MarkaCadeey3.gif (3919 bytes) daya_siimba10.gif (42702 bytes)
 

DOONYO KALE OO KU SOO XIRTAY XEEBAHA TALYAANIGA

October 31, 2003 Markacadeey, Rome, Italy


qaxooti_italy1.jpg (17786 bytes)24 saac gudahood ayaa waxaa soo gaaray xeebaha talyaaniga 500 qofood oo ah dadka tahriibka ku soo gala kuwaasoo 72 ka mid ahi ay ahaayeen Soomaali.

Dadkaas soomaalida ah ayaa doontii ay saarnaayeen ay ku soo xiratay xeebta Ragusa ee koofurta talyaaniga halka ay kuwa kalena yimaadeen jasiiradda Lambedusa oo iyana ka tirsan koofurta talyaaniga.

Dadkan cusub oo isugu jira dhalinyaro haween iyo caruurba ayaa waxaa lasoo weriyey in ay ku jireen haweenka qaar uur leh balse dhamaantood ay wada ladan yihiin safarkii dheeraa oo ay soo galeen ka dib. Soomaalida ka sokow waxaa la socda doonyahan dad u dhashay Eriteriya iyo Itoobiyaba.

qaxooti_italy2.jpg (7276 bytes)Musiibadii qabsatay dhawaan dadkii soomaalida ahaa ayaa waxaa hadda aad indhaha qalabka warbaahinta talyaaniga iyo dhammaan kuwa yuruba u hayaan arrimaha dadka soo galaya, madaxweynaha Talyaaniga ayaa kal hore ka codsaday yurub in dadkan la gargaaro, halka ra'iisulwasaaraha Silvio Berlusconi oo hadda haya xilliga wareega ah ee madaxtinimada yurub ayaa isna sheegay in ay ku tahay ceeb yurub dhacdooyin ka baxsan banii'aadanimada sida midda qabsatay dadkii soomaaliyeed.

Maxamed Roberto
Markacadeey.com
Roma


return.gif (3137 bytes)