marka_title4.jpg (10755 bytes)

mao_international.jpg (21143 bytes)

Lectures about Death

 

 

Imagine yourself Dead (video)

 

Death and Dying (ebook)
 

The Souls Journey after Death (article)

 

The Reality of Death (mp3 audio)


Questioning in the Grave (video)

 

Muxaadro ku saabsan geerida

Under Construction
 

basmala.gif (2001 bytes)

inaa_lilaahi.jpg (6889 bytes)

kullu_nafsin.jpg (6145 bytes)

 

INAALILLAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN

KULU NAFSIN DAAIQATUL MOOD

Waxaa ku geeriyooday gurigooda ee magaalada Delft ee dalka HOLLANDA , Sabtidii 11kii bishan Raamadaan 1431 Hijriya, oo ku beygneyd 21kii Bisha Augusto 2010kii, saacaddu markey ahayd 16:30 galabnimo Al-marxum:

CABDULLAAHI AXMED XAAJI ABUKAR (Cabdullaahi Calwaan)

Haddaba, marxuumka waxaa la aasi doonnaa maalinta Talaadada oo ku beegay 24ka bishan Augosto 2010ka, waxaana lagu aasayaa Qabuuraha Islaamiga ee magaalada Rotterdam, dadka ka soo qeyb galaya aaska Marxuumka waxaa loo sheegayaa in xaadir ku ahaadaan Qaburaha SLIGE ee magaalada Rotterdam saacu markey tahay 13:00 Duhurnimo, ayadoo halkaasi looga dukan doonno Salaada Janaasada, cinwaanka waa:-

ADRES: SLINGE 50
3084 EB Rotterdam

Waxaa loo sheegayaa dhammaan Qaaraabada iyo cidii ka soo qeyb galasa Aaska Marxuumka in ay sidaasi ul socdaan, ayna xaadir ku ahaadaan halkaasi waqtiga aan kor ku soo xusnay Haddii Alle idmo.
Haddaba, waxaa tacsi diray:-

M/ne Abukar Abanuur Maxamed " AL-MAKHZUUMI", xaaskiisa iyo dhammaan Caruurtiisa, isla markaana ku hadlaya magaca dhammaan Reer Abanuur Maxamed Cali {Al-makhzuumi}, kan xaasaskooda iyo dhammaan Caruurtooda meel ay joogaanba. ayadoo aan ugu tacsiyadeyneyno Geerda ku timid Marxuumka:-
Aabixhiis Xaaji Calwaan, Hooyaddiisa Amino Xaaji Aweys, Caruurtooda oo kala ah:

- Kaltuun Xaaji Calwaan odaygeeda iyo Caruurteeda,
- Faaduma Xaaji Calwaan, iyo Caruurteeda,
- Maxamed Xaaji Calwaan, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Abukar Xaji Calwaan, xaaskiisa iyo Caruurtiisa
- Seynaba Xaaji Calwaan, odaygeeda iyo Caruurtiisa
iyo Dhammaan Walaalajiis Bahda Labaaad iyo intii Taqiinay Marxuumka

Waxaana Eebe ugu baryeynaa Marxuumka in uu Janadii Fardoosa ka waraabiyo, qabrigiisana eebe u waasiciyo, annagana dhammaanteen Samir iyo Iimaan in uu eeba naga wada siiyo...AAMIIN.

 
إنا لله وإنا إليه راجعون

إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيئ عنده أجل مسمّى

1- Guud ahaan Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed
2- Odayaasha Dhaqanka Beelaha Banaadiriga
3- Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda federaalka
4- Guud ahaan Xildhibaannada kasoo jeeda Beelaha Banaadiriga
5- Xukuumadda Soomaaliya
6- Guud ahaan Culumaa'udiinka Soomaaliyeed
7- Dariiqooyinka kala duwan ee dalka Soomaaliya kajira
8- Afarta Xamar, Shanta Shangaani iyo Culumadooda
9- Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka hawlgala gudaha dalka iyo dibaddiisa
10- Bahweynta Saxaafadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan

Guud ahaan dadkani waxa ay Tacsi u dirayaan Qoyska Dr.Maxamed C/qaadir Maxamed oo aabahooda Dr.Maxamed C/qaadir Maxamed uu kugeeriyooday Magaalada Muqdisho taariikhdu markii ay aheyd 03-Ramadaan-1431 kuna beegan 13-August -2010, waxa ay si gaar ah ugu dirayaan Tacsida wiilkiisa Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir (Al-Bashiir).

