Shir
ay isugu yimaden kooxaha ka dhisan wadamada yurub & usa ee somaliyed ayaa lagu qabtey
bounds green north london, tariiqdu markay aheyd 28 jan.05 ilaa 31 jan .05 waxana shirkaas
marti galiyey somali youth org alhijra ee london ,waxana ka soo qayb galey 8 dal ee ku
bahoobay eurosom Sports and Cultural Association kuwas o kala ah wadamada ( UK. Holland ,
Norway , Sweden , Denmark . Finland ) iyo USA .
waxa shirka ka soo qayb galey dhaman kooxaha iyo ururada ku bahoobay EUROSOM,waxayna kala
ahayen sidatan
Sweden Gothenburg : Mohamed Diini
Holland : Cade Suufi iyo Xusen Baraawi
Yusuf Mohamed abdi
Sweden Stockholm Yusuf Dhabarey
Finland : Bashir Abdi Dahir iyo Mohamud Shujaac
Denmark : Abdulahi iyo Mohamud
Norway ; Xassan Muuse
Al-hijra : Duran Farah iyo Mohamud Rabiic
Liecester ; Sanay iyo Omar
Waxa uu shirkan si rasmi ah u bilowday maalinti sabti 29 .01.05 ,waxana ka soo qayb galey
marti sharaf badan waxaana ka mid ahaa Mr. Ahmed Shell oo madax ka ahaa wasarada shaqada
& Sports muda dheerna ka soo shaqeynayay Somalia iyo Bashiir Goobe oo isna aan ku
naqaanay Somalia ha ahaato garsoore heer kowad ee somalia iyo FIFA ama macalin.
Mr. Ahmed Shell & Bashiir Goobe oo nooga waramay tariikhdi isboortiga Soomaliyeed ee u
soo marey iyo ilaa hada meesha u taagan yahay,waxyabaha loo bahan yahay in ay gacan ka
siino horumarinta isboortiga dalkeena iyo dadkeenaba,waxayna nagu booriyen ka qayb
galayasha shirka in si laba laaban waxqabadkooda ,Mr. Shell hadaladiisi waxaa ka mid aha 5
ti qof ee ugu horeysay isbortiga xirirka Soomaliyed ma ahayyn dad aqoon sare leh kuligood
balse ay ka gonayd in dadkooda iyo dalkooda si hagar laaan ah ugu shaqeeyan waatana
gaarsiyey isboortiga Somaliyed meel wanagsan inti karankooda ah,waxa una ka qayb galayasha
si ad ah ugula dardarmay fursada ay maantey u heleen aqoontooda inay kaga faiideeyaan
wadankooda
Waxaana halkas warbixin ku sabsan sidii la isugu xiri lahaa EUROSOM iyo kooxaha ama
xirirada ka dhisan gudaha dalka iyo dibadaba ka jediyey Mr. Bashir Goobe ,
Waxana horey loo guda galay ajandaha shirka oo ahaa in EUROSOM loo sameeyo mamul iyo
dastuur .
Dood dheer iyo falanqayn oo ay ka dhiibten dhaman kooxihi ka soo qayb galay shirka waxa la
isku raacay sidatan so socoto ;
1- in EUROSOM loo sameeyo maamul 2 sano ah
2- in xaruun EUROSOM loo sameeyo
3- EUROSOM in ilo dhaqale lo sameyo si loo fududeyo howlaha EUROSOM qabaneyso
4- in axdiga dasturiga ah lagu xukumo EUROSOM
5- in la sameeyo gudiga xalinta qilafaadka EUROSOM
Waxa la isku racay dhamaan kooxihi in EUROSOM xarun looga dhigo magalada Gotenburg Sweden
Waxana guddomiye & xogheyn & qasnaji loogu kala doortey sidatan:
Gudoomiyaha EUROSOM Sports & Cultural Association muda 2 sano ah waxaa loo doortey:
Guddomiye Mr. Mohamed Diini ( Gotenburg Sweden )
Xoghaye : Mohamud Shujaac ( Helsink Finland )
Xisabiye : Cadde Suufi ( Holland )
Gudiga xalinta khilafadka EUROSOM waxa loo gartey inay noqdan:
1- Ahmed Shell, 2-Bashir Goobe, 3-Timacadde, 4- Prof. Muse Xassan
Waxa shirka ka soo qayb galey marti sharafed kala ah:
Ahmed Nur Seyga Ruushka, Deynsane,Yusuf Dhabarey, Cadde,Omar Dhere, Saney, Tarsan iyo Omar
Ganjab
Waxaan iyana halkaas warbixin ku sabsan sida ay u marti galinayan tartan sanadedka
ciyaaraha kulaylaha 2005ta ka soo jediyey Mohamud Tarsan oo fahfahin ka bixiyey degaanka
la dajin doono koxaha iyo garoomada lagu ciyari doono,hadaladi tarsan oo ahaa kuwo loo
riyaqay waxa ka mid ahaa in ciyaarta finalka ay ku qaban doonan garoon ka calalamiga ah ee
kooxda Totenham ee ku yaal White Hartline London Stadium ,ciyaaraha inta kale ay ka dhici
donaan North London Zone Bounds Green.
