Sheekh
Shariif SheekhAxmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa ka
guuray Hoteelkii laga dejiyay magaalada Jabuuti, kadib
markii lala dejiyay madaxweynaha dowlada federaalka kmg-ka
SOomaaliyeed, Col: C/laahi Yuusuf Axmed.
Wararka waxa ay sheegayaan in labada mas’uul ay degeen
hoteelka kale, iyada oo markii wafdiga madaxweynaha la
dejinayay hoteelka la sheegay in ay magaalada ku maqnaayeen.
Ma
jiraan wax hadal ah oo labada mas’uul ay ka yiraahdeen ka
bixitaankooda hoteelka, iyada oo dhinaca kalena Saleebaan
Colaad Rooble oo gudiga warfaafinta isbahaysiga Asmara madax
u ah oo arrimahaasi wax laga weydiiyay uu ka gaabsadey.
Wararka qaarkood waxa ay leeyihiin waxaa soconaya dadaalo ay
wadaan xubno dowlada Jabuuti ku jira iyo guddiga Qaramada
Midoobay, iyada oo wafdiga madaxweynaha ay hoteelka dejiyeen
xubno wasaarada arrimaha dibada Jabuuti ka tirsan.
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
Xafiiska Markacadeey Muqdisho