|
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane
Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu magacaabay Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna
Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
Wareegtada ayaa lagu xusay in Mudane Xuseen Sheekh Maxamed Xuseen loo magacabaay
Ra’isulwasaare kuxigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Xanaanada Xoolaha,
Dhirta iyo Daaqa ayadoo arintaasina ay ku timid soo jeedinta Ra’isulwasaaraha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali.
Sidoo kale Wareegtadan magacaabista ah ayaa waxaa lagu xusay in arintan ay tahay
mid lagu buuxinayo baahida loo qabo daboolida jagada Wasiirka Wasaaradda
Beeraha,Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa maadaama Wasiirkii hore ee
Wasaaraddaasi xilka dhowaan laga qaaday.
HOME
|