Bulsho-waynta
Soomaaliyeed ee ciyaaraha jecel guud ahaanba, gaar ahaan kubbadda cagta ciyaaryahannada ay
sida aadka ah u xusuustaan waxaa ka mid ahaa Mukhtaar Maxamed Axmed oo loogu naanaysi
jiray (Mukhtaar Cuti) oo u safan jiray naadigii wakaaladda batroolka ummadda oo markii
dambe loo bixiyay naadiga iskaashatada iyo xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta
intaba. Xaqiiqdii Mukhtaar Cuti waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii faro ku tiriska ahaa
ee ugu xirfadda badnaa dhanka kubbadda cagta ee soo mara dalkeenna Soomaaliya, waxaana
daawadayaasha ciyaaraha ay isaga mara kaceen inuu Mukhtaar cuti ahaa nin Eebe u hibeeyay
una fududeeyay xeeladaha ciyaarta kubbadda cagta. Mukhtaar Cuti waxyaabaha sida aadka
loogu xusuusto waxaa ka mid ahaa :Isaga oo ahaa ciyaaryahan daggan, dulqaad iyo samirna
isku darsaday, waxaa uu ahaa ciyaaryahan siduu doono ugu xarfadeeya kubbadda , aadna u
makhsuudin jiray taageerayaashii faraha badnaa ee soo camiri jiray garoomada kubbadda
cagta.
Inkasta oo uu Mukhtaar Cuti u muuqday Ciyaartooy Itaal yar , misana waxaa uu ahaa
ciyaartooy ad-adag, aadna u adkaysi badan oo kubbadaha lugtiisa soo gaara aad baa loogu
kalsoonaan jiray, waxaana uu khalkhal wayn ku ridi jiray difaaca kooxaha ay markaasi is
hayaan. Mukhtaar Cuti waxaa uu kaalin mug leh kaga jiray xulka qaranka Soomaaliyeed ee
kubbadda cagta iyo kooxdiisa Batroolka waxaana uu magac wayn ku lahaa oo aad looga
yaqaanay dalalka bariga iyo bartamaha Afrika iyo dalalka Carabtaba oo uu wacdaro badan ka
muujiyay. Mukhtaar haatan waa xaas leh shan caruur ah, waxaana uu ku nool yahay magaalada
Toronto, Ontario ee dalkaasi Canada.
Haddaba waxaa waraystey
Somalinet Magazine oo isku soo duba-rida barnaamijkan xiddigaha taariikh nololeedkiisii
isboortiga. Waraysigaasi oo aad u dheeraa ayaan ku soo koobay sidan:
Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar cuti) waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan
degmada Hawlwadaag, sannadku markuu ahaa 1964kii.Waxbarashadiisa dugsi quraanka waxaa uu
ku qaatay isla magaalada Muqdisho. Dhanka waxbarashada aasaasiga ah Mukhtaar waxaa uu
dhigtay dugsiga hoose ee Hodan, Dugsiga dhexe ee 21ka November, Dugsiga sarena waxaa uu ka
baxay dugsigii loo yiqiin Banaadir. Mukhtaar waxaa uu ahaa shakhsi ku barbaaray ciyaaraha,
waxaana uu aad u jeclaa ciyaarta kubbadda cagta oo uu aad ugu hamiyi jiray inuu horumar
wanaagsan ka gaaro, yaraantiisii marka laga soo tago kubbadda cagta waxaa kale oo uu
ciyaaray ciyaarta kubbadda koleyga oo uu u saftay degmada hawlwadaag iyo ciyaarta kubbadda
miiska, Sidoo kale waxaa uu ka qayb-galay tartammaddii ciyaaraha kubbadda cagta dugsiyada
dhexe ee Gobolka Banaadir isaga oo u safnaa dugsigii dhexe ee 21ka November waxaana ay ku
guulaysteen kaalinta 1aad ee koobkii ciyaaraha dugsiyada dhexe. Waxaa kale oo uu
ciyaaryahanku ka qayb-galay Ciyaarta kubbadda koleyga oo uu u saftay dugsiga sare ee
Banaadir.
