|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo xalay dalka
Mareykanka gaaray ayaa ka qeyb gali doono shirka Golaha ammaanka ee ka furmaya
magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyadoo madaxweynaha uu halkaasi ka
jeedin doono khubad ku aadan xaaladda guud ee Soomaaliya.
Wefdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed markii
ay gaareen magaalada New York ee dalka Mareykana ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu
soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka iyo safiirka Soomaaliya
u fadhiya Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa saacaddaha soo aadan shirka golaha ammaanka ee Qaramada
Midoobay ka jeedin doona khubad xasaasi ah oo uu uga hadlayo xaaladda guud ee
Soomaaliya iyo guullihii laga gaaray shirarkii ay hoggaamiyayaasha Soomaalida ku
yeesheen gudaha dalka.
Shirka golaha ammaanka kaddib madaxweyna iyo wefdigiisa aya la kulmi doona
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada New York, sida
uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay safiirka Soomaalia u fadhiya Qaramada Midoobay
Cilmi Ducaale.
Dhinaca kale madaxweyne Shariif iyo wefdigiisa ayaa kulammo gooni gooni ah la
qaadan doono masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykan iyo madaxda ka soo qeyb
galeysa shirka golaha ammaanka oo ajandayaasha looga hadlayo Soomaaliya ugu
horeyso.
HOME
|