Haddii aan, wax yar, dib u fiirino bilihii lasoo dhaafay oo
ay socdeen qabanqaabo iyo diyaargarow siyaasadeed oo ay DKMG
mashquul ku aheyd, iyadoo Bulshada Caalamkuna gadaal ka
riixeyso. Waxaa la dhisay barlamaan tirade xildhibaanadiisu
macquul tahay, waxaa la doortay gudoomiye iyo madaxweynahay
cusub, ra’iisul wassaare iyo dhismo gole wassiiro oo aad u
kooban; arrimahaas oo ay bulshada Soomaalida, meel ay
joogtaba, u argatay in dalku galay marxalada iyo waayo cusub
oo siyaasadeed.
Sidaa darteed, su’aashu waxay tahay xukuumadda iyo
hoggaankeed cusub ma ka tarjumi doonaan rajada iyo doonista
SHACBIGA ee ku aadan in dalku ka baxo dhibaatooyinka
isbiirsada ee ka dhashay Colaadda Sokeeye iyo burburkii ku
dhacay dowladnimadii Soomaaliya.
Marxalad qabyo ah
Marxalad aan ka duwaneyn ku meel gaar
Sanado badan oo Soomaaliya kulamo iyo shirar is daba joog ah
loo qabtay, iyadoo shirarkaas qaar ka mid ah noqdeen ama ay
gaareyn heer caalami ah, madasha lagu qabtay shirarkaasuna
aheyd dibadda dalka, iyo gunaanadka waxii loo bixiyay
qorshaha ‘ROAD MAP-ka’ ee loo dajiyay qaabka dalka looga
bixinayay marxaladdii KU MEEL GAARKA, ayaa waxaa cad in
hawlaahaas ay horseedeen isbadeel isiyaasadeed oo, ugu
yaraan, saameeyay hogaanka dalka iyo noocii dowladeed ee
muddo soo socday
Sida laga war qabo ma ah, oo kaliya, isbedal saameeyay
Dowladdii ku Meel Gaarka aheyd ee igu danbeyday, hayeeshee,
waxaa gogosha loo laabay, guud ahaan, xaladdii ku tilmaaneyd
Ku Meel Gaarka iyo dowladihii fashalka ku danbeeyay ee soo
jiray ilaa iyo, burburka xukuumaddii militariga aheyd ee uu
talada u hayay Jeneraal Maxamed Siyaad Bare.
Iyadoo xaalku sidaas yahay, ayaa waxaan shaki ku jirin in
marxaladda siyaasadeed ee dalku galay iyo qaabka dowladeed
ee lagu rajo weynyahay inuu JOOGTO noqdo ay xaqiiqdu tahay
in xukuumadda cusub la kowsatay hawlo badan oo aan
dhameystirneyn iyo bilow marxalad, runtii, KALA GUUR ah;
tasoo u baahan, ilaa waqti, inaan loo qaadan in dowladda
Madaxweyn Xassan Sheekh Maxamuud tahay mid durbadiiba
heysata madaxbanaani buuxda, (Full sovereignty) oo ay
go’aano culus oo siyaasadeed ku qaadan karto ama, kali ahaan,
ku maareyn karto arrimo badan oo la xiriira danaha Qarnka
Soomaaliyeed iyo mashaakilka bulshadeed iyo dhaqaale ee laga
dhaxlay duruufihii adkaa iyo Dagaaladii Sokeeye.
Haddii aan si kale u sheego, halka ay tahay inay higsato
Dowladda Cusub, uguna muhiimsan hawsha ay qabaneyso
muddadeeda afrta sano ah, waa xaqiijinta dib usoo celinta,
(Restoration) heybadda iyo maqaamkii dowladnimada Soomaaliya,
dhinac kasta iyo heer kasta, gudaha iyo dibadda, arrintaas
oo dadaal iyo waqti u baahan, ayaa fur u noqnaya in
Soomaaliya gaarto heer ay u madaxbanaanto qaadashada
go’aanadeeda siyaasadeed iyo hanaanka dowladnimo oo ay, umad
ahaan, dooneyso.
Dhinac kale, xasilinta dalka iyo taabo galinta qorshaha
amniga ma ah mid ku hirgalaya, oo kaliya, in guul ‘MILITARI’
laga gaaro dagaalka lagula jiro AL-QAACIDAH iyo dhalinyarada
Soomaalida ah ee la safan, hayeeshee waxay u baahantahay,
iyaduna waqti iyo wacyi galin ku saleysan fahamka toosan ee
diinta Islaamka iyo barnaamij marxalado u qeybsan, oo
ahmiyad weyn siiynaya dib u heshiisiinta bulshada, kasoo ka
maran siyaasad ama, ugu yaraan, loogu danbeysiinayo waxii ku
saabsan arrimo siyaasadeed.
DIB U HESHIINTAAS oo suurta galineysa in dowladda cusub ay,
ugu danbeyntii, si rasmi ah ugu dhawaaqdo ama u cilaamineyso
DHAMMAADKA DAGAALKII SOKEEYE ee bulshada Soomaaliyeed
dhexmaray.