1976-1977 ayuu ciyaaryahanku
fursad u helay inuu ku biiro ciyaaryahannada Heerka labaad ee naadiga Batroolka,
durbadiiba xeeladihiisa ciyaareed waxay u suuro-galiyeen in loo qaato ciyaaryahannada
heerka 1aad ee naadiga Batroolka oo uu muddo badan ka tirsanaa, waxaana xilliyadii uu u
ciyaarayay kooxdiisa Batroolka ay ku guulaysteen kaalinta 1aad ee koobka jeneraal daa'uud
iyo mar ay galeen Horyaalka dalka kaalinta 2aad.
Mukhtaar Cuti mar uu ka hadlayay waxyaabihii xusuusta gaarka u lahaa intuu ku dhex jiray
ciyaaraha wuxuu sheegay inay aad u tiro badan yihiin oo uu soo joogay waayo farxadeed iyo
kuwo qushuuc iyo muraal xumo intaba ku reebay waxaana uu carrabka ku dhuftay Ciyaartii ugu
farxadda badnayd ee soo marta noloshiisa inay ahayd ciyaar uu u safnaa kooxda kubbadda
cagta ee Horseed oo ay ka hortageen kooxda reer Masar (Al Muqaawiluun) oo ay uga adkaadeen
2 gool iyo 0, ciyaartaasi oo ka dhacday magaalada Muqdisho,hase yeeshee ciyaartaasi
wareeggeedii hore oo ka dhacday Qaahira waxaa nalooga adkaaday 7 gool iyo 0.
Sidoo kale iyana waxa iigu
farxad badnayd Ciyaar aan u safnaa juunyerka xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta
oo nalugu hoggaaminayay 2 gool iyo 0 oo aan barbaraynay kooxdii aan la ciyaaraynay,
dabadeedna ay caroodeen kooxdii kana baxeen garoonka halkaasina nalugu siiyay koobkii
kaalinta 1aad. Cayaartaasi waxa ay la cayaarayeen xulka waddanka Zanzibar, waxaana ay ka
tirsanayd ciyaarihii bariga iyo bartamaha Africa oo lagu qabtay Muqdisho.

Mukhtaar iyo qaar ka tirsanaa Ciyaaryahannadii Xulka qaranka
Ka billow bidix: Nuuraddiin, Mukhtaar, Shiikha iyo Khaliif Riko
1979kii-1980 ayuu Mukhtaar u saftay markii ugu horraysay juunyerka xulka qaranka
Soomaaliyeed ee kubbadda cagta,isaga oo markii dambana ku biiray kuwa waawayn, waxaana uu
ciyaaryahanku ka qayb-galay tartammo faro badan oo calami ahaa iyo kuwo Goboleed oo lagu
kala qabtay Afrika iyo Carabta Sida: Masar, Sa'udi Arabia, Nayjeeriya, Kenya, Ugandha,
Sudan, Marooco, Burundi, Cummaan, Yaman, Kooxihii uu la ciyaaray oo aad u faro badnaa
waxaa ka mid ahaa: Al-muqaawiluun,(Masar), Abaluhia, Gormahia (Kenya), KCC (Kampala City
Council-Ugandha),Al mariikh( Sudan), Burundi iyo Sanca kooxo ka socday runtii aad bay u
faro badnaayeen oo ma wada xusuusan karo.
