|
Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii galabta ka dhacay magaalada
Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud.
Afhayeenka dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng: Yariisow) ayaa Saxaafadda u
sheegay in Xukuumadda ay ka xuntahay qaraxii galabta ka dhacay Magaalada Dhuuso
mareeb ee gobalka Galgaduud kaa oo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaar
katirsan xildhibaanada dowladda KMG Soomaaliya.
Wuxuu kaloo Afhayeenka sheegay in Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan
C/wali Aw-Muxumed ay ku dhinteen qaraxaasi islamarkaana uu ku dhaawacmay Axmed
C/salaam oo Xukuumadii hore ka noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo
mas’uuliyiin kale.
Wuxuuna sidoo kale sheegay Afhayeenka in Shacabka Soomaaliyeed intaan ka dib
aysan u dul-qaadan doono in kooxaha nabad diidka ah ay sii joogteeyaan
falalkooda argagaxisada ah. Dowladdu waxey sii kordhin doontaa howlgalada looga
soo horjeedo kooxdan caadeysatay inay shacabka gumaadaan.
Dhinaca kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in Warsaxaafadeed ka soo baxay UN-ka, AU
iyo IGAD lagu sheegay in cidii ka hortimaada Road-map-ka tilaaba cadd laga qaadi
doono islamarkaana loo aqoonsanayo qaswadayaal.
Ugu dambeyntii Afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka
Soomaaliyeed iney taageeraan hanaanka looga baxayo Kumeel Gaarnimadda
islamarkaana ay ka shaqeyaan sidii loo heli lahaa dowladda rasmi ah.
HOME
|