
Xulka Qaranka
Isla sannadkii 1969 ayaa Ibrahim Sudani loo magacaabay xulka kubadda cagta Soomaaliyedd.
Xulkaasi waxaa tababare u ahaa tababare Talyaani ah oo la oran jiray Sergio Del Pinto.
Cayaartooydi loo xulay xulkani waxaa ka mid ahaa: Jeylaani Khaliif, Iskoot (Scott), Axmed
Negro, Coonka, Ibrahim Sudani, Killer, Saciid Ismaciil, Gariile, Caamir, Xussein
Ducaale, Galaal, Maxuumed C.Jamac (halka Saciid Ducaale uu ku maqnaa fasax).
Kooxda Horseed
Ibrahim Sudani wuxuuu ka mid ahaa cayaartooydii lagu aasaasay kooxda Horseed
sannadkii 1970kii. Sidoo kale cayaartooydii ugu horeeysay ee u safatay kooxdan waxaa ka
mid ah Saciid Ducaale, Ismaciil Garile, Skoot(Scott) Jeylaani Khaliif, Coonka,
Xuuti, kabey, Xassan Bani, Cusmaney, Caamir, Cabdallini, Axmed Yare, Saleymaan Qambi,
Saciid Ismaciil, Killer, Khalifani, Saciid Sunkar, Cabdi Kuus iyo qaar kale. Halka
tababarena ay u ahayeen Cabdixamiid iyo Ibraahim Waaberi
Guulashii uu Soo hooyay intuu ka mid ahaa cayaartooyda Horseed
Ibrahim Sudani intii uu ka tirsanaa cayaatooyda kooxda Horseed wuxuu ku guuleystay 2
horyaal sannadihii 1971-72 iyo 1972-73 iyo weliba koobkii Jeneraal Dauud. Waqtigaasi
waxaa Horseed tababare u ahaa Cali Muxsin. Ibrahim wuxuu kaloo seddax jeer oo isku xigta
ku guulestay koobkii ciidamada ee Bariga iyo Bartamaha Africa sannadihii 1970, 1971 iyo
1972 . Tartamadaasi oo lagu kala qabtay dalalka Tanzania, Zambia iyo Soomaaliya. Waxaa
xusid mudan in tartankan ay ka soo qeybgaleen kooxaha ciidamada ee ciyaarha kubadda cagta,
kolleyga iyo kubadda laaliska iyadoo intaba ay kooxda Horseed ku wada kuuleysatay.
Ibrahim wuxuu kooxda Horseed iyo xulka qarankaba ka tirsanaa ilaa iyo sannadkii
1974ka. Bishii maarso 1974tii ayuu Ibrahim cayaaraha ka fariistay.
Waddamadii uu tababarka ku soo qaatay
1974 Jarmalka Bari. Bishii April 1974tii ayaa isaga iyo Kabey ay tababar u adeen Skuulka
caanka ku ah cayaarta kubadda cagta ee la yiraahdoGerman College for Physical Culture ee
ku yaala magaalada lipzig ee waddanka Jarmalka Bari. . Tababrkan oo socday muddo 8 bilood
ah waxaa ka soo qeybgalay 60 Macallimiin oo ka kala yimid 24 waddan . Intii uu socday
tababarkan Ibrahim waxaa loo magacaabay kaptanka kooxda macallimiinta.
Imtixaankii tababrkan Ibrahim wuxuu ku guuleestay kaalinta 1aad. Xafladii xeritaanka
tababarkanna waxaa laga codsaday in uu halkaasi qudbad ka soo jeediyo, islamrkaana uu
bixiyo qaar ka mid ah abaalmarinadii. Markii uu Ibrahim ku soo laabtay Soomaaliya waxaa
xaflad aad u weyn u sameesay safaaradda Jarmalka ee Muqdisho, oo halkaasi ku martiqaaday
guddiga kooxda horseed iyo wasaaradda sportiga. Waxaa la yaab leh in wasaaradda Sportiga
aaney xitaa weydiinin un uu tuso shahaadadii uu soo qaatay iskaba daa in ay xaflad u
dhigaan.
1977 Tunisia.Waddanak Tunisia ayaa Sannadkii 1977 lagu qabtay tababar loo furay
macallimiinta iyo garsooreyaasha ciyaaraha kubadda cagta ee waddamada Carabta. Tababarkan
ayaa waddanka Soomaaliya waxaa ugu qeybgalay Ibarahim Sudani iyo Madadaale(Garsoore).
1978 Jarmalka Galbeed. Sannadkii 1978 ayuu hadana ka qeybgalay tababar lagu qabtay
waddanka Jarmalka Galbeed isagoo ka soo qaatay Shahaadada heerka 1aad ee waddanka Jarmalka
Tababarkann waxaa Ibraahim ku wehliyey Cumar Canjeeste.
1992 Masar.Tababar loogu magac daray ALIT Course ee loogu talagalay tababareyaasha xulalka
qaranka ee waddamada Africa ayaa lagu qabtay magaalda Cairo ee waddanka Masar sannadkii
1992 iyadoo ay Soomaaliya ugu qeybgaleen Ibraahim iyo Cabdi Budiste


La Soco Qeybta
3aad
|