|
Taliska xabsiga dhexe ee Xamar ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda guud ee
xabsiga iyo noloshada Maxaabiista halkaasi ku xir xiran, iyagoo beenniyay in si
sharci darro ah la isaga sii daayo maxaabiita, islamarkaana arrintaasi la
marsiyo xeer maxkamaddeed.
Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar Jeneral Cabdi Ismaaciil Maxamed ayaa sheegay in
xaaladda xabsiga dhexe ee Xamar ay tahay mid wanaagsan, isla markaana
maxaabiista ku jirta si wanaagsan loo daryeelo oo ay u sameeyeen dhaqan celin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin maxaabiis xabsiga ku jirta oo ay si
sharci darro ah la isaga sii daayo, balse arrintaasi awooddeeda uu leeyahay
Madaxweyna Jamhuuriyadda, oo maxkamaddaha ay quseyso arrintaasi warqad cafis ama
sii deyn u soo gudbinaya kaddibna Wasaaradda Garsoorka iyo maxkamadda ay xabsiga
u soo gudbinayaan nuqul ka mid ah warqadaasi cafiska ah si loo sii daayo
maxbuuska.
Cabdi Ismaaciil ayaa tilmaamay in nolosha maxaabiista ay wax badan iska badashay
oo ay helaan daryeel dhinacyo badan leh, sida caafimaad iyo raashiin tayo
wanaagsan leh, isagoo intaa ku daray in wasaaradda Garsoorka ay maxaabiista
siiso Dasriyo Diini ah, si marka ay xabsiga ka baxayaan u noqdaan dad aqoon leh.
HOME
|