MarkaCadeey3.gif (3919 bytes)

 

 

 

 

SOMALI BANADIR COMMUNITY IN NEW ZEALAND

P O Box 9186 Marion Square, Wellington, New Zealand

Fax: 04 382 8607, Email: somalibanadir@hotmail.com 

 

Ref: SBCNZ/001/01

Date: 10 January, 2001  

Ujeeddo: Taageero Bayaankii Ismahurtoy 

Waxaan aad iyo aad ugu riyaaqnay bayaankii ay si wadajir ahaan usoo saareen walaalaheeni reer Banaadir ee ku wada dhaqan dalka Ingiriiska.Sidoo kale waxaan mahad gaar ahaaneed usoo jeedineynaa odayaashii ka hawlgalay meelmarinta arrintani oo runtii soo qabtay hawlo aad u xasaasi ah guud ahaan walaalaha wada dhashay ee ku wada nool dalka Ingiriiska.

Annagoo tixraacayno warqad aan horay ugu soo qornay isla bogga Marka Cadeey, waxaan si gaar ahaaneed ugu xusnay isla arrinta kor ku tilmaaman.

Sidoo kale waxaan jecelnahay inaan usoo jeedino mahad aad iyo aad u ballaaran walaalkeeni Saalim Xaaji oo runtii inoo qabtay hawl aad u baaxad weyn oo aan lasoo koobi karin,waxaan leenahay walaal jire Alla ka dhigo.

Waxaan kale ugu baaqeynaa guud ahaan walaalaheeni reer Banaadir inayTusaale ku dayasho leh u noqoto tallaabada habboon ee walaalaheeni Reer Banaadir UK.

Midnimada Reer Banaadir Ha Waarto. 

Wa Bilaahi Tawfiiq


 

return.gif (3137 bytes)