Qeybta 1aad

Ibrahim Maxamed Xersi oo bahda
isboortiga ay ugu yeeraan Ibrahim Sudani - ayay taariikhdu xusaysaa in uu ka mid ahaa
tababarayaashii ugu qiimaha badnaa ee soo mara ciyaaraha kubbadda cagta Soomaaliyeed.
Kooxdiisa kubbadda cagta ee Horseed waxey caan ka ahayd Afrika Iyo dalalka Carabta.
Tababare Ibrahim Sudani waxa u ahaa tababare ay aad uga muuqatay aqoontiisa
ciyaaryahannadii uu soo barbariyay ama uu gacanta ku soo dhigaykuwaasi oo ay ka mid
yihiin:Scott, Cafiif. Shaash. Maxamed Ismaciil, Sharke,Aweys Fundi, Cabdilatiiif, iyo qaar
kale oo fara badan.
Ibrahim Sudani wuxuu ahaa
tababare aqoontiisu aad u sarreysay , guulo badanna u horseeday kooxdiisa Horseed iyo
xulka qarankaba.
Haddaba waxaa ii surtagashay in
aan la kulmo Macallin Ibrahim Sudani isagoo ka soo qeybgalay tartanka Somali Week 2004 ee
magaalada Toronto, waxaana wax ka weydiiyay taariikh noolaleedkiisa Sportiga. Taariikhad
macallinka oo aan la soo koobi kareyn ayaan haddana waxaan isku dayey in aan u soo koobo
sidan:
Ibrahim Maxamed Xersi (Ibrahim
Sudani) wuxuu ku dhashay magaalda karan ee dalka Eritrea sannadkii 1944. wuxuuna ku soo
barbaaray magaalda Asmara halkaasi ee uu waxbarashadiisa ku soo qaatay.Ibrahim waxaa la
dhalatay 8 Wiil iyo 2 gabdha.
Ibrahim Sudani yaraantii ayuu
kubadda cagta aad u jeclaa una ciyaari jiray.
Sannadkii 1959dii isagoo 15 jir
ah ayuu ku biiray koox heerka seddaxaad (Seria C) ah ee la oran jiray Saxil ee waddanka Eritrea.
Markii uu 18jirka ahaa ayuu ka
qeyb galay tartanka cayaarha kooxaha heerka 1aad (Seria A) isagoo u saftay kooxda Dogali
ee magaalada Asmara. In muddo ah markii u u ciyaaray kooxdan Ibrahim wuxuu u wareegay
kooxda Electric ee magaalda Adis Abebe ee dalka Ethiopia. Sannadkii 1963-64 ayaa Ibrahim
loo magacaabay xulka qaranka kubadda cagta dhallinyarada (Junior) ee Ethiopia.
Sannakii 1964 ayuu Ibrahim
Sudani ku soo laabtay magaalada Asmara isagoo ka mid noqday cayaartooyda kooxdii la oran
jiray Red Sea.
Sannadka markuu ahaa 1967
markii ay rabshaduhu ka dhaceen Asmara ayuu Ibrahim u soo qaxay waddanka Sudan wuxuuna ku
biiray koox heerka 1aad (Seria A) ah ee la oran jiray At-taka kana tirsaneyd magaalda
Kasala. Sannadkii 1968 ayuu haddana u soo gudbay kooxda Al Waxda ee magaalda porta Sudan.
Bishii May sannadkii 1969kii
ayuu Ibrahim Sudani yimid magaalda Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Markii uu Ibrahim yimid
Muqdisho ayuu u tagay Maxamed Cali Samatar oo waqtigaasi madax u ahaa kooxdii la oran
jiray Xooga, isagoo u sheegay in uu jeclaan lahaa inuu ka mid noqdo kooxdan .
Samatar wuxuu Ibrahim u sheegay
in uu aado halka ay tababrka ku qaataan kooxda xooga. Ibrahim arrintaasi wuu ka carooday
waayo wuxuu jeclaan lahaa in la geeyo halka kooxda ay tababarka ku qaadanayaa, lana baro
kooxda ee ma jecleysan in uu isaga iskiisa u aado. Intaa ka dib Ibraahim wuxuu
goaansaday inuu tababar la qaato kooxda Booliska oo ay waqtigaasi ciyaartooydii u
ciyaari jireentay ay ka midka ahayeen Saciid Ducaale, Scott, Killer, Kabey,Saciid
Ismaciil,Conka,Xuuti, Jeylani Khaliif iyo Cabdi Kuus.
Maalin isagoo magaalada maraya
ayey is arkeen Axmed Yare oo ay Ethiopia ku wada ciyaari jireen markii ay is wareesteen
ayuu Ibrahim u sheegay in uu hadder tababar la qaato kooxda Booliska. Axmed Yare wuxuu
arrintan u sheegay Ismaciil Gariile oo ka tirsanaa kooxda Xooga. Gariile ayaa markiiba soo
raadiyey Ibrahim Sudani wuxuuna u geeyey Maxamed Cali Samatar uuna sheegay in Ibrahim ay
wada ciyaari jireen yahayna cayaartooy aad u waanagsan. Samatar ayaa ka raali geliyey
Ibrahim arrinta dhacday wuxuuna ka codsaday in uu ka mid noqdo kooxda xooga, Ibrahimna wuu
ogolaaday. Ciyaartii ugu horeysay ee uu Ibrahim u safto kooxda Xooga waxey ahayd ciyaartii
dhex martay kooxda Xooga iyo kooxda ka socota waddanka Sudan ee la oran jiray Buri.


La Soco Qeybta
2aad
Waxaa diyaariyey:
M. Busuri
Toronto, Canada.
|