MarkaCadeey3.gif (3919 bytes) titlepic9.jpg (17708 bytes)
MarkaCadeey Online Store
xamar3.jpg (19035 bytes)

BEESHA BANAADIRIGA OO EEDEYN  SOO JEEDIYEY

Shir degdeg ah oo ay yeesheen aqoonyahanada Qowmiyadda Banaadiriga ee Deegaankoodu yahay Gobolka Sh/hoose ayaa dhaliil & eedeyn u soo jeediyey heshiiskii ay gaareen Wasiirada Hawiye ee ku jira Dowladda KMG  & beesha Digil ee Gobolka Sh/hoose.

Aqoonyahanadan waxay ku tilmaameen heshiiskaas in lagu inkiray Qowmiyadda Banaadiriga oo Qarniyaal deganayd Gobolka Sh/hoose, waxayna xuseen in heshiiskani jebinayo Axdi Qarameedka KMG ah.

Aqoonyahanadu waxay xuseen in haddii Cid raaligelin laga siinayo wixii ka dhacay Sh/hoose 10-kii Sano ee la soo dhaafay ay beelaha Banaadiriga mudnaanta Koowaad leeyihiin.

Ugu dambeyntii waxay Aqoonyahanadan ku  baaqeen in heshiiskaasi dib looga noqdo  oo la qabto heshiis ay u dhan yihiin beelaha Deegaanka.

Aqoonyahanada baaqan soo saaray waxa ka mid ah Sh.Sayid Sh.Abba Cali, C/kariin Aweys Abow, Yaasiin Cali Suufi & kuwo kale.

Source: www.xogogaal.com

War kale oo arintan ku saabsan:

BEELAHA DIGIL, HAWIYE, IYO JAREERWEYNE OO HESHIIS RASMI AH KA GAARAY XASARADA GOBOLKA SH/HOOSE

 

Beesha Banaadir oo sheegtay in caddalaad darro lagula kacay

Taageero Dhambaalkii Reer Benadir (New Zealand)

BAYAAN ISMAHURTOY HA IS-HALEYNINA (England)

CULTURAL ASSOCIATION OF BANAADIRIANS IN ITALY (ITALY)

Taageero Bayaankii Ismahurtoy (New Zealand)

Abaabul Shirweyne Guud. (From New Zealand).

Baaq Hooyooyinka (From Holland).

War saxaafadeed oo soo saartey Guddiga Midowga Soomaalida Banaadiriga (Mogadishu)

return.gif (3137 bytes)