|
Iska horimaadkaani ayaa waxaa Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ku
dhexmaray degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.
Goobjooge ku sugnaa degmada Yaaqshid ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo Militari ah
oo ka tirsan dowladda ay dhac u gaysteen Haween qaad ku iibinaysay, taasina ay
keentay inay ku baxaan ka tirsan kuwa booliska, Militariga, kaddibna uu bilowday
iska horimaad dhexmaray ciidamadaasi.
Inta la’ogyahay 2-askari ayaa ku geeriyooday 2-kalena way ku dhaawacmeen kuwaasi
oo loo qaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxanaa sidoo
kale la sheegay inay gacanta lagu dhigay mid ka mid ah askartii wax dhacaysay
sida Idaacadda Shabelle ay u sheegeen goobjoogayaasha.
Dhinaca kale dadka ku sugan degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka
cabanayaan rag ku libasan dareeska Ciidamada dowladda KMG ah oo dhibaato ku haya
dadka ku sugan halkaasi oo ay kala kulmaan dhac baahsan.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee degmadaasi
oo ku aaddan iska horimaadkasi, inkastoo inta badan Magaalada Muqdisho uu iska
horimaad ku dhexmaro Ciidamada dowladda kuwaasi oo qasaaro u gaysta dadka
rayidka ah.
HOME
|