Waxa iyadana laga dooday kooxo la rabo in sanadkan EUROSOM ku soo biiran si ay uga qayb
qataan tartanka London ka dhici doono July 2005,kooxaha is diiwan galiyey waxay kala
ahayeen sidatan:
1 Somali Eagles, 2 Mogadisho Footbal Club, 3 Birmingham Footbalclub, 4 Belguim, 5 Horseed
Atlanta USA, iyo 6 Wabari London
Dhamantood waxa laga dhageystey warbixinada koxdooda iyo ururada ku dhisan yihin iyo
waliba wax qabadkooda kadibna waxa ka dooday codsiyadi ay soo gudbiyen iyo warbixintoodiba
kooxaha ku bahoobay EUROSM, dood dheer kadib waxa si cod ah ku heley codka tiradii loo
bahnaa kooxaha kala ah
Waabari London iyo kooxda Horseed Atlanta USA ee macalinka uu u yahay macalin Giftin
macalinki kooxda madbacada qaranka Somalia waxa si sanad ah logu ogaladay inay ka soo
qaybgalan tartanka EUROSOM 2005 London ka dhici doono waana loogu hambaleyeeyey waxana
halkaas ka hadlay gudoomiyaha Wabari Org Mohamed Loloow oo uga mahad celiyey kalsoonidi
iyo ogolanshihi loo ogaladay waxaana u yiri waa guul usoo hoyatey Somalida London ku nool
gaar ahaan nawaaxiga Streatham waana ku mahadsan tihiin
Waxa kaloo xusid mudan kooxda Somali Belgiulm ( Somali Youth Association In Belgium) inay
galeen kalinta 3aad, kadib marki halkaas laga aqriyey codsi dheer oo qiimo leh ay uuso
qorteen in ay kusoo biiraan EYROSOM uuna ka aqriyey halkaas Mr. Shujaac iyo Yusuf oo uu
ururku wakiishay inay helen 4 cod. Belgium ayaa sanadka dambe ka noqonaysa xubin buuxda
EUROSOM (insha allah) iyadoo Gudoomiayaha ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Belgium Miss
Saida Sheikh Ahmed ay dorashadaas kadib qadka telefonka kula xariirtay dhamaan dadkii
iskugu yimid goobtaas una mahadcelisey intii u codeysey iyo intii aan u codeynba iyadoo
sheegtey in ay ku faraxsan tahay in ay heleen 4 cod iyagoo ururka uusan joogin goobtaas
sidoo kale waxay u mahad celisey wakiiladii halkaa ugu aqriyay codsiga ururka waxaa ayna
soo dhawaysay in ay ka qaybgali doonaan ciyaaraha Sanadka soo socda ee 2006 haduu Ilaah
yiraahdo, intaas kadib waxa horey loo guda galay qorituurki tartanka 6aad ee EUROSOM 2005
London.
Waxaana xusid mudan in qorituurka tartanka koxaha Somalida Yurub iyo USA uu tuurey
gudomiyihi kooxda LLPP Jeenyo Mudane Nuur Xuseen oo aan dhihi karno aabaha isboortiga
Somaliyed
Nuur Xuseen iyo Ahmed Nuur Seyga Ruushka ayaa si ku dhehan tahay waayo aragnimo &
aqoon sport u sameyey loting teams waxana lo qaybiyey labo qaybood A & B
A Kanava Finland ( vice champion eurosom 2004), B Holland ( eurosom 2004 champion)
Leicester uk vs Horseed Atlanta USA
Gotenburg sweden VS Denmark
Stockholm Sweden VS Waabari london
xiritankii
shirka waxa ka hadlay guudimiye kooxda Jeenyo Somalia ee wasaarada Howlaha Guud &
Guriyenta Mr. nuur Xuseen waxa una yiri waxan ku faraxsanahay inan ka soo qaybgalo shir
loga hadlayo maamul & sports,runti ahaanti waxaan ku faraxsanahay inaan arko
dhalinyaro Somaliyeed oo ku miidoobay arimo muhiim ah dadkena & dalkeenaba waxa idinka
muqato isku duubni ismaqal ,hadal wadaag kuna dhisan sharci ,waxan idin kula dardarmaya in
howsha ku jirtaan halkinia ka sii wadaan ,iska ilaalisaan wax walbo idiin keena karo
tafaraaruq
halkaas ayuuna kusoo gabagaboobay shirki EUROSOM Sports & Cultural Assaciation
waxa xusid mudan booqasho aan ku tagnay xaruunta Al-hijra Youth Org run ahaantii waxa ka
socotey shaqooyin aad u badan oo ay wadaan howl wadeenada Al-hijra,maamulka kooxda
Al-hijra waxay nagu war galiyeen in ciyaaraha la qaban doono 15 july 2005 ilaa 25 july
2005 magaalada London ,
waxana shirkii lagu soo gaba gababeyey casho sharaf u sameeyey habeenimadi Isninti 31 jan
2005 gudoomiyaha Waabari Org Mohamed Loloow martidi iyo dadki daganaa London
anigo ku hadlaya dhamaan ka soo qaybgalayaashi shirki EUROSOM 2005 ee London waxaan u
mahad celineyna sidii diraneyd ee ay noo soo dhaweeyeen.
Waxaa isku soo duway diyaariyayna
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Netherland
|