Dowladda Cabdiqaasim Salaad oo dhinac martay dhaartii ay
u dhaarteen Qaranka
Ruunkinet 04/10/01
Kadib markii loo doortay Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan oo af carabiga si wanaagsan ugu
hadla in uu noqdo madaxweynaha DKMG ah ayaa ku dhaartay in uu Ummadda Soomaaliyeed ku
dhaqi doono Sinnaan iyo Caddaalad. Waxaa sidoo kale dhaartay dhamaan Xukuumadda DKMG ah
iyo Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu guddoomiye u yahay Mudane Cabdalla Deerow Isaaq marka
laga reebo qaar yar oo diiday ka mid noqoshada baarlamaanka sida Jeneral Moorgan.
Marka laga reebo maleeshiyada hubeysan oo taageerta Dowladda Cabdiqaasim Salaad kuna
sugan Gobollada Shabeelada Hoose iyo magaalooyin badan oo ka mid ah Gobollada Jubooyinka,
waxay xukuumadda awooddeeda ku kooban tahay magaalada Muqdisho oo weliba meelo ka mid ah
magaalada ay ka taliyaan mucaaradka.
alaabadii ugu horeysay oo ay xukuumadda qaaday waxay noqotay sida soo socota taas oo ku
wajahan dhismaha maamulka Gobolka Banaadir.
Waxaa xaqiiqo ah in ay isku koobeen beelaha hubeysan ee ka taliya Muqdisho dhaqaaliha
waddanka soo gala marka laga reebo shaqsiyaad ku abtirasada beello kale oo la'is leeyahay
dowladda ayaa burbureysa haddii ay ka baxaan xukuumadda KMGah.
Maamulka Gobolka Banaadir
| Magac |
Jago |
Beel |
| Cali Ugas Cabdulle |
Guddoomiyaha gobolka |
Abgaal |
| Cabdullahi M. Xuseen |
Duqa Magaalada |
Abgaal |
| Cabdullahi Firimbi. |
Xog. guud ee gobolka |
Habargedir |
Ku Xigeenadooduna waxay ay kala yihiin:
2 Murusade ah, 1 reer Xamar ah, 1 Mareexaan ah, l Abgaal ah iyo 1 Habargidir.
Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir
| Magac |
Jago |
Beel |
| Sahro Xasan Ceynte |
Gudd. Degmada Kaaraan |
Abgaal |
| Muxiyadiin Xasan Xaaji |
Gudd. Degmada Yaaqshiid |
Abgaal |
| Cabdi Maxuud Xasan |
Gudd. Degmada Boondheere |
Abgaal |
| Abuukar Xasan Xuseen |
Degmada Shibis |
Abgaal |
| Xuseen Axmed Cosoble |
Degmada Cabdulcasiis |
Abgaal |
| Abuukar Xasan Cabdi |
Degmada Wadajir |
Abgaal |
| Muxiyadiin Baare Gacal |
Degmada Waaber |
Abgaal |
| Maxed Odawaa Guure |
Degmada Shangaani |
Udeejeen |
| Cabdi Maxuud Warsame |
Degmada Hodan . |
Habargedir |
| Cabdullahi Ibraahim sahal ... |
Degmada X/weyne |
Habargedir |
| Axmed Sheekh Maxud |
Degmada Xamar jajab |
Habargidir |
| Xasan Cali Maxed |
Degmada War Dhiigley |
Habargidir |
| Cabdijibriil Xasan |
Degmada Dharkenley.. |
Habargidir |
| Xasan Cali Kulmiye |
H/wadaag. |
Murusade |
| Xasan Maxed Yalaxow |
Degmada Dayniile. |
Murusade |
| Maxuud Cabdulle Guuleed |
Degmada Heliwaa |
Duduble |
Intaas waxaa dheer Madaxa Kabineedka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo
Xoghayaha Gaarka ah ee Cabdiqaasinba waa saddex nin oo uu adeer u yahay.
(Waxaan mar dhaw soo gudbin doonna qeybaha kale oo ay ka mid yihiin madaxda Sare ee
Maxkamadaha, Ciidanka Booliska, Militariga iyo Isboortiga taas oo ay dad badan la yaabi
doonaan ee la socda).
Waxaa halkaan kaaga muuqan kara in la dhinac maray dhaartii ku saleysneyd sinnaan iyo
caddaalad, halka ay dowladda ka talisana ku koobeen maamulkeeda beelaha ay isleeyihiin
waxay haaystaan tikniko iyo maleeshiyo wax qasi kara halka beelaha qaarkood looga hor
istaagay in lagu daro maamulka Gobolka Banaadir tikniko la'aan iyo ayagoo ka qaday boobkii
hantida dowladda iyo tan dad weynaha oo ay beelaha hubeysan horay u boobeen intii ay
socdeen dagaalladii sokeeye.
Waxaa xusid mudan beesha Banaadiriga oo ah tan loogu yimid Xamar, Beesha Gaal Jecel oo
ka mid ah beelaha ugu tira bada Soomaaliya islamarkaasna keenta magaalada Muqdisho xoolaha
nool iyo caanaha, lagana qaado canshuur fara badan , Beesha Shiikhaal oo degta Banaadir
iyo Jareerweyne oo ku badan Xamar ayaa loo diiday in lagu daro maamulka Muqdisho sababaha
aan horay u soo sheegnay dartood.
