marka_title4.jpg (10755 bytes) amira_banner.gif (45915 bytes)

SOMALI LINKS

AllPuntland

Allsomali.com
Arhotaba (Cafar website)

Arlaadi Online
Arlaadinet

Afgoi.com
Awdelnews.com

Bakaaraha

Baafin.com

Balcad.com
BBC Laanta Soomaaliga

Benadir
Berlula Online

Burtinle  Online

Bulsho

  

Codk Somali Galbeed

Cayaaraha.com

Cadaado.net
CeelBuur

 

Dalka.com

Dayniile

Deeyoo

DijboutNet

FALSAN

Gedonet

Gedohomepage

Geeska Afrika

Goldogobsite.com

Goobjoog
Gashaamo

 

Hiiraan

Himilo Online

Hobyonet

HornAfrik Online

Horyaal

Janaale

Jowhar.com

Kenyan Somali Community

Lafoole.com (STAS)

 

Marka Caddeey
maaneed

Midgaan.com
Mogadishu University

Muqdishonet

Midnimo.com
Onkod

Puntland Post

Qaranimo.com
QoraheyOnline

Qaamuus

Radio Somaliland

Ruunkinet.com

 

Smali Bantu
SBC Online
Somali IT
Somaligalbeed.net
Saylac.com
Somali TV Online
SomaliMagazine

Somali Fisheries Society

Somalilandnews.com

Somalitalk.com

Somalia Site

Somali S.S. Malaysia

Somalilife.com

Somaliawatch.com

Somaliawatch.org

Somalilandnet.com

SomaliNet

Somali R. & H. Center Somitek
Somalitribune
Somali Water & Environ

Somali Weyn Somaliwebsite.com
Somalihome Online
Somali Peace Process

SomaliUK.com
Somali Inter
SUSA Netowrk

STN-TV.NET

UN-Somlaia
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh

JAALIYADDA ISBOORTIGA SOOMAALIYEED EE DALKA NORWAY OO KU CASUUNTAY MAGAALADA OSLO GUUDDOOMIYAHA XIRIIRKA SOOMAALIYEED EE K/CAGTA

April 11, 2005


norway_sport_20050410.jpg (32525 bytes)Jaaliyadda isboortiga Soomaaaliyeed ee dalka norway ayaa ku casuumtay guddoomiyaha XSKC. Waxaa casuumaddan lagu qabtay hoolka weyn ee Ururka Haweenka Soomaaliyeed e dalka Norway.

Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhamaan bahweynta sportiga xiisaysa, sida dadkii hore ee sportiga caanka ku ahaa iyo kuwii dambaba, sida cabdi jaamac xoghayihii xiriirka k/miiska, garsoore FIFA Cabdulqaadir Caddaay oo ka xubin ka ahaa wafddigii soomaaliyeed ee ka qayb galay ciyaarihii adduunka ee 1998kii, Cabdi Gurey, Mahad Turbashaash, Xasan Muuse, Cabdulqaadir Wooteeye, Shirwac, Daahir Xiireey, Aden Gaab, Saacid, Cali Macalin iyo dad kaloo aad u fara badan.

Waxaa kaloo halkaasi goob joog ka ahaa websideka DEEYOO oo metalayey Yusuf Baasto iyo Qaasim Neero.

Xafladdan oo uu shir guddoomiye ka ahaa Garssore FIFA Cabdulqadir Caddaay ayaa hadalkiisa wuxuu ku furay ujeeddada shirka iyo casuumaddan heerka sare ah in loo sameeyey Guddoomiyaha XSKC, Muxyiddiin Xasan Cali (Darbo Weyne). Mr. Caddaay wuxuu warbixin kooban ka bixiyey waxqabadka sport ee jaalliyadda dalka Norway, wuxuu halkaasi ka sheegay ciyaartoyda iyo taageerayaasha reer Norway in aad iyo aad looga tixgeliyo tartamada ka dhaca Yurub ee isugu yimaada jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Yurub, kanada iyo Amerika. Run ahaantii waxaa laga heli karaa dalka Norway ciyaartoy metasha xulka qaranka kubbadda cagta ee Soomaaliyeed, Taasina waxaa daliil u ah in sanad waliba ay kooxaha Norway ay u soo baxaan semifiaalka ayuu caddaay hadalkiisa sii raaciyey. Mr. Caddaay isagoo hadalkiisa sii wata ayuu wuxuu yiri waxaa hambalyo mudan dhalinyaradii ku ciyaaraysay magaca jaalliyadda dalka Norway oo labo koob oo is daba joog ah u soo hoyisay Norway, ciyaarihii lagu kala qabtay Denmark iyohad iyo jeerna Finland.