Waxaa hubaal ah, in qorshahaas marka intiisa badan si
‘WAAQIC’ ah loo fuliyo, uu mar kale, Qaranka Soomaaliyeed
hanaqaadi doono, madaxbanaaniduusna noqon doonto mid heysata
ama leh sharciyad dhab ah, islamarkaana yeelan doonta awood
iyo wax qabad fiican.
Marxaladda cusub iyo dhibaatooyinka jira
Mushkilada ugu weyn dhibaatooyinka jira waa arrinta
siyaasadda.
Dabeecadda ay leedaha dhibaatooyinka horyaal Xukuumada Cusub,
runtii, waa qaran burburay mashaakilka uu yeelan karo. Waa
dhibaato si balaaran ama qotto dheer u saameeyay heerarka
nolosha bulshada iyo horumarka guud; raadka ay reebtayna uu
muddo dheer muuqan doono. Sidaa darteed, haddii wax laga
qabanayo, waxaa loo baahanyahay in daraasad iyo qiimeyn lagu
sameeyo baaxadeedu inta la egtahay.
Arrimaha ammaanka iyo nabadeynta dalka oo ay madaxda cusub
ku celceliyeen in ahmiyadda kowaad la siin doono, waxaa loo
baahanyahay inla dhinac socdsiiyo, oo weliba si degdeg ah ay
Dowladda Cusub furaha ugu jarto, (Initiate) ololaha dib u
dhiska dalka, gaar ahaan Caasimadda oo noqotay ASTAAN ama
calaamad tusaalaha u ah burburka dalka ka dhacday.
Dibo u dhiska dalka ma horseedayo, oo kaliya, in kumanaan
qofood shaqo loo abuuro, hayeeshee waxuu bulshada ku
bixinayaa inay arkaan, kana maqsuudaan wax qabadka
dowladnimada.
Waxaa iyna lagama maarmaan ah, si wax looga qabto
dhibaatooyinka ku saabsan saboolnimada baahsan, in lagu
dhaqsado dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta
guud ee bulshada; taasoo KAALINTA kuwaad ay qaadanayaan,
loona baahanyahay in loo jiheeyo, qeybaha hantida leh ee
kala duwan, gaar ahaan ganacsatada iyo jaaliyadaha dibadda
ku nool.
Inkastoo, sida muuqatay, Xukuumadda Cusub aysan si dhaqso ah
usoo rogikarin qawaaniin iyo sharciyo lagu habeeyo hawlaha
ganacsiga iyo qaab socodsiinta maaliyadda guud ee qaranka,
(National Fanacial Proceedures), gaar ahaan dhinaca la
xiriira hantida dadweynahay iyo xal u helidda mashaakilka
dhaqaale ee dlka ka jira, ayaa islamarkaana waxaa muhiim ah
in daraasad iyo baaritaan dhinacaas ku saabsan lagu dhaqaaqo
iyadoo la kaashanayo dadka aqoonta u leh xalinta mashaakilka
noocanas ah iyo qaabka dib loogu soo nooleeyo dhaqaalaha
DALALKA FASHILAY ama coolaadaha ku burburay.
Runtii, dhibaatada ugu qotada dheer, xuduntana u ah
mashaakilka kale ee dalka ka dhacay, laguna TIJAABINAYO
Xukuumadda Cusub sida ay wax uga qabto, waa ARRINTA
SIYAASADDA. Iyadaa sabab iyo horseed u ah dhaqankii keenay
burburkii ku dhacay qaranimada Soomaaliya; dhaqankaas oo,
sida la ogyahay, isgu jiray: mamul xumu, cadaalad daro, ku
tagrifal awoodda dowladnimada iyo, tan ugu ba’an, ku xad gud
nolosha iyo KARAMADA qofka muwaadinka ah.
Dhinac kale, arrimaha maalmahan ugu danbe ka dhacay
magaalada Kismaayo iyo muranka ku saabsan maamul u sameynta
gobolada Jubooyinka iyo damaca SHISHEEYE ee ku hoos jira
dhismaha JUBALAND STATE ama AZAANYA iyo sida ay bulshada
dhexdeeda uga kiciday kala shaki iyo farta isku fiiqa,
waxayna tuusaale muuqda u tahay dabeecadda dhibaatada
siyaasadeed ee hortaal Dowladda iyo Baarlamaanka Cusub,
taasoo u baahan in si xil-kasnimo iyo garasho leh lagu
daweeyo.
Tan kale, hanaanka FEDERAL-ka ee lagu muransanyahay iyo
qaabka la doonayo in gobolada dalka looga hirgaliyo, waxaan
shaki laheyn inay abuuri doonaan qas siyaasadeed iyo
khilaafaad aan horey loo arag. Jahwareerka iyo guuxa socda
waxay muujinayaan in NIDAAMKA federalka uu bulshada
dhexdeeda, durbadiiba, ka kiciyay xassaasiyad qabiil oo aan
loo baahneyn inay dib usoo noolaato.
