|
Waxaa goor dhow garoonka diyaaraha caalamiga ah ee Aadan Cadde ka duulay wafdi
uu hogaaminayo duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku
sii jeeda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Socdaalka wafdiga duqa Muqdisho ee dalka Turkiga uu ku tagayo ayaa yimid kadib
casuumaad rasmi ah oo dowladda hoose ee XAMAR ay ka heshay dhigeeda magaalada
ISTANBUUL.
Xubnaha socdaalka shaqo ee guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada
Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ku wehliyo ayaa waxaa ka mid ah ku
xigeenkiisa dhanka maamulka iyo maaliyadda mudane Iimaan Nuur iikar, urban
planner ka Muqdisho mudane Eng. Maxamed C/qaaadir Axmed Shaan, lataliayah duqa
magaalada mudane Cali Gaabow iyo xunbno kale.
Socdaalka duqa magaalada iyo wafdigiisa ay ugu amba baxeen dalka Turkiga ayaa
waxa uu qeyb ka yahay dadaalada maamulka gobolka Banaadir uu ugu jiro
horumarinta magaalada iyo soo celinta bilicdii Muqdisho.
Ajandayaasha kulanka magaalada ISTANBUL ku dhexmari doona wafiga duqa magaalada
Muqdisho iyo masuuliyiinta dowladda hoose ee ISTABUL ayaa waxaa ugu waa weyn,
sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee Somalia iyo Turkiga iyo
sidii Muqdisho ay Turkida ug a fulin lahayeen mashaariic horumarineed.
Wafdiga uu horkacayo duqa magaalada Muqisho ayaa la filayaa in booqashadooda ay
qaadato muddo usbuuc ah.
HOME
|