Caddaay wuxuu kaloo halkaasi ka sheegay taariikhdii muxyiddiin Darbo oo kooban isagoo halkaasi ka caddeeyey inii ay rabshadaha waddanka ka jireen in ay wada shaqayn ka dhaxaysay, Muxyidiina uu ka mid aha dadkii u soo qariibay sportiga weliba maydadka ka faagay garoomada ciyaaraha.

Warbixntii Koobnayd ee Caddaay ka dib Wuxuu hadalkii ku wareejiyey Cabdi Jaaamac Xoghayihii hore Kubbadda Miiska. Cabdi Jaamac wuxuu yiri Muxyiddiinow ku soo dhawoow Norway oo gurigaagii labaad ah, waxaadna maanta naga jaahil bixisaa cidda guddoomiyaha runta ah ee XSKC, sabatoo ah waxaanku wareernay in maalin walba intrnatyada soomalida uu ku qoran yahay Bashiir Goobe adigana aad beeninayso guddoomiyanimadiisa.

Hadalkii waxaa waxaa qaatay Xasan Muse oo halkaasi ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha XSKC, Muxyiddiin Xasan Darbo, wuxuuna hadlkiisa ku daray in maanta jaalliyadda Soomaaliyeed ee Norway soo diyaarsatay suàalo fara badan oo maamulka XSKC ku saabsan. Iyadoo halkan lagu soo koobi karin dakii ka hadlay xafladda ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Gurey oo in muddo ahba ku dhex jiray sportiga Norway halkaasina wuxuu ka soo jeediyey soo hadalo soo dhaweyn ah, waxaan la hilmaami karin shiikha weyn, allaa weyne had iyo jeer jecel horumarka dhalinyarada Shiikh Axmed oo halkaasi ka sheegay hadalo guubabo ah masùuliyiinta sportigana laga rabo isku duubni, iyo weliba in ay sugayso shaqo culus.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Cabdulqaadir Wooteeye oo sportiga dhiiggiisa ku shaqeeyo had iyo jerna maalkiisa u hura. Waxaa kaloo halkaasi hadal soo dhaweyn ah ka jeediyey mahad Turbashaash.

Jaaliyadda sportiga reer Norway oo aad u sugayey hadlkii Guddoomiyaha XSKC, ayaa mar qura sacab ku soo dhaweeyey guddoomiyaha. Muxiddiin Xasan Darbo, guddoomiyaha XSKC wuxuu hadalkiisaa ku bilaabay mahad celin iyo in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay xafladdan heerka sare ah ee lagu casuumay, iasagoo guddoomiyaha hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ka sheekeeyey taariikhda FIFA iyo guddiyada ay ka kooban yihiin. Guddoomiyaha wuxuu kaloo ka warbixiyey sidii dib loogu soo nooleeyey sportiga soomaaliya ka dib markii ay burburtay dawladdii Maxamedd Siyaad Barre Alle ha u naxriistee.

