsho weynta Soomaali cuqdad nafsi iyo xanuun eexasho la
sharciyeeyey. Xumaha 4.5 kuma eka oo kaliya danaha
siyaasasadeed ee shacabka Soomaali ee loo qoondeeyay 0.5,
balse waa mid falsafad, sharci-dajin, iyo dhaqan ahaan u
taabanayo dhamaan bulshada iyo shacabka Soomaaliya si
wadajir ah.
Sidaa darteed, 4.5 waa qorshe-marinhabiibin, Soomalina ka
gilgilatey, maantana, 10 sano kadib, u baahan in la saxo
qaladaadkeeda iska cad.
Ficilkaas daryeelka dano-bulshada, waa waajib hor-u-socodnimo
oo dhamaan Soomaalida dan-guud u ah inta laga gaarayo
hirgalinta nidaam cadaalad iyo sinaan raad-raac leh ka
abuurmayo.
Gunaanud iyo Talo
Su’aashu waxaa weeye, maxay tahay sababta suurto galineysa
in qorshaha geedi-socodka (Road map) Soomaliya nabadeeda iyo
u dib-u-dhisidka dowlad waarto ee xiligan kala guurka ah uu
wali ugu sii lifaaqan yahay xaqdarada cad ee 4.5?
Ugu yaraan, 10 sano kadib, 4.5 waxa ay aheyd in ay maanta
isu bedesho, si horusocod ah, 5.0 – waa hadii Soomaali
cadaalad iyo daryeel sinaan ay daneynayso.
Dastuur iyo baarlamaan looga tashaday ama lagu
suurto-galiyey nidaam heeb-qaybsi oo asalkiisu qaldan yahay
ma keeni doonaan cadaalad iyo sinaan umad oo hufan ama hor-u-socod
ah.
Hal booli ahi ma dhasho nirig xalaal ah!
Abdiwahab Tarey, PhD
Email:
aamstrategicd@gmail.com
The opinions
contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the
editorial opinions of Markacadeey online |