|
Xildhibaano iyo siyaasiyiin ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si cad ugu
soo horjeesteen hadalkii kasoo baxay QM, Midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD
kaasi oo ku addanaa inay jiraan dad caqabad ku ah arrimaha Roadmap-ka iyo
Dastuurka loo sameynayo dalka Soomaaliya.
Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah barlamanka oo ka jawabay
hadalkaasi aya waxa ay sheegtay in QM, IGAD iyo Midowga afrika aysan nabad u
rabin Soomaliya, iyadoo tilmaamay inay doonayaan in dalka Soomaaliya uu ku jiro
colaad iyo burbur.
Caasha Axmed ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya marna aysan gali doonin gumeysi
cusub oo ay galiyaan dowladaha aan dooneyn Maslaxadda Soomaailya, iyadoo xustay
in shacabka Soomaaliyeed ay kasoo horjedaan dhibaatooyinka lala doonayo
Soomaaliya sida ay hadalka u dhigatay.
Sidoo kale Xildhibaan C/fitaax Ibraahim Rashiid oo isna ka mid ah barlamanka
ayaa waxa uu sheegay in Roadmap-ka iyo Dastuurka aan la horkeenin barlamanka,
islamarkaana barlamanka uu xaq u leeyahay in uu ansixiyo ama uu kasoo horjeesto
sharciyada la horkeeno barlamanka.
Siyaasiga Max’ud Cumar Afeey ayaa waxa uu isna dhankiisa wax lala yaabo ku
tilmaamay Dastuur ay wataan dad dano gaar ah ka leh Soomaaliya, wuxuuna ugu
baaqay shacabka inay ka tashtaan Aayahoodu oo aysan marna ansixin Dastuurka lagu
qaldayo.
HOME
|