Waxaa maalinimadii sabtida ahaydtaariikhduna ay ahayd
11 september ayaa waxaa ciyaar kulul ku dhex maratay garoonka weyn ee la magac baxay
dhaalinga ee magaalada oslo labada kooxood ee ku kala ciyaarayey magacyada jaaliyadaha
soomaalida iyo ciraaq.
Waxaa ciyaarta bilawgeeda dardar la soo baxay kooxda soomalida oo ku
ciyaarta magaca juniorka qaranka soomaalida oo wacdaro la yaab leh ka muujiyey ciyaaraha
ka dhaca yurub, daqiiqaddii 15aad ayaa ciyaaryahanka lambarka tobnaad uga ciyaara somalida
cabdirashiid caddaay gool aad u qrux badandaba mariyey goolhayihii ciraaqiga ahaa.
Waxay ciyaartu socotaba weerar iyo weerar celis laysku hayaba ayaa
ciyaartu qayteedii hore marka ay ka dhiman tahay 3 daqiiqo ayaa u suurta gashay
jaalliyadda ciraaq goolkii barbardhaca.
Akhristoow waxaa la yaab ah dhalintan juniorka qaranka soomaalida oo
dhawr kooxood oo ka kala tirsan jaalliyadaha soomaalida ee daggan yurub sida sweden, denmark, holland,u.k.england ay
wacdaro iyo guuldarooyin la yaab ku dhuftay.
juniorka qaranka soomaalida norway waa markii ugu horeysay oo ay la ciyaaraan koox ama jaalliyad ajnabi
ah.
Markii la isu soo nastay oo ay labadii tababare ay soo guubaabiyeen
labadoodii kooxood, ayaa sidii oo kale dardar cusub la soo galeen juniorkii qaranka
soomalida. Kooxdii soomaalida saantii ayey isla heleen, dhalintii aad iyo aad ugu
firfircoonaa waxay ahaayeen jaamac iyo cabdirashiid oo dhexda ka ciyaarayey, afartii
daafaca ahaa oo aad isu fahmayey, waa kabtanka kooxda qadar, em ekis dhii, cabdi milix,
iyocabdixakiin caddaay.
Dhalinyaradii la qaban waayey oo ay ku wareereen jaalliyadda ciraaq
waxay kala ahaayeen muwa, cabdisalaan caddaay, madaxeey iyo axmed baaruum.
Daqiiqaddii 60aad ayaa madaxeey gool uu ka dafay difaacii ciraaq daba
mariyey goolhayahoodii.
Toban daqiiqo ka dibba waa la bareejeeyey kooxdii juniorka. Kooxdii
juniorka oo sidii brazilianka u ciyaaraya ayaa durbadiiba saanta isla helay maamulkii
ciyaartana gebi ahaanba la wareegay. Waxa la weeraro goolka ciraaqiyiinta ayaa daqiiqaddii
81aad gool xarako badan la soo dhex maray kabtankii labaad ee mr. Muwa daafacii giraaq,
halkaasina ku saxiixay goolkii seddexaad.
Halkaasina waxaa ay guushii ku raacday juniorkii qaranka norway.
Kooxdan waxaa tababare u ah garsoore fifa cabdulqqadir caddaay oo
waqtigiisa u huray isagoo dhar tababar oo tababaraninada ku qaatay dalka norway.
Dhamaan waaladdiinta, guddiga somali sports and culture, bahda
sportiga norway waxay
hambalyo u dirayaan dhammaan ciyaartoydii iyo maamulkii kooxda juniorka qaranka.
Diyaariye: somali sports and culture in norway
|