Sidaa darteed, xallinta mushkilada siyaasadda waa furaha
xasilinta dalka iyo soo celinta AMAANKA, taasoo lagu heli
karo, sida aan horay u tilmaamay, dib u heeshiin DHAB AH iyo
inla abuuro jawi Soomaalinimo oo horseeda in bulshadu ay is
aaminto, kana gudubto dhibaatooyinkii lasoo maray.
Mustaqbalka Siyaasadda Dalka
Aqoonta, wacyiga iyo meel marinta cadaaladda bulshad waa
wadada mustaqbal fiican.
Bulsho kasta waxay dib u fiiridaa, kana faa’iideystaa
waayaha kala duwan iyo duruufaha adage ee soo maray. Tixda
dhacdooyinka TAARIIKHEED, (Chronology of historical events)
waa cashir ama darsi qoran oo lagu qiyaaso umuuraha socda
iyo marxaladda jirta, islamarkaana lagu saadaaliyo
mustaqbalka iyo halka ay wax u socdaan.
Soomaaliya, ilaa sanadihii yaraa ee dowladnimadeed,
1960-1991-kii, waxaa soo maray duruufo siyaasadeed,
bulshadeed iyo dhaqaale oo inkastoo aysan laheyn hal waji
ama qaab kaliya, hadana tusinaya in Soomaliya ay guud ahaan,
dhinaca maamulka dowladnimada, ay ku jirtay horumar
tartiib-socod ah, oo haddii lagu sameyn lahaa toosin iyo
hagaajin, (Reform), gaari lahaa heer laga maqsuudo.
Fahamka qaabka aw u shaqeeyo Hanaan Dowladeed, (System of
Government), gaar ahaan shuruucda iyo xajinta nidaamka,
(Discipline) iyo dabeecadda ay leedahay mas’uuliyada qofku u
hayo dalka, -ha noqoto siyaasad ama maamul guud sida
mareynta dhaqaalah, qorshaha, adeegga bulshada, fulinta
cadaaladda iyo hawlaha dhinaca amaanka; arrimahaas oo ah
kuwa ugu muhiimsan dowladnimada ayaa marxaladda cusub waxay
loo baahanyahay in horumarintooda xoogga la saaro, iyadoo
dadka hawlwadeenada ah, ama noqonaya, loo sameynayo
barnaamijyo aqoon kordhin, xirfado sare iyo wacyi galin
joogto ah.
Haddii aan si kale u sheego, mustaqbalka siyaasadda dalka
waxuu rahmad u yahay ama ku xiranyahay aqoonta iyo xil
gudashada dhammaan shaqaalaha dowladda, heer kasta, madax
ama hawlwadeen caadi ah. Fahamaka qofku u leeyahay hawsha uu
hayo iyo sida aw u dareemayo gudashada mas’uuliyadda waa
laba waajib oo is dul saran, (Overlap duties) -sida awgeed
shaqsi laguma tilmaami karo inuu aqoon u leeyhay hawsha uu
qaranka u hayo isla markaana yahay qof aan xikas aheyn.
Xaqiiqadaas marka aan dib ugu fiirno dhibaatooyinkii dalka
soo maray iyo dhaqankii horseeday maamul xumada iyo ku
tumashada shuruucda iyo Mabda’a Cadaalada Bulshada, ee ugu
danbeyntiin keenay in dalku galo dhiilo siyaasadeed iyo
marxalad madow waxaa noo muuqanay in, inta badan, dadkii
xilka iyo mas’uuliyadda u hayay qaranka aysan gaarsiisney
heerka aan soo tilmaamay.
Mustaqbalka ay bulshada Soomaaliyeed u hanqal taagayso waa,
mid ay waajib tahay, inuu ka duwanaad xaaladihii siyaasadeed
ee lasoo maray iyo dhaxalkii qaraaraa oo ay ka tageen
dhammaan dowladihii dalka ka jiray, ilaa dhalashadii Qaranka
Soomaalida iyo burburka dowladdii dhexe
Sidaa darted, iyadoo la ogsoonyahay dhibaatooyinka faraha
badan iyo CARTANKA SIYAASADEED, (Political Challenges)* ee
sugaayo Dowladda Cusub ayaa loo baahanyahay inla helo,
laguna hawl galo Aragti sugan, qorshe iyo barnaamij
siyaasadeed oo si dhab ah uga tarjumaya himilada iyo rajada
Ummadda Soomaaliyeed ay ka qabto marxaladda bilaabatay iyo
hogaamiyaasha Dowladda Cusub ee Soomaaliya.
Xassan Xayle:
hassanhaile@hotmail.com
________________________________________
* FG: sida ka hortimaada qooraa kasta, waxaa dhibaato ka
jirtaa eryada aan leysku raacin macnaha TARJUMADOODA. Erayda
aan sida muuqata u qoray ama galiyay QAANSOOYINKA,
(BRACKETS-ka) haddii uu qof aqrista ah macno kale u haayo,
fadlan, isoo qor adigoo ku mahadsan!
The opinions contained in this article are solely those
of the writer, and it does not represent the editorial
opinions of kacadeey online |