|
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka tirsan
Golihiisa Wasiiradda ayaa maalintii labaad kulan uga soconayay Xarunta taliska
AMISOM ee Xalane kaa oo looga hadlayay arrimaha amaanka dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Gudiga Wada jirka Amniga oo ay ku mideysan
yihiin Qaramada Midoobey,TFG-da, Ahlusunna, Galmudug, Puntland, IGAD,AMISOM,
Mareykanka, Britain iyo Midowga Yurub, Wuxuuna kulanka ku saabsanaa mid diirada
lagu saarayo sidii loo xoojin lahaan amaanka dalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa warbixin ka siiyay
Gudiga Wada jirka Amniga amaanka dalka gaar ahaan Muqdisho iyo Gobaladii laga
xureeyay Al-Shabaab, Wuxuu kaloo tilmaamay in Xukuumadda ay ku guuleysatay
sugidda amaanka balse loo baahan yahay in dadaaladaasi la sii xoojiyo,
Islamarkaana loo baahan yahay in la tayeeyo Ciidamada Booliiska ee dowladda.
Ugu dambeyntii wuxuu Gudigu isku afgartay in la xoojiyo amaanka dalka lana
tayeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,
ayaa kulan la qaatay Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mr Jemes Swan,
Waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dowladood sidii loo sii xoojin lahaa iyo
Sidii dowladda Mareykanka uga qeyb qaadan laheyd dadaalada lagu doonayo in
Soomaaliya ay yeelato dowladd rasmi ah.
Sidoo kale Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha kulan la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee
QM ee Arrimaha gar-gaarka deg-degga ah Catherine Brag iyo Madaxa Midowga Yurub
ee Soomaaliya George Mark Andrea oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka
mid tahay arrimaha gar-gaarka, Waxaana kulanka kadib si wada jir ah Saxaafadda
la hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud Ms.Catherine Brag.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo hadalka ku hormaray ayaa saxaafadda u sheegay in
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa
xaaladaha Gar-gaar ee Soomaaliya, Islamarkaana uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha
in Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ay tahay markii ugu horeysay oo ay Muqdisho
soo gaarto.
Waxaa sidoo kale saxaafadda la hadlay Ms. Catherine Brag Kaaliyaha Xoghayaha
Guud ee QM, Waxayna aad uga mahadcelisay soo dhaweyntii Xukuumadda, Iyadoona
tilmaamtay iney ku faraxsan tahay imaatanka Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,
Islamarkaana sheegtay iney kordhin doonaan gargaarka Shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,
ayaa tagay xaruntii shirka ugu socday Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo
xuli lahaa Gudigii Ansixin lahaa Dastuurka dalka, Isagoona soo xiray shirka
Odoyaasha balse uu ugu dardaarmay Odoyaasha Dhaqanka in howlo badan laga sugayo
kuwaa oo la rabo in la soo gabagabeeyo muddo 3-bilood ah.




HOME
|