Wuxuu sheegay in ay u tuugsan jireen sportiga laga soo bilaabo 1991 ilaa iyo 1997 sidaasina ay ku safrin jireen kooxaha soomalida si ay aqoonsi u helaan. !998kii ciyaarihii adduunka ee ka dhacay dalka Faransiiska oo aan Cabdulqaadir Caddayba wada joognay ayaa XSKC FIFA u ballan qaadday 1000,000(hal milyan) oo Dolar, lacagtaasina qaybtii ugu horeysay waxaa loo soo shubay XSKC sanadkii 1999kii.
Guddoomiyaha wuxuu halkaasi ka sheegay safarkii ugu dhibka badnaa ugu dheeraa oo ay ka qayb galeen in uu ahaa kii ay Dalka Angola ay ku tageen, diyaarad Tareen, Doon, Bas ayaanu isticmaalnay ayuu yiri Guddoomiyaha isagoo wafdigaasi hogaaminayey.
Suàallo fara badan ayey weyddiiyeen jaalliyadda norway, guddoomiyaha XSKC, waxaana ka mid ahaa suàallahaasi:

1. Maxaa keenay in isboortiga somaalida hadda uu isqabqabsi noqdo ka dib markii 15 jirsaday?

2. Idboortiga Soomalida maxaa xamar uun ku koobay?

3. waxaan maqalnay in CAF ay aqoonsatay Bashiir Goobe, ee wixii Caf aqoonsatay FIFA ma aqoonsan tahay? 4. Sow ma fiicnaan lahayn in aad wada hadashaan adiga iyo Bashiir Goobe? 5. Waxaan maqalnay in ay jiraan 3 XSKC ah mid guddoomiye u yahay Bashiir Goob, mid uu guddoomiye u yahay Saciid Mugaambe iyo MId aad gudoomiye adiga Muxyiddiin ahaan u tahay, arrintaasi keeba sax ah oo aqoonsi ku taagan?

6.Haddii maanta FIFA ay aqoonsato Bashiir Goobe adiga ma la shaqaynaysaa?

7. Bashir hadda wuxuu ku wareegay waddamada yurub iyo jaaliyadaha soomaaliyeed wuxuuna ballan qaaday in isboortiga soomaliya uu horumarin doono, qarashka qarashka FIFA ay bixisana aysan ku filnayn, marka adiga maxaa kuu qorsha ah oo aad samaysatay?

8. Guddoomiye waa tii uu Faarax ku ganaaxay marka sidee baad adiga xiriirka u maamuli kartaa Faarax ayaaba ku ganaaxay?

9. Waxaan aragnaa maalin walba in ciyaartoyda xulka qaranka soomaaliyed soo maray xilliyadii nabadda magacna ku lahaa waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba iyagoo websideyada dhibkooda ku sheeganaya, ka xiriir ahaan maxaad wax ugu qaban weydee maaddaama madaxdii isboortiga aad tihiin?

Guddoomiyaha markii uu qortay suàalihiisa ayuu mar qura ka wada jawaabay, wuxuuna yiri: waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay suàalahan faraha badan in ay i weyddiiyaan bahda isboortiga anigana sida xaqiiqda ama runta ah aan ugu jawaabo.

Suaasha kowaad oo ah maxaa keenay hadda isqabqabsi isboortiga, run ahaantii muddo 15 sano waxaa usha inoo hayey Oday Faarax Sindiko Qalad iyo sax wixii uu inoo keenaba inagoo midaysan ayaan ku raaci jirnay, oo wax qilaaf ah ma jirin. Laakiin hadda Faarax Sindiko wuxuu noqday ninkii ataxyaadkii ugu dambeeyey ku dhuusay, ka dib markii uu nin dibadda ka keenay uu yiri guddoomiyaha XSKC ayaan idiin keenay iguna raaca. Halkaasi ayuu buuqa ka bilawday aniga Muxyiddiin ahaan waxaan ku iri Faaraxow wax soconaya la imaaw tani kuuma soconaysee. Wey diideen dhamaan kooxihii ka tirsanaa xiriirka, shir gaar ah ayey qabsadeen oo doorasho ah anigayna i doorteen. Maalin ka dib ayuu Faarax abaabulay shir kale oo uu ku leeyahay sacab ha lagu doorto Bashiir, qof la tartami karana ma jiro.

Isboortiga somaliya taariikh ahaan waan la soconaa in hooyada isboortiga ay tahay Xamar, anogoon lahayn xamar waad ku dhalatay ama waad ku soo kortay soonkii ugu dambeeye waxaan tartan u qabanay 290 kooxood, haddii gobolada soomaaliya oo dhan la isu geyo xitaa tiro intaasi la eg waxay ila tahay in aan laga helaynin. Midda kale in gabolad loo gudbiyo isboortiga qorshaha wey inoogu jirtaa macalamiintii waan haynaa garsoorayaashii waan haynaa maamulkii sidoo kale, laakiin waxaa na hortaagan dhaqaalihii lagu fulin lahaa.
suaasha 3aad aqoonsiga CAF ay aqoonsatay Bashir waa wax uu iska samaystay Faarax Sindiko oo weli ku lug leh CAF, arrintaasina markii ay maqashay FIFA wey is hortaagtay.

Wada hadalka aniga iyo Bashiir, Bashiir waa saaxiibkey ma dagaashanin aniga iyo isaga, dagaalkana wuxuu na dhexyaallaa aniga iyo Faarax. Bashiirna awood uu aniga igula hadlo ma laha sabatoo ah Faarax ayaa ka dambeeya isagan.

3 Xiriir ma jirto ninka Saciid Mugaambe la yiraahdo aniguu Guddoomiye ku xigeen ii yahay, labada xiriir labada guddoomiye kala leh waa kan bashiir iyo midka aan aniga guddoomiyaha u ahay.


Haddii maanta ay FIFA aqoonsato bashiir goobe waan la shaqaynayaa aniga.
Bashiir hadalkii uu bahda isboortiga ku yiri waxay ahayd lacagta FIFA ay bixiso wax ay tarayso ma laha, maanta haddana inta uu yurub yimaaddo uu u tuuksado xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta. Runtii taasi waa arrin laga naxo Xiriirka uma baahna yaboohid, xiriirka lacagtiisa wey xayiran tahay waa in aan ku dadaalnaa sidii aan xayiraaddasi ugu qaadi lahayn, bahda isboortiga ee qurba joogga ahna waxaan u sheegayaa in aynaan wax kaalmo lacageed uga baahnayn aysan jirin, wey jirtay waqti loo baahnaa bahda sportigana waqtigaasi wey bixiyeen inta karaankooda ah laakiin hadda maya.

Faaraxna marka uu leeyahay waan ku ganaaxay, imaba ganaaxi karo, sabatoo isaga ayaaba ganaaxnaa oo FIFA ayaaba soo ganaaxday markii isaga la ganaaxay ayaan shir jaraaìd qabtay waxaanna iri guddoomiyihii waa la ganaaxay ee aan tashano. Iyo sideed baad hadalkaasi u dhihi kartaa waadd ganaaxan tahay.

Suàasha ah Ciyaartoyda xulka qaranka soo maray maxaa dhibkooda wax ugu qaban weyseen ka xirriir ahaan, hadda ka hor waan qabanay oo Jeylaani khalif ayaan caawinay inagoo ciyaar weyn u qabanay kharashkii ka soo galayna isagaan ugu deeqnay. Aniga oo Faarax Sindiko guddoomiye ku xigeen u ahaa muddo 16 sano ah ayaan wax dhaqaale ah arkin xiriirka intiisa kale iskaba daa markii laga reebo 50 doolar uu mushahar ahaan inoo siin jiray ka dibna uu goostay.

Laakiin hadda iyo wixii ka dambeeya haddii uu dhaqaalo helo xriirka ciyaartoyda qaranka wax baan u qabanaynaa Inshaa Allaah.

Markii ay warbixntii iyo jawaabihii ay halkaasi ku dhamaadeen ayaa Jaalliyada sportiga Soomaaliyed halkaasi ku guddoonsiyeen haddiyad.

norway_sport_20050410_2.jpg (37886 bytes)
Waxaa soo diyaariyey: Jaaliyadda sportiga Somaliyeed ee dalka Norway

return.gif (3137 bytes)