Wararka laga helayo magaalada Djabuti ee dalka Djabuti ayaa
sheegaya in kulamo gaar gaar ah ay halkaasi ka soconayeen
xalay.
Wararka ayaa sheegaya in wakiilka Gaarka ah ee Qaramada
Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia uu xalay kulamo la
kala qaatey wadiyada labada dhinac ee Jabuuti ku sugan.
Kulan socdey in ka badan sedex saacadood ayaa lagu soo
waramayaa in wakiilka uu xalay la qaatay wafdiga golaha
maxaakiimta oo Sheekh Shariif iyo Shariif xasan ay
hogaaminayeen.
Wafdiga Maxaakiimta ayaa wakiilka Qaramada Midoobay kala
Hadley sida ugu fudud ee uu ku dhici karo kulan foolka fool
ah oo labada dhinac ay isugu yimaadaan.
Sidoo kale, wafdiga dowlada federaalka u jooga Jabuuti ayuu
Wakiilka Qaramada Midoobay kulan la qaatay, waxaana la
filayaa in manta kulanka wada hadalka uu furmo.
Shalay ayay ahayd markii uu dib u dhaca ku yimid kulankan.
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
Xafiiska Markacadeey Muqdisho