Waxa ay leeyihiin Jannadii Firdowso Allaha ka waraabiyo Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka tagayna sabar iyo Iimaan Allaha kasiiyo. AAMIIN….. AAMIIN ….. AAMIIN

KULLU NAFSIN DAA'IQATUL MOWT

Anagoo ah kala ah Familka reer Xaaji Axmed Macow ABAGASI gaar ahaan:-

Waalidkeena Maana Caddooy Yaxye Sadiiq
Tahira Axmed Macow & Maxamed Sheekh Wali iyo carruurtooda
Yaxya Axmed Macow & Caaisha Maxamed Axmed 'Kheyrun' iyo carruurtooda
Maxamed Axmed Macow & Nuurta Faqay Cilmi iyo carruurtooda
Cabbaas Axmed Macow & Muna Maxamed Cabdulqaadir iyo carruurtooda
Saciida Axmed Macow & Nuur Faqay Cilmi iyo carruurtooda
Zahra Axmed Macow & Awees Sheekh Muumin iyo carruurtooda

Waxaan dhambaal tacsi u direynaa dhamaan Reer Banaadir gaar ahaan ehelka reer Faqay meel kastoo ay jogaan, gaar ahaan reer Sadiiq Cumar, geeridii naxdinta leheed ee ku timid

ALMARXUUM DR. MAXAMED CABDULQAADIR MAXAMED SADIIQ

oo maqribnimadii maalintii jimcaha 13.08.2010 kuna aaddan 03 Ramadan 1431 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, xaafadda Xamar-Weyne, waxaana Sabti 14.08.2010 lagu aasay qabuuraha Aa Faqay Aboor ee magaalada Muqdisho, waxaana marxuumka Eebe ugu baryeynaa inuu janada geliyo, dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo; Aamiin! Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun!!!

Marxuum Dr. Maxamed Cabdulqaadir, wuxuu ahaa Ugaaska Beesha Reer Faqay ama Kaabo qabiilka reer Faqay, wuxuuna Dowladdii Madaxweyne C/qaasim ilaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf haayey xilka Ku-xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ku Duqa Magaalada Muqdisho, Waagii Dawladdii Marxuum Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaan jiray Agaasimaha Somalifruits, Wuxuu ahaa xubin kamid ah ururka SANU, wuxuuna ka qeyb weyn ka qaataay shirkii Carta ee Dowladda Soomaaliya ee C/qaasim Salaad lagusoo dhisaayey, wuxuuna ka ahaa Xogheyaha Shirka.

Inaa Lillaah wa inaa Ileyhi Raajicuun

Waxaa magaalada Riyadh ee dalk Sacuudiga ku geeriyoodey:

Marxuum Shariif Abuukar Maki

Waxaa tacsidan la ogeysiinayaa dhamaan Ehelada iyo asxaabta marxuumka ee ku sugan qaaradaha aduunka.  Maamulaha Markacadeey.com Salim Macow Xaaji wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan eheladii uu ka geeriyoodey marxuumaka gaar ahaan Xaaskiisa iyo caruurtiisa ee ku nool magaalada Al-khubar ee dalka Sacuudi Arabia.  Waxaan Marxuumka Eebe ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo Iimaan.


ILAALILAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN

KULU NAFSUN DAAIQATUL MOOD

Annigoo ah M/ne Abuukar Abanuur Maxamed "AL-MAQZUUMI", isla markaana ku hadlaya magaca Xaaskeyga iyo dhammaan Caruurteyda ee ku nool dalka Hollanda waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u direynaa Xaaskii, Caruurtiisii, Dhammaan walaalihiisa, Ehelladiisa, Qaraabadiisa iyo Dhammaan intii taqaanay

Al-marxuum/SHARIIF ABUUBAKAR MAKI,

oo ku geeriyooday dalka Sacuudi Carabiya, waxaana marxuumka eebe ugu baryeynaa Naxriistii Janno in uu ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, xaaskii, caruurtii, ehelladii, qaraabadii iyo Intii taqaanayna Samir iyo Iimaan in uu eeba naga wada siiyo...AMIIN.


INAA LILAAH WAINAA ILEEHI RAJUCUN

ANIGOO KU HADLAAYA MAGACA BANADIR CONGRESS '

N- AMERCA DHAMAAN BANADIRIGA KU NOOL

N- AMERCA WAXEY TACSI TIRAAYO LEH

UDIREYNAA:

MARXUUM IIMAN MAXAMAD IIMAN

IIMAAN MARDAADI JANADII ILAAH KA WARAABIