|
Ciidammada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Ex-Koontarool Afgooye ayaa gacanta ku
dhiggay nin sitay walxaha qarxa, kaasi oo ka tirsanaa malleeshiyaadka Al-Qaacidda
oo doonayay in weerar naftii halignimo ah uu ka fuliyo xarunta ay ku sugan degan
yihiin ciidammada dowladda iyo AMISOM.
Taliyaha ciidammada ammaanka ee Ex-Koontarool Afgooye Axmed Cabdullaahi ayaa
Radio Muqdisho u sheegay in ninka ay ciidammada ammaanka gacanta ku dhiggeen in
uu watay Jaakad ay ku xiran yihiin Walxaha qarxa, isla markaana uu doonayay in
uu gudaha u galo xarun ay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidammada
AMISOM degan yihiin.
Waxa uu tilmaamay in ciidammada amniga ay war helleen ninkaasi laba maalin in uu
ku soo jeedo magaalada Muqdisho, maadaama qaraxaasi lagu soo diyaariyay
deegaannada loo barakacay, isagoo xusay in xarunta Jaamacadda Umadda uu doonayay
in uu isku qarxiyo, basle awoodda Alle kaddib ay ku guulleysteen ciidammada
amniga.
Axmed Cabdullaahi ayaa carrab ku dhuftay in ninkaasi dhagar qabaha ee ay gacanta
ku dhiggeen qabashadiisa ay kala shaqeeyeen shacabka Soomaaliyeed ee Nabad Jecel,
haddana uu ku jiro gacanta ciidammada amiga, saacaddaha soo socdana ay
warbaahinta u soo bandhiggayaan.
Ugu dambeyntii ayuu sheegay taliyaha ciidammada Ex-Koortarool Afgooye ayaa
tilmaamay in hey’adda Nabad Sugidda ay ku wareejinayaan si ninkaasi loo marsiiyo
waajibkiisa, waxa uu intaa raaciyay in qorshayaasha kale ee Al-Qaacidda damacsan
tahayna ay sidaas oo kale u fashilinayaan.
HOME
|