|
Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarrisay xaruntii loogu talla galay in uu ka dhaco
shirka ansixinta Dastuurka dalka, iyadoo sheegtay in odayaasha dhaqanka
Soomaaliyeed, markii horrey la dajiyay dhismayaasha ugu quruxd badan caasimadda
dalka ee Muqdisho, maadaama dhaqanka Soomaaliya uu sida yahay.
Iyadoo la filayo in dhowaan la ansixiyo qabyo qoraalka Dastuurka cusub ee
Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Soomaaliya diyaarrisay Hool Weyn oo loogu talla
galay in odayaasha dhaqanka ku shiraan, si ay u ansixiyaan Dasturka qabyo
qoraalka ah, iyadoo odoyaasha dhaqanka qaarkood ay dowladdu dajisay guryo aad u
qurxoon oo ku yaalla caasimadda.
Wasiiru dowlaha, Dekaddaha, Gaadiidka, Badda, Cirka iyo Dhulka Xukuumadda
Soomaaliya mudane Saciid Qoorsheel oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in
odyaasha dhaqanka Soomaalida ay dowladdu ku soo dhoweysay caasimadda si ay uga
qeyb qaataan, soo xulista ergada cusub ee ansixinaysa Dastuurka.
Sidoo kale wasiiru dowlaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska C/kaafi Macallin Xasan
ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raad ku laheyn soo xulista odoyaasha
dhaqanka isla markaana ay soo xulleen beellihii matallayay.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa iyana ku ammaanay dowladda Soomaaliya soo
dhoweynta ay u sameysay iyo guryaha ay dajisay, maadaama dhaqanka Soomaaliyeed
uu yahay mid ku salleysan is xushmeen iyo ixtiraamka.
Bishan May ee aynu ku guda jirno dabayaaqadeeda ayaa la filayaa in la ansixiyo
Dastuurka Soomaliya, iyadoo ka horna looga fadhiyo odayaasha dhaqanka in ay soo
xullaan xubnaha ergada ansixinaysa Dastuurka oo tiradoodu gaareyso 825, xubnood.
HOME
|