Jimcihii la
soo dhaafey 08/04/2005 ayaa lagu kala qabtey mar keliya Magaalooyinka Maka
Almukarama,Madiina Almunawara,Jidah, & Dhaa,if ee Dalka Sucuudiga Xaflad Furitaanka
Tartanka Ciyaaraha Isbaheysiga Islaamka iyadoo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u badan
oo ku nool Wadankaasi iyagoo ay aad u xiiseynayeen maadaama uu tartankan yahay kii ugu
horeeyey ee ay yeeshaan tartan ciyaareed wadamada Islaamka iyagoo ay waqti horeba soo
gaareen goobihii loogu tala galey in lagu qabto xafladaasi waxayna ku dhamaatey sidii
loogu tala galey.
Maalintii shaley aheyd
09/04/2005 ayuu Tartankii Ciyaarahaasi bilowdey sidaan la wada socono waxaa Tartankaasi ka
qeyb galey Qaranka Kubada Koleyga Soomaaliyeed.
1:30 duhurnimo waqtiga
Sucuudiga(Somalia) Garoonka Ciyaaraha Kubada Koleyga Magaalada Amiir Maxamed Bin C/casiis
ee Madiina Almunawara ay ciyaar ku dhex martey Qaranka Kubada Koleyga Soomaaliyeed iyo
Qaranka Kubada Koleyga Azerbejan oo ku wada jira Group (C) waxeyna guushii halkaasi ka
raacdey Qaranka Azerbejan oo runtii u awood sheegtey Qarankeena soomaaliyeed kuna soo
gabagabeeyey ciyaartaasi (106) halka uu Qarankeena ka keeney (29).
Xulka Qaranka Kubada Koleyga Soomaaliyeed waxaa uu ciyaari doonaa maalmaha soo socda sedex
ciyaarood oo kale wuxuuna u ciyaari doonaa sidan:
Isniin 11/04/2005 11:30 A:M Somalia & Kuwait
Talaado 12/04/2005 5:35 P:M Somalia & Saudia
Arbaco 13/04/2005 11:30 A:M Somalia & Yemen.
Ugu danbeyntii waxaan Qaranka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga u rajeyneynaa inuu soo
hoohiyo guulal & weliba iney muujiyaan kala dambeyn, ixtiraam, & ciyaar wanaagba,
sidaan ognahayba waxaa ka muuqata Qarankeena Soomaaliyeed ineysan jirin wax diyaar garow
ah oo dheer, iyagoo aan heysan wax walba oo u keeni kara iney Wadankooda u keenaan guulal
la taaban karo taasoo ay ugu wacan tahay burburka ka jira wadankeena , anagana hadaan
nahay bahda Isboortiga soomaaliyeed waxaan mahad u soo jeedineynaa dhamaan cidii ka
shaqeysey oo soo abaabuley iney ka qeyb galaan Ciyaaryahanada Soomaaliyeed anagoo og
dhibaatada ka taagan Wadanka, mid gaar ahna waxaan u soo jeediney Qarankeena soomaaliyeed
& Maamulkiisaba oo runtii dadaal weyn muujiyey sharfeyna magaca Soomaaliyeed oo aan
hubo hadii ay heli lahaayeen cid si sax ah u daryeesha oo garab is taaga iney guulal badan
u keeni lahaa Wadankooda.
Wariyaha markacadeey.com
Cumar Xuseen (Baalcade)
omarjuba@hotmail.com
|