|
Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa
maanta booqday goobta uu shirka uga soconayo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed,
kuwaa oo looga fadhiyo iney soo xulaan gudigii ansixin lahaa Dastuurka dalka iyo
Barlamaanka uu yeelan doono Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare, Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in shirkaani uu
yahay kii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya la isugu yimaado mudo 20 sano kadib.
“Shirkaani waa kii aan kaga godbi laheyn mar xaladihii aan soo marney 20-kii
sano ee la soo dhaafay waa mid taariikh u ah Ummadda Soomaaliyeed”.
Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in September, 6-dii ay aheyd markii ugu
horeysay ee Shir lagu qabto gudaha wadanka Soomaaliya kaa oo ay ka soo qeyb
galaan dhinacyada Soomaalida oo idil basle ay jireen shirar badan oo gudaha
dalka lagu qabtay laakiin aan wax sidaa u badan ka soo bixin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka sharaxaad ka siiyay machana
Roadmap-ka islmarkaana uu sheegay in ay tahay inaan ka tageeno colaad, Kumeel
Gaarnimo oo aan u guureyno dowladd rasmi ah iyo Cadaalad.
Sidoo kale, Wuxuu tilamaamay in Dib-u- heshiisiinda ay saldhigg u yihiin
Odayaasha Dhaqanka islamarkaana Dib-u-heshiisiinta iyo dowladnimadu waxaa laga
ma maarmaan u ah in waqti loo huro, waxaan rabnaa Dastuur soo celiyo
dowladnimadii iyo Qarannimadii Soomaaliyeed lana badiyo la tashiyada si loo saxo
waxa khaldan.
“Sida aad la socotaan Dastuurkii 1960-kii waa ansixiyay Ergo 110 qof aheyd”.
Wuxuu sidoo kale xusay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in ay dowladdnimadu ku
xiran tahay sida ay Odoyaasha Dhaqanka u soo culaan Baarlamaanka dambe oo ay
Soomaaliya yeelan doonto islamarkaana ay 30% yihiin haweenka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ka
codsaday iney soo dedejiyaan xuliska Ergada si waqtiga loo dhowro islamarkaana
uu sheegay Odayaasha Dhaqanka in Ergada aad soo xuli doontaan waxa uu
saameynayaa mustaqbalka dalka balse waxaa la idin ka rajeynayaa inaad soo
xushaan dad u qalma mustaqbalka dalka.



HOME
|