MarkaCadeey3.gif (3919 bytes)

SOMALI LINKS

AllPuntland

Allsomali.com
Arhotaba (Cafar website)

Arlaadi Online
Arlaadinet

Afgoi.com
Awdelnews.com

Bakaaraha

Baafin.com

Balcad.com
BBC Laanta Soomaaliga

Benadir
Berlula Online

Burtinle  Online

Bulsho

  

Codk Somali Galbeed

Cayaaraha.com

Cadaado.net
CeelBuur

 

Dalka.com

Dayniile

Deeyoo

DijboutNet

FALSAN

Gedonet

Gedohomepage

Geeska Afrika

Goldogobsite.com

Goobjoog
Gashaamo

 

Hiiraan

Himilo Online

Hobyonet

HornAfrik Online

Horyaal

Jowhar.com

Kenyan Somali Community

Lafoole.com (STAS)

 

Marka Caddeey
maaneed

Midgaan.com
Mogadishu University

Muqdishonet

Midnimo.com
Onkod

Puntland Post

Qaranimo.com
QoraheyOnline

Qaamuus

Radio Somaliland

Ruunkinet.com

 

Smali Bantu
SBC Online
Somali IT
Somaligalbeed.net
Saylac.com
Somali TV Online
SomaliMagazine

Somali Fisheries Society

Somalilandnews.com

Somalitalk.com

Somalia Site

Somali S.S. Malaysia

Somalilife.com

Somaliawatch.com

Somaliawatch.org

Somalilandnet.com

SomaliNet

Somali R. & H. Center Somitek
Somalitribune
Somali Water & Environ

Somali Weyn Somaliwebsite.com
Somalihome Online
Somali Peace Process

SomaliUK.com
Somali Inter
SUSA Netowrk

STN-TV.NET

UN-Somlaia
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh

cayaaraha2.jpg (10463 bytes)

 
 

CIYAAR KUBADDA CAGTA AH OO DHEX MARTAY JAALIYADDA SOOMAALIDA NORWAY IYO JAALLIYADDA CIRAAQ

September 12, 2004 Markacadeey.

Waxaa maalinimadii sabtida ahaydtaariikhduna ay ahayd 11 september ayaa waxaa ciyaar kulul ku dhex maratay garoonka weyn ee la magac baxay dhaalinga ee magaalada oslo labada kooxood ee ku kala ciyaarayey magacyada jaaliyadaha soomaalida iyo ciraaq.

Waxaa ciyaarta bilawgeeda dardar la soo baxay kooxda soomalida oo ku ciyaarta magaca juniorka qaranka soomaalida oo wacdaro la yaab leh ka muujiyey ciyaaraha ka dhaca yurub, daqiiqaddii 15aad ayaa ciyaaryahanka lambarka tobnaad uga ciyaara somalida cabdirashiid caddaay gool aad u qrux badandaba mariyey goolhayihii ciraaqiga ahaa.

Waxay ciyaartu socotaba weerar iyo weerar celis laysku hayaba ayaa ciyaartu qayteedii hore marka ay ka dhiman tahay 3 daqiiqo ayaa u suurta gashay jaalliyadda ciraaq goolkii barbardhaca.

Akhristoow waxaa la yaab ah dhalintan juniorka qaranka soomaalida oo dhawr kooxood oo ka kala tirsan jaalliyadaha soomaalida ee daggan yurub sida sweden, denmark, holland,u.k.england ay wacdaro iyo guuldarooyin la yaab ku dhuftay.

 juniorka qaranka soomaalida norway waa markii ugu horeysay oo ay la ciyaaraan koox ama jaalliyad ajnabi ah.

Markii la isu soo nastay oo ay labadii tababare ay soo guubaabiyeen labadoodii kooxood, ayaa sidii oo kale dardar cusub la soo galeen juniorkii qaranka soomalida. Kooxdii soomaalida saantii ayey isla heleen, dhalintii aad iyo aad ugu firfircoonaa waxay ahaayeen jaamac iyo cabdirashiid oo dhexda ka ciyaarayey, afartii daafaca ahaa oo aad isu fahmayey, waa kabtanka kooxda qadar, em ekis dhii, cabdi milix, iyocabdixakiin caddaay.

Dhalinyaradii la qaban waayey oo ay ku wareereen jaalliyadda ciraaq waxay kala ahaayeen muwa, cabdisalaan caddaay, madaxeey iyo axmed baaruum.

Daqiiqaddii 60aad ayaa madaxeey gool uu ka dafay difaacii ciraaq daba mariyey goolhayahoodii.

Toban daqiiqo ka dibba waa la bareejeeyey kooxdii juniorka. Kooxdii juniorka oo sidii brazilianka u ciyaaraya ayaa durbadiiba saanta isla helay maamulkii ciyaartana gebi ahaanba la wareegay. Waxa la weeraro goolka ciraaqiyiinta ayaa daqiiqaddii 81aad gool xarako badan la soo dhex maray kabtankii labaad ee mr. Muwa daafacii giraaq, halkaasina ku saxiixay goolkii seddexaad.

