Tababraha
kooxda Horseed

Sannadkii 1975tii kooxda
Horseed waxaa tababare u ahaa macallin Ruush ah, oo ka codsaday Ibrahim inuu u noqdo
tababare ku xigeen Ibrahimna wuu diiday.
Isla sannadkaasi dhexdeeda ayaa
Ibraahim laga codsaday in uu tababar u furo dhallinyaro da yar si ay u beddelaan
cayaartooydii cuslaatay ee kooxda horsed. Dhallinyaradaasi uu gacanta ku hayey Ibrahim
waxaa ka mid ah: Cabdilatiif , Nuur Amiin iyo qaar kale. Dhallinyaradan in muddo ah ka dib
wey kala tageen iyadoo loo diiday in wax gunno ah la siiyo. Waxaa ku soo haray oo keliya
Cabdilatiif oo markii dambe ka mid noqday kooxda heerka 1aad(Seria A) ee Horseed.
Dhamaadkii sannadkii 1975 ayaa Ibraahim loo magacaabay tababraha kooxa Horseed.
Horyaalkaasi 1975-76 waxey galeen kaalinta 3aad. Iyagoo ku guuleestay koobka Jeneraal
Dauud.
Guulihii uu soo hooyey Ibrahim intii uu tababare u ahaa kooxda Horseed
1976 waxey kooxda horseed ku guuleysatay Koobkii Militeriga oo ay ka soo qeybgaleen Kooxo
ka kala socday Aljeria iyo Yemen iyo Horseed iyo Munishiibiyo(Municipio) oo ka socday
Soomaaliay.
Afar jeer oo isku xigta ayey Horseed ku guuleysatay horyaalka Soomaaliya kuwaasi oo kala
ah sannadihii: 1976/1977, 1977/1978, 1978/1979 iyo 1979/1980.
Sannadkii 1977 Horseed waxey ku guuleysatay kaalinta 2aad ciyaarihii East and Central
Africa iyadoo ciyaartii finalka si dirqi ah kooxda Gormahia ay 2-1 kaga badisay.
Sannadkii 1978 waxey soo gaareen semifinalka East and Central Africa Cup oo lagu qabtay
Ugandha. Iyo 1979 oo lagu qabtay Soomaaliya.
Tababarha Xulka Qaranka .
Sannadkii 1977dii ayaa Ibraahim loo magacaabay tababaraha xulka kubadda cagta
Soomaaliyeed, wuxuuna xilkaasi haayey ilaa iyo dhamaadkii 1978.Muddadii labada sanno ahayd
ee uu tababaraha u ahaa xulka qaranka , xulalkii ay la ciyareen waxaa ka mid ah xulka
Kuwait ee ahaa horyaalka Khaliijka iyadoo ay tababreyaal u ahayeen Roberto Carlos iyo
Zigalo oo u dhashay dalka Brasile. Ciyaartan oo ka dhacday dalka Kuwait waxey ku dhamaatay
1-1 barbardhac iyadoo goolkii ay dhalisay xulka Kuwait uu aha rigoore , halka goolka
Soomaaliydan uu u saxiicay Killer.
Dalka Qadar

Bishii November sannadkii 1979 ayuu Ibraahim ka tagay Kooxda Horseed isagoo aaday waddanka
Qadar. Ibraahim wuxuuu joogay dalka Qadar ilaa iyo sannadkii 1988 dhamaadkiidi .Muddadaasi
uu joogay Qadar wuxuu tababare u noqday dhowr kooxood oo ay ka mid yihiin: kooxda Al-Nahda
oo ahayd koox heerka 2aad(Seria B) ah isagoo gaarsiiyay heerka 1aad(Seria A). iyo kooxda
Al-Tadamun oo ahayd koox heerka 2aad ah (Seria B) ah. Muddadii uu Ibrahim la joogay kooxda
mar waxey yimadeen final laba jeerna Semi-final.
Ibraahim Oo Ku Soo Laabtay Soomaaliya
Dhamaadkii sannadkii 1988 ayuu Ibrahim ku soo laabtay Soomaaliya. Muddadii Siddeeda Sanno
ee uu Ibrahim ka maqnaa kooxda horseed waxey ku guuleysatay oo keliya hal koob Jeneraal
Dauud.
Sannadkii 1990 ayaa Ibrahim markale loo magacaabay tababaraha kooxda Horseed isagoo soo
xushay cayaartooy dhallinyaro ah. Isla horyaalkaasi 1989/90 waxey galeen gaalinta 3aad.
Iyadoo markii uu gacanta ku dhigayey kooxda ay ku jirtay kaalinta 9aad.
Dagaalkii Sokeeye Ka Dib
Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya kadib Ibraahim wuxuu u qaxay waddanka Saudi Arabia
sannadkii 1993. Muddadii uu halkaasi joogayna wuxuu tababare u ahaa kooxda Al-Lith .Intii
uu kooxdan tababarah u ahaa waxey ku guuleysteen horyaalka, marna waxey galeen kaalinta
2aad iyo kaalinta 3aad. Sannadkii 2002 ayuu Ibraahim ka soo tagay waddanka Sacuudiga
isagoo soo galay dalka Mareykanka ee uu hadder ku nool yahay.
Madahcelin
Ibraahim isagoo ka faaiideysanaya fursadan ugu horeentii wuxuu mahad u celinayaa
xaaskiisa Shukri C/llahi Aadan oo gacan weyn ku siisay muddadii uu cayaartooyga iyo
tababaraha ahaa. Sidoo kale wuxuu u mahadcelinayaa Maxamed Cali Samatar ee uu sheegay in
uu yahay qofka kooxda horseed gaarsiiyay heerka ay gaartay. Wuxuuna Ibraahim sheegay in
Samatar uu gacan qaban jiray dhamaan cayaartooyda xitaa haddii aaney ka tirsaneyn kooxda
Hoorssed. Wuxuu kaloo Ibraahim u mahadcelinayaa Cabdi Cumar oo ahaa tababre ku xigeen
sannadihii 1978/79 iyo 1979/80. Ibraahim wuxuu kaloo mahad u celinayaan dhamaan
maamulayaashii kooxda horseed oo ay ka midka yihiin: Yusuf Cali Nuur, Ibrahim Xisbiya,
Yusuf Muusa, Cali Dhagey iyo gaar ahaan Maxamed Axmed Caalim oo ahaa ninkii ku
dhiirigeliyey in uu noqdo tababare kana qeybgalo tababarkii lagu qabtay waddanka Jarmalka
Bari iyo dhamaan taageereyaashii kooxda horseed oo gacan weyn siiyay kooxda.
Gabababo
Ibraahim Sudani wuxuu weli ku dhex jiraa cayaarha isagoo tababara dhaalinyaro Soomaali aha
oo deggan magaalda Rocheser N.Y ee waddanka Mareykanka.
Ibraahim wuxuu leeyahay xaas Shukri C/llahi Aadan iyo seddax caruur oo kala ah: Maxamed,
Muna iyo Munira
|