Maxkamada islaamiga
gobolka Hiiraan oo sheegtay in aan la furi doonin xadka gobolkaasi uu la wadaaho Ethiopia
oo dhawaan la xiray
October 12, 2006 Markacadeey
Maxkamada
islaamiga ee gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in xadka gobolkaasi uu la wadaago dalka
Ethiopia uu sii xirnaan doono isla markaana maxkamadaha islaamiga ay kontorooli doonaan
waxyaabaha ka socda xadka .
Gudoomiyaha maxkamada islaamiga ee gobolka Hiiraan Sheekh Faarax Macalin Maxamuud oo
maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Baladweyn ayaa sheegay in xadka aan la furi
doonin isla markaana uu xirnaan doono ilaa amar danbe waxa uuna sheegay in ay heleen howlo
xadka looga soo gudbinayo kooxo jaajuusayaal ah oo u shaqeynaya cadowga Ethiopia.
Sheekh Faarax Macalin Maxamuud waxa uu sheegay in howlahaasi jaajuusiinta xadka looga soo
gudbinayo ujeedkoodu yahay in lagu wiiqo howlaha maxaakiimta islaamiga ay ka wadaan
gobolka Hiiraan.
Sheekh Faarax Macalin ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baladweyn ,waxaana
gudoomiyaha dhawaan uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in
socdaalkii Muqdisho uu ku tagay uu ujeedkiisu ahaa sidii gobolka Hiiraan uu heli lahaa
ciidamo xoog leh oo gobolka ka difaaca xad gudubyada Ethiopia.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu shaaciyey in maamul aan ahayn maamulka maxkamada islaamiga
gobolka Hiiraan aanu ka dhaqdhaqaaqi Karin gobolka isagoo ka dalbaday shacabka gobolka in
maxkamada ay la shaqeeyaan.
Goaanka maxkamada islaamiga gobolka Hiiraan ayaa u muuqda mid maxkamadaha islaamiga
ay kaga gaashaamanayaan xad gudubyada ciidamada Ethiopia ay ka geysanayaan dhulka
Soomaaliya.