Naadiga Kubada
Cagta ee Elman oo ah horyaalka Wadankeena ayaa ka qeyb galaya Tartanka Horyaalada Koobka
Bariga & Bartamaha Afrika (CECAFA KAMAGE CLUB CHAMPIONSHIP) oo lagu qaban doono
23/04/2005 Magaalada Mwanza ee Wadanka Tanzania oo ay ka qeyb geli doonaan 11 Naadi oo ah
horyaalada Wadamadooda.
Kooxda Elman oo bilihii la soo
dhaafey ay tababar adag ku qaateen meelo kala duwan oo Dalkeena ah sida Buuraha Iskool
Buliisiya, Stadium Muqdisho & meelo kaleba, oo ay ciyaaro saaxiibtinimo la
yeesheen Naadiyada ka dhisan Magaalada Afgooye oo ay ilaa & Sedex kulan la
yeesheen (Kesco, Savana & Supershel) oo ay ka wada adkaatey , sidoo kale
markii ay gaareen Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxay Maalintii Axada ay ciyaar
saaxiibtinimo la yeesheen Naadiga Gormahiya ee Wadanka Kenya, sidaa darteed aan
Sanadkan filayno iney Dalkooda u keenaan Guul la taaban karo.
Ciyaaryahanada matali doona
Naadiga Elman & Mas'uuliyiintoodaba waxay kala yihiin:
Xasan Axmed Cabdi (Gudoomiye)
Cabdi Faarax Geele (Tababare)
M/ed Cabadala Farayare (T. Labaad)
C/qaadir Sh. Cusmaan (bakiyaa) (Gool haye)
C/qaadir Cumar Ibraahiim Gaduudoow (Captain)
Yaasiin Cali Cigaal (Jareere)
Mustaf Xasan Cumar (Faransa)
Cusmaan Cumar Wakiil
Yuusuf Cali Nuur (YUU Cali)
C/casiis Salaad Weheliye (Cawaale)
C/raxmaan Ismaaciil Cusmaan (Baasuuke)
Anas Cali M/uud
C/qaadir Cali Faarax (Mutum)
C/weli Maxamuud (cabdi Joon)
Qaasim Siidoow xuseen (Baaruud)
Cilmi Salaad Xasan (Cilmi Dheere)
Cabdi Isaaq M/ed (Cabdi Kuus)
Jamaal Amiin Cali
Cabdi Axmed Sheekh (cabdi Baaskit)
Ilyaas Cabdi M/ed (Tiiroow)
Maxamed Nuur (Shaarkeey)
Aweys Cali Wiinkeey.
Ciyaaryahanada Naadiga Elman
sida muuqata waa ciyaaryahano wanaagsan oo inta badan matala Xulka Qaranka Kubada Cagta
khibrado badana u leh Tartankan oo kale sidaa darteed sida lagu barteyba waxay soo
bandhigi doonaan ciyaaro ku dhisan farsamo lana filayo iney guulo la taaban karo keeni
doonaan, inkastoo ay cabsi badan ka qabaan dhinaca Garsoorka Afrikaanka oo inta badan
garab siiya Naadiyada kale siduu cadeeyey Tababaraha Naadiga Elman Geele isagoo
sheegey dhowr dhacdo oo horey hadana waxaan ku kalsoonahay Ciyaaryahanadeena.
Kooxda Elman waxay ku jiraan
Group (A) waxayna u ciyaari doonaan Sidan:
Sabti
23/04/2005 Elman & Atletico Olympic (Burundi)
Isniin
25/04/2005 Elman & Simba (Tanzania)
Arbaco 27/04/2005
Elman & Villa (Uganda).
Akhritayaal sidaad la
socotaanba Naadiga Elman waa Naadiga inta badan matala Dalkeena soomaaliyeed oo ay
Ciyaaryahano waayo arag ah u ciyaara marka waxaan fileynaa iney dalaal dheeri ah ay muujin
doonaan iyagoo soo bandhigi doona ciyaar ku dhisan farsamo sare keliya aan ka
rajeyneyno iney ilaaliyaan nadaamka guud ahaan ixtiraamaana wax Alle & waxay kala
kulmaan Saaxiibadooda ay la ciyaari doonaan qaataan awaamirta Garsoorayaasha kana muuqato
kala dambeyn taasoo inta badan lagu gaaro guul.
Ugu Dambeyntii hadaan nahay
Bahda u dhuun daloola Ciyaaraha waxaan Kooxdeena ka rajeyneynaa iney ka
soo baxaan wixii waajib ah oo xagooda saaran (anagoo og dhaqaalo xumada haysata dhamaan
wadanka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Isboortiga) taasoo aan fileyno iney garan
karaan sharafta & magaca Ummadooda una soo hoohiyaan guulal la taaban karo.
Cumar Xuseen (Baalcade)
Weriyaha markacadeey.com
Khartoum Sudan
omarjuba@hotmail.com
|