Dad badan ayaa isweydiinaya maxaa maamul caddaalad ah looga dhisi waayay Shabeelada
Hoose iyo Jubbooyinka haddii aysan weli jirin NINKII XOOGLE AYEY XAAJO U DHAMAATAA.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in ay yihiin beelaha dowladda Cabdiqaasim ku haya jalaafada
iyo dhabar jabinta kuwa loo siiyey abaal marinta in ay maamulaan Gobolka Banaadir.
Waxaa cajiib ah in Cabdiqaasim Salaad u magacaabo saddex nin oo uu adeer u yahay in ay
ka noqdaan awoodda ugu sareysa madaxtooyada ayada oo lagu jiro waqti xasaasi ah oo Ummadda
Soomaaliyeed shaki wada qabaan. Meelaha la'isugu yimaado ee magaalada Muqdisho ayaa lagu
kaftamaa "ma is garaneysaan Salaad Cismaan Rooble si aad u aragtid Cabdiqaasim Salaad
kadibna arintaada si fudud kuugu dhamaato". Taas waxay dad badan soo xusuusineysaa
madaxtooyadii Marxuum Maxamed Siyaad Barre iyo awooddii ay ku lahaayeen wiilkiisa lagu
magacaabo Ayaanle iyo agaasimihii lacagta ee Fartaag.
Intaas waxaa dheer, waxaa jira wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda oo ay ku
adag tahay in ay arkaan Cabdiqaasim Salaad marka ay rabaan in ay la kulmaan maadaama ay ka
tirsan yihiin beelaha aan hubeysneen halka Salaad Cismaan Rooble ama Suudi ay kuugu geyn
karaan Madaxweynaha in ka yar saacad.
Dr. Cabdiqaasim Salaad iyo Dr. Cali Qaliif Galeyr oo lagu tilmaamo in ay yihiin
ardaydii Marxuum Maxamed Siyaad ayaa waxaa u fudud in ay dhinac maraan dhaartooda kuna
dhaqmaan talada beeshooda iyo dantooda gaarka ah. Waxaa tusaale aan u soo qaadan karnaa
muddo aan fogeyn in Dr. Galeyr uu shaqo dibadda u aaday waxaana sii raacay madaxa
KABINETKIISA. Hadaba, si aan loo ogaanin sirtiisa ayaa waxaa uu nin ka keenay Wasaaradda
Qorsheynta Qaranka oo ay isku reer yihiin taasna waxay dhalisay buuq ka dhashay
xafiiskiisa waxaanna arintaas horey u qoray jaraa'idada ka soo baxa dalka. Waxaa hadda
socota in uu u magacaabay nin ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Xashara safiirka u
fadhiya Qaramada midoobay inkasta oo ay jirtay gabar 10 sanno meesha fadhisay oo islaheyd
adiga ayaa laguu dhiibi doonaa jagadan. Taasi ma dhicin waxaana hor istaagay maah maahda
ah GURBAAN GARBKAAGA HA KUUGU JIRO AMA GACALKAADA HA KUU HAYO.
Soomaalidu waxay tiraaahdaa HAL BOOLI AH NIRIG XALAAL AH MADHASHO, waxaanna kuu
caddeynaya in ay arintaas dhabtahay sida ay isu qabqabsanayaan xukuumadda Cabdiqaasim
Madaxweynaha u yahay oo markii horaba qaar ka tirsan ay u qarsaneed ajenda u gaar ah oo
sir ah taas ayaanna ah midda keentay khilaafka.
Dhinca kale waxay beelaha hubeysan ku andacoodaan in dagaalkii sokeeye dad badan uga
dhinteen oo ay yihiin mujaahidiin laakin waxaa arintaas beeninaya xerooyinka qoxootiga ah
oo ku yaal Magaalada Muqdisho dadka ku nool intooda badan waxay ka soo bara keceen
gobolada Jubbooyinka iyo shabeelada hoose kadib markii loo geystay tacadi badan naftooda,
handidooda iyo curfigooda. Dadka ugu badan qaxootiga ku sugan xerooyinka ku yaal Xamar waa
Beelaha degga Jubbooyinka iyo Shabeelada Hoose oo ay ugu horeeyso Beesha Gaaljecel oo
markii hore lagu dagaal geliyey waxaad tihiin Hawiye kadibna looga soo baxay Gobollada
Jubbooyinka ka gadaalna ay ka dhaceen xoolohoodi Gen. Moorgan iyo Ciidamadiisa.
Ugu dambeyntii waxaan ka codsaneynaa in ay ogaadaan cidda ay khuseyso arrintan in uu
Ruunkinet ka mid yahay saxaafadda xorta ah xaqna u leeyahay in uu ka waramo dhacdooyinka
gudaha iyo dibadaba, waxaanna si gaar ah uga codsaneynaa in Dr. C/Qaasim oo lagu xanto in
uu yahay nin aarsi badan u adkeysto miciyaha saxaafadda xorta ah.
Ruunkinet website |