Mukhtaar Cuti oo ka hadlayay
ciyaaryahannadii uu ugu jeclaa intuu ku dhex jiray ciyaaraha waxaa uu aad u ammaanay
dhammaanba ciyaartooydii kubbadda cagta ee kooxdiisa Batroolka oo uu aad u jeclaa habka ay
isugu xirnaayeen, hase yeeshee xulka qaranka oo uu muddo badan ka tirsanaa waxaa uu ka
xusay ciyaaryahannada ay sida wayn jaanta isula heli jireen sida: Khaliif Riko oo ka
tirsanaa kooxdii Badda, Yuusuf Shaqaaq oo ka tirsana kooxdii Jeenyo(LL.PP), iyo Shaash oo
ka tirsanaa Kooxda (Horseed) iyo qaar kale oo faro badan oo aan runtii aad u jeclaa
ciyaartooda
Tababarayaasha, iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa ahaa kuwo
aqoontoodu ay aad uga heer sarreysay marka loo fiiriyo aqoonta ay lahaayeen tababarayaasha
iyo garsoorayaasha Afrika, waxayna ahayd arrin ay ku ammaanan yihiin, Maamulka Isboortiga
ayaa isaguna dadaal badan muujinayay, in kasta oo ay iska jirtay Awood yari dhaqaale
haddana hawshaasi baaxadda leh oo ay qabanayeen waa mid aan ku ammaanayo, hadalladaasi
waxaa ay ka soo baxeen Mukhtaar Cuti oo ka jawaabayay su'aal ku saabsanayd aqoonta
tababarayaasha, garsoorayaasha iyo maamulka isboortiga.
Mar uu ka jawaabayay Farqiga u dhaxeeya ciyaarihii Soomaaliya iyo kuwa haatan iyo sida
lagu horumarin karo Isboortiga Soomaaliyeed waxaa uu si kooban u yiri: Farqi aad u
ballaaran ayaa runtii u dhaxeeya waayo Isboortiga haatan aad buu u horumaray sida aad la
socotaan gaar ahaan kubbadda cagta iyo Koleyga , waxaana marka ugu horraysa loo baahan
yahay dhaqaale lagu socodsiiyo Isboortiga, garoomo faro badan oo la helo, in ciyaaraha
laga soo bilaabo xagga hoose waliba dugsiyada, in sare loo qaado aqoonta Tabababarayaasha
Soomaaliyeed, garsoorayaasha iyo Maamulka intaba
Arrimahan ayaad moodaa inay saldhig
u yihiin in Isboortiga horumar laga gaaro. Waxaana uu talo ahaan u soo jeediyay in la
joogteeyo ciyaaraha dhallinyarada yaryar si loo helo dhallinyaro waxtar leh oo dalka wax
tarta, Sidoo kalena waxaa uu ku guubaabiyay dhallinyarada inay ku dadaalaan
waxbarashadooda, diintooda iyo dhaqankooda.
Mukhtaar Cuti waxa uu u mahad-celiyay Tababarayaashii kooxdiisa Batroolka Maxamed Cismaan
Budiiste iyo Macallin Cumar oo aqoontooda tababaranimo uu si wayn uga faa'idaystay, sidoo
kale waxaa uu u mahad-celiyay dhamaanba tababarayaashii gacanta ku soo qabtay intuu ka
tirsanaa xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Mukhtaar Cuti Iyo Shiikha
Ugu dambayntii Mukhtaar Cuti isaga oo ka faa'iidaysanaya fursaddan waxaa uu halkan ka
salaamayaa: Xaaskiisa iyo caruurtiisa, Dhammaanba dadka qabanqaabiya ciyaaraha ee ku nool
dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba gaar ahaan waxa uu salaamayaa guddoomiyaha Olimbikada
Soomaaliyeed Faarax weheliye Caddow (Sindeko) iyo asxaabtiisa joogta Soomaaliya iyo
dunidaba, Sidoo kale waxaa uu salaamayaa dhammaanba ciyaaryahannadii Soomaaliyeed ee
kubbadda cagta, gaar ahaan ciyaaryahannadii naadigii Batroolka (Wiilal iyo Gabdho),
taageeyaasha Soomaaliyeed guud ahaan iyo taageerayaashii gaar ahaaneed intaba, sidoo kale
wuxuu halkan ka salaamayaa dhallinyarada Somalinet Magazine oo isku soo duba-rida
barnaamijkan xiddigaha gaar ahaan Shiikha oo isaguna ka mid ahaa ciyaaryahannadii xulka
qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda koleyga.
Diyaariye:
Cumar Xuseen (Baalcade)
Wariyaha markacadeey.com
omarjuba@hotmail.com
|