Halkaasina waxaa ay guushii ku raacday juniorkii qaranka norway.

Kooxdan waxaa tababare u ah garsoore fifa cabdulqqadir caddaay oo waqtigiisa u huray isagoo dhar tababar oo tababaraninada ku qaatay dalka norway.

Dhamaan waaladdiinta, guddiga somali sports and culture, bahda sportiga norway waxay hambalyo u dirayaan dhammaan ciyaartoydii iyo maamulkii kooxda juniorka qaranka.

Diyaariye: somali sports and culture in norway


Wareysi: Maxamed Cusmaan Isaaq (Maxamed Dheere) oo ka tirsanaa cayaartoydii Xulka Qaranka ee kubadda koleyga Soomaaliya sanadihii 1985 - 1990.

September 7, 2004 Markacadeey


maxamed_isaaq.jpg (12379 bytes)Waxaa u suurtagashey shebaakada marka cadeey qeebteeda ciyaaraha in ay wareesi layeeshaan Maxamed Cusman Isak "Maxamed Dheere" oo ka mid ahaa ciyaartoodii kubada coloyga ee qaranka Soomaaliyeed isaga oo jooga Wadanka Mareekanka, ee gobolka Minesota, magaalooyinka mitaanaha ee Minneapolis iyo St paul. Waxa uuna wareesigeenu udhacay sidan.

Marka cadeey: Maxamed goorma ayaad ku soo biirtey ciyaartan kubada coloyga? yaase kugu gacanqabtey?

Jawaab: Waxaan kusoobiirey dheelista basketballka 1982, markaas oon jirey 14 years. Waxaana igu soo gacanqebtay Abdi Omar oo kamid ahaa ciyaartooda naadiga Somalifruit.

Marka cadeey: Maxamed wax manooga sheegi kartaa inta koox eed u dheeshay?

Jawaab: Waxaan u seftay kooxo badan oo heerar kala duwan kadheelayeen, tusaale hadii aan usoo qaato 1985 waxaan markii uga horaysay u saftey degmada xamarjajab waxaana hantiney koobka degmooyinka sanadkaas. waxaan dheeley isla sanadkaas ciyaarihii gobolda oo aan udheeley gobolka banaadir, kadibmna waxaan ku biirey naadiga soomalifruit oo ay igu soo dhaweeyeen Abdi Omar iyo duale, waxana ku guleesanay koobkii general daudka 1985. waxaan ka mid ahaa ciyaartoodii xulka qaranka laga bilaabo 1987-1990 ilaa makeey bilaabmeen dagaalada sokeeye.

Marka cadeey: Maxamed ma ka cayaartey meel ka baxsan wadanka?

Jawaab: Haa waxan ka dheelay qaliijka oo aan mudo sanad iyo bar ah u dheeley naadiga loo yaqaan "naadul waxdi".

Marka cadeey: Manoo sheegi kartaa ciyaartii kuugu xiisaha badneed?

Jawaab: Waxaa aan ilaawi karin ciyaartii ay naadigayga soomalifruit ay koobka ku qaadeen, taas oon dhaliyey 38 dhibcood, aana qabtey 16 rebounds.

Marka cadeey: Maxamed inkastoo aad tahay ciyaaryahan hadana waa kuma ciyaaryahanka aad ugu jeclayd ciyaaryahanada basketbalka dheelaan?

Jawaab: Ciyaaryahanka aan ujeclaay ciyaartiisa waa cabdukadir haji dahir "Shiiqa"

Marka cadeey: Ugu danbeentii maxaad kula talinlaheed dhalinyareda soo koreesa ee jacel inay ciyaaraan kubada colayga?

Jawaab: Runtii waxaan oranlahaa ha kadaalina dadalkiina waxkasta oo aan kudadashid waad ka libgaarin maalinbaad garoowsandoontaa.

Waa mahadsantahay Mahamed Dheere.

Wareysiga waxaa qaadey anigha oo ah Cabdiraxmaan Saciid Daleel oo ka tirsan tafaftirayaasha bogga cayaaraha ee Markacadeey.

N.B. Boggan waxaan labadii todobaadba mar ku soo qaadi doonaa wareysiyo aan  la yeelan doono cayaartoydii hore iyo kuwa hadda ee qaranka Soomaaliyeed.  Hadii aad haysid sawiradii hore sportiga Somaaliya fadlan noo soo gudbi si aan  ugu soo bandhigno dadweynaha Soomaaliyeed ee cayaaraha jecel.

Nagala soo xiriir emailada hoos ku qoran:

Abdiraxmaan Saciid Daleel: abdirahman_dalel@hotmail.com

Salim Hagi:  salimhagi@yahoo.com