Marka la warsado su’aasha ku saabsan, magaca “Soomaali”
meesha uu ka yimid ama sida uu ku soo baxay, jawaabta dadka
qaarkood ka bixiyaan waxay tahay in beryahii hore markay
martida dalka timaado oo ay reer u soo martiyaan marka la
fadhiisiyo, waxay maqli jireen in qofka loo soo martiyay ku
dhawaaqaayo “Soo-maal” ka bacdina martidii caano loogu keeno
weel yar ama daboolka bukurta (Haruubka) caanaha.
Micnaha “Soo-maal” markaas waxaa loola jeeday lo’da ama
hasha soo maal oo caano u keen martida sharafta leh.
Iyadoo si aan shaki ku jirin loo sheego, sida la qabo, in
magaca “Soomaali” uu ka yimid “Soo-maal” oo loola jeeday
caanaha soo maal. Sheekada sidaan ayaan ku maqlay, hase
yeeshee, runtii meelna kuma arag asigoo qoran, waase
suurtowdaa in ay jiraan qoraal ku saabsan arrintaas.
Dalalka Carabta qaarkood, sida Cumaan oo kale, oo
dhulalkeenna mar joogay, dhaqan ahaan, reer miyiga ayaa
martida caano ku soo dhoweeya, gaar ahaan, caano geel, oo
mararka qaarkood martida siiya caano lagu kar-kariyay
sacfaraan oo dhadhan aad u macaan badan leh, kaddib markii
ay kaxwo siiyaan.
Ibn Battuuta oo Carab ahaa una dhashay dalka Marooko oo soo
booqday Xamar, ama Muqdishu, dhexbartanka Janaayo, sannadkii
1330 kama hadlin in caano lagu soo dhoweeyay inkastoo uu
sheegay in “dadka deganaa magaaladda Xamar ay dhaqanaayeen
xoolo fara badan, sida geel iyo ido, oo boqolaallo cunto
ahaan u qalaayay maalin walba.”
“Waa dhaqanka dadka deggan magaaladaan, marka ay doonman
yar-yar dekada ku soo xirtaan, dhalanyarada qaar ka mid ah
mid walba waxuu keenaayaa saxan daboolan oo cunto ku jirta,
waxuuna siinaaya mid ka mid ah ganacsatada la socda
dooynaha, isaga oo ku dhawaaqaayo ‘Qofkaan waa martideyda’,
inta kalena sidoo kale.”
Sidoo kale, Ibn Battuta markuu soo maray magaaladda Saylac
waxuu ku tilmaamay inay tahay magaalo weyn oo xoolahooda
yahay geel iyo ido oo caan ku ah baruurtooda.
Ibn Battuta caano in lagu soo dhoweyay meelna kuma sheegin.
Kollayba buuggiisa “The Travels of IBN BATTUTA” (A.D.
1325-1354) aniga kuma arkin markuu ka hadlaayi sida weyn oo
loogu soo dhoweeyay Xamar.
Haddii ay dhici lahayd in martida dalka soo booqday ay
tagaan meelaha dadka deggan ay cuntadooda tahay “hilib iyo
caano”, ama “cad iyo caano”, si weyn ayay uga qori lahaayeen,
maxaa yeelay, dhaqanka noocaas ah waa mid ka geddisan waxa
cunto ahaan looga yaqaan dunida intiisa kale. Xitaa
Soomaalida qaaarkood, sida reer Banaadirka, hilib iyo caano
waxay u yaqaaniin waxa cuntada lagu cuno ama “Goosaar”.
Waxaa is weydiin leh haddii martida lagu soo dhoweyn lahaa
wax caano ka weyn, oo sida ay Soomaalida qaarkood jeceshahay
in martidooda ay neef u qalaan, halkii ay dhihi lahaayeen “Soo-maal”
at yiraahdaan “Soo qal”, Carabta maxay dalkeenna ku
magacaabi lahaayeen, “Arda Soo qal”?
Dabcan, inta uu magacaas “Soomaali” jiro ma dhowa, mana hubi
in warka sida aan aniga ku maqlay ama Soomaalida kale ku
maqashay uu yahay sidii uu ku soo bilawday ama intuu jidka
ku soo jiray wax iska beddeleen.
Ilaa hadda sida aan u bartay in magaca “Soomaali” ku yimid,
sida dadka kale qaarkood ku maqleen oo ah in dadkii dalka
soo booqan jiray oo markasta maqli jiray “Soo-maal” oo laga
waday “saca soo maal” ama “hasha soo maal”, hase yeeshee,
uga dhigay magac dalka, oo Carabtana ku wici jirtay “Arda
Soomaal”.
ARDA SOMA
Runtii iguma jirin in aan arrintaan wax ka qoro, madaama ay
sidaas ku hir-gashay. In kastoo aanan ogeyn waqtigii
magacaas baxay, ama “Soo-maal” ama si kale haku yimaado,
haddana wax iska hor-imaadka ah ama muran uu dhaliyay ma
jiraan.
Hase yeeshe, anigoo aqrinaayo warbixin ay ka qortay Dawladda
Militeeriga ee Soomaaliland (Military Government of the
British Somaliland) Gobolada Waqooye, bishii January 1945,
oo cinwaankiisa yahay “BRITISH SOMLILAND and its Tribes”,
boggiisa ugu dambeeyo waxaa ku qoran sadar ka hadlaayo sida
uu ku yimid magaca “SOMALI”.
Sida horey loo sheegay, magaca “Soomaali” waxuu ka yimid
hadalka ah “Soo-maal”. Runtii, way suurtowdaa in ay jiraan
dad horey uga warhaayay arrintaan, hase heeshee, aniga,
shaqsi ahaan, waa markii iigu horeysay oo aan arko qoraal ka
hadlaayo wax ka geddisan in magaca “Soomaali” ka yimid
hadalka ah “soo-maal”.
Dokumentigaan oo si tifaftiran uga hadlaayo qabaailka iyo
degmooyinka kala duwan boggiisa ugu dambeeyo waxaa ku qoran
sadar oo si gaar ah uga hadlaayo magaca “Somali” halka uu ka
yimid:
“SOMALI” – Name derived from Soma bin Tersoma Nagashi, who
was a Governor of the country from Zeilah to Hafun. The
Arabs called the country “ARDA SOMA (i.e. the country of
Soma) and it is presumed that “li” was added after many
years due to error of pronunciation.”
“SOMALI” – Magaca waxuu ka yimid Soma bin Tersoma Nagashi,
oo ahaan jiray Guddoomiyaha dalka laga soo bilaabo Seylac
ila Xafuun. Carabta waxay ku waci jirtay dalka “ARDA SOMA” (t.a.
dalkii Soma) iyo in loo malaynaayo in xuruufaha “li” lagu
kordhiyay kaddib markii sanayaal si khalad ah loogu dhawaaqi
jirey.”
Illaa hadda waxaan dhihi jirnay magaca “Soomaali” waxuu ka
yimid “Soo-maal”. Waxaan ku faani jiray in Soomaalida tahay
ummad martida soo booqata ku soo dhoweyn jirtay caano
markaas la soo maalay, ilaa martidii qaarkood ay u bixiyaan
dalka magaca Soomaali iyo Carabta dhahdo “Arda Soomaal”.
Soomaalinamad aan maanta sheeganayno sidaas ayuu ku yimid,
illaa hadda warka la haayo. Dabcan, dibcigeyna iyo
dhaqankeenna waxay ku salaysan yihiin magacaas oo ka yimid “Soo-maal”.
Waay suurtowdaa in ay jiraan dad taariikhda qora oo ka war
haaya in magaca “Somali” ka yimid qof la yiraahdo Soma bin
Tersoma Nagashi oo Guddoomiye ka ahaan jiray, inkastoo aan
la sheegin taariikhda, min Seylac ilaa Xafuun, sida
dokumentiga qoraayo.
Maxamed Cusman Cumar,
Email:
Mosman61@hotmail.com
The opinions
contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the
editorial opinions of Markacadeey online |