Ka dib markii wadatashi iyo turxaan bixin dheer ay yeesheen
Isimada, Siyaasiinta, Aqoonyahanada, Ganacsatada iyo qaybaha
kala duwan ee bulshada ku nool degaanada Puntland, ayay
waxay go’aansadeen in lagu qabto shirweyne magaalada Garoowe,
shirkaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu dhiso maamul goboleed
ay ku bahoobaan gobolada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug,
hase yeeshee waxaa markii dambe ku soo biiray goboladii la
isku oran jiray Waqooyi Bari. Shirkaas waxaa lagu dhisay
maamul goboleedka Puntland ee soomaaliya bartimihii sanadkii
1998, halkaas oo lagu sameeyay Golaha Wakiilada Puntland oo
ka kooban 66 xildhibaan oo lab iyo dhadigba leh, Golaha
Garsoorka iyo Golaha Xukuumada oo leh madaxweyne iyo
madaxweyne ku-xigeen.
Puntland waxay ka tirsan tahay Dawlada Federaalka Soomaaliya,
waxay xiriir la yiilanaysa maamul kasta oo dhisma kana
shaqaynaya midnimada soomaaliyeed. Puntland waxay ka kooban
tahay 7 Gobol oo kala ah:
• Bari
• Karkar
• Nugaal
• Mudug
• Sanaag
• Sool
• Ceyn
Sida la wada ogsoon yahay waxaa baryahaan dambe ka taagan
degaanada puntland muran siyaasadeed iyo khilaafaad, kuwaas
oo salka ku haya muddo korarsiga uu doonaayo maamulka
puntland oo uu hugaanka u hayo Mudane madaxweyne
cabdiraxmaan Faroole ka dib markii Madaxweynaha Puntland uu
sheegay in uu xafiisa sii joogi doono muddo sanad dheeraad
ah, taas oo dhalisay muran xoogan oo hareyay baryahaan
degaanada puntland. Haddii aanu ka eegno dhanka kale waxaa
jira siyaasiin badan oo ku doodaya madaxweyne cabdiraxmaan
Faroole waqtigiisii waa damaaday, markii la dhaarinaayay
waxaa loo dhaariyay mudada uu hayn doono xilka 4 sano, waxaa
si isdaba joog ah u soo baxaya baaqyo kala duwan oo
xanbaarsan fikrado ku kala duwan oo ku saabsan arrinta muddo
kurarsiga, waxaa kale oo soo baxaya aragtiyo fara badan oo
ay qabaan qaybo ka mid ah dadka ku dhaqan degaanada puntland,
waxayna qabaan in maamulka puntland uusan marin dhabihii
saxda ahaa ee ay ku heshiiyeen dadka reer puntland, Waxaa
maqlaysa baryahaan dambe dad ka cabanaaya arrimo badan oo ka
jira degaanada puntland, arrimahaas oo ah wax qabad la’aanta,
dilalka qursheysan, colaadaha beelaha dhexdooda ah, kala
qaybsanaanta Isimada Puntland, caburiska saxaafadda loo
gaysanaayo, Waxaa intaas ka sii daran oo aan dadku qarkood
ogeyn in maamulku markiisii horeba uu ku dhismay cadaalad
daro iyo sadbursi, taasoo ku cad habkii lagu soo dhisay
Golaha Wakiilada oo ay soo xuleen Isimada Puntland oo ka
koobanaa 66 xildhibaan, kaasoo lagu dhisay cadaalad daro iyo
sadbursi, cid isweydiisayna aysan jirin, iyadoo ay maamulka
puntland aysan u sineyn hab cadalacd iyo sinaan oo ay ku soo
uruurtay beelo gaar ah.
Siyaasiin iyo mas’uuliin horey xilal uga soo qabtay maamulka
waqtigiisii dhamaaday kuna eedaynaya maamulkaas waqti
kororsiga, iyo wax qabad la’aanta, ayaa qaarkood horey uga
mid ahaan jireen maamulkaas, hase yeeshee aan horey looga
baran in ay ka hadaan cadaalad darada iyo sadbursiga lagu
sameeynayay beelaha reer Puntland qaarkood, waxay ahayd in
mas’uulinta iyo siyaasintu ay ka hadlaan cadaalad darada
lagula kacayo beelaha reer Puntland qaarkod,waxay in ay
horey uga hadlaan ee aysan noqon oo kaliya barnaamij
siyaasadeed ee markaas socda, dhacdooyinka lagu xusuusan
karo waxa ka mid ahaa kuraastii beesha meheriga ay ku
waayeen si aan cadaalad iyo garsoor toona ahayan, iyadoo
lagu sameeyay cadaalad daro iyo sadbursi baahsan, Beesha
meherigu ayaa ku lahayd 3 Kursi habka qaab dhismeedka (Puntland
Parliament Structure), kuraastaas oo kala ahayd Bari, Nugaal
iyo Mudug, hase yeeshee uu ku soo uruuray hal kursi oo
kaliya, Taasina waxay cadeeyneysa cadaalad daro iyo xormo
la’aan lagula kacay Beesha Meheri,waxay horseeday khilaaf
iyo kala fagaasho iyo naceyb ka ogoonta beelaha puntland,
waxaa isweydiin mudan oo dad badan hor imaaneysa wax iska
bedelay degaanada puntland, dhaqamadii iyo xeerarkii ka jiri
jiray.
Haddaan toosh ku ifino diiwaanada taariikhda waxaa markhaati
ma doonta ah in beesha meheriga ahayd beel looga dambeeyo
hogaanka degaanadaas iyadoo sida taariikhdu xusayso,
xornimadii ka hor madaxdii leegada ee degaanadaas ay
ahaayeen meheri magaalooyinka Bayla, Bosaaso, Qardho,Garoowe,
Galkacyo iyo Dhuusamareeb. waxaa intaas u sii dheera in
magaalooyinka degaanada puntland ay maanta ku faanto ay
assaaskeedi lahayd beesha meheriga oo ahayd beel looga
dambeeyo ilbaxnimada, ganacsiga,tacliinta, hugmaaminta
wanaagsan (Leadership), taasoo aad ku arki kartid magaalo
kasta ee puntland ka mid ah xafad carabta. waxaa nasiib daro
ah in dadkii u soo halgamay degaanadaas la yiraado carab
kursi ku yeelamayso magaaladaan ama gobolkaan. Waxaan rabaa
in aan ku soo gaba-gabeeyo qormadaan “Cadaalad iyo Sinaan
baa horumar iyo barwaaqo lagu gaara” soomaaliduna waxay
yiraahdaan 2dii xaq daro ku heshiisa xaq bay ku dagaalamaan.
Waxaa kale oo xusuusin mudan in beesha meheri marnaba ma
ogoleyn in la burburiyo Puntland amase lagu abuuro khal-khal
siyaasadeed, iyadoo aanu og nahay sida loola dhaqmay iyo
cadaalad darada ka jirta Puntland hadana waxaan dooneynaa in
aan degaanada puntland lagu burburin burbur siyaasadeed iyo
isku dhac, wax kastana lagu dhameeyo isfahan iyo nabad galyo.
Waxaan halkaan kugu soo bandhigaya sawir ka turjumaya qaabka
uu u dhisan yahay golaha wakiilada maamula puntland.ee
maanta ka jira in kastoo ay dad badan qabaan in uu
waqtigiisii dhamaaday bishii Oktoober 2012.
The opinions
contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the
editorial opinions of kacadeey online |