| 
SOMALI BANADIR COMMUNITY IN NEW ZEALAND
P O Box 9186 Marion Square, Wellington, New Zealand
Fax: 04 382 8607, Email: somalibanadir@hotmail.com
Ref: SBCNZ/005/00
Date: 21/10/2000
KU:- DHAMMAAN CULUMAAUDDIINKA,AQOONYAHANADA
IYO WAXGARADKA REER BANAADIR
OO IDIL
UJEEDDO:-ABAABUL SHIRWEYNE HEER QARAN OO REER
BANAADIR AH
Waxaan jecelnahay inaan usoo jeedino dhammaan dadka reer Banaadir salaan
caddada Quraanka Kariimka.Waxaan u mahad celineynaa Rabbiga awooda sare leh ee nagu
maneeystay anshaxa iyo asluubta wanaagsan iyo ilbaxnimada faca weyn oo noo horseeday
inaana marna ka qeyb qaadanin falalkii ka dhacay dalkeeni Hooyo.
Sidoo kale waxaa marag ma doonto ah doorarkii lexaadka lahaa ay kasoo
qaateen dadka reer Banaadir dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee dalka Somalia,iyo
waxyaabihii cajaaibka ahaa oo ay ka qoreen dalmareenadii soo booqday xeebaha
Banaadir oo laga heli karo matxafyada adduunka oo idil.
Sidaas darteeda, waxaan usoo jeedineynaa guud ahaan dadka reer Banaadir
meelkasta ay joogaan arrimaha hoos ku qraon:
1. Iyadoo laga faaideysanaayo waayaha socodka
taariikhda adduunka, iyo isbeddelada siyaasadeed ee ka socda wadammada soo koraayo
awgeed.Waxaan usoo jeedineynaa walaalaheena reer Banaadir meelkasta ha joogaan IN LA
ABAABULO SHIRWEYN HEER QARAN EE DADKA REER BANAADIR OO DHAN, oo meel
marintiisuna aan kala kaashano walaalaheeni Carbeed iyo Hayadaha samafalka adduunka
ee gacan ka geysta arrimaha noocaani oo kale.
2. In laga abaabulo deggaan kasta guddi ka masuul
ah arrimaha dadka reer Banaadir oo ka kooban dhammaan xubnaha bulshadda ee degaankaasi ku
wada nool.sidoo kale inay isla yeeshaan xiriir iyo iska warqab joogto ah siiba dadka ku
wada nool degaanada isku dhow ama deriska ah.
3. In laga helo deggaan kasta dad iskooda isu xilqaama
(Volunteers) oo ka kooban Culumaauddiinka, aqoonyanaha & indheergartada oo
howshoodu noqon doonto:
b. Ku baraarujinta dhallaanka soo koraaya ee reer
Banaadir barashadda Diinta Islaamka,hiddaha & dhaqanka iyo ku dhiirigelinta
dhallinyada waxbarashadda casriga ah.
t. Xallinta khilaafaadka bulshada Banaadir dhexdooda iyo
dib u heshiisnta reeraha wax kala tabanaayo.
4. In la sameeyo keyd ama sanuuq samafal oo lagu fuliyo
arrimaha u gaarka ah dadka reer Banaadir. Meelahii ay ka jiraan arrimaha kor ku xusan
waxaan leenahay hala geliyo dardar horleh oo cusub, meelihii ay weli ka taaba gelin sida
ugu dhaqsi badan haloogu dhaqan geliyo taasoo dan u ah dadkeena reer Banaadir.
5. Arrimaha kor ku xusan oo aan usoo jeedineyno dadkeena
reer Baanadir meelkasta ha joogaan,waa uun fikrad aan isleenahay sida wax noogu hagaaji
karo, iyadoo la ogyahay inay gacmo wadajir ay wax ku qabtaan,ilkanaa ay wadajir ay wax ku
gooyaan reer Banaadir waxay yiraahdaan:-wax kas wax looma sheego, weel boqsan wax ma lagu
shubto,wax laawe wax looma dhiibto.
Inshaa Allah kheyr iyo barwaaqo ayaan higsan doonaa.
MIDNIMADA REER BANAADIR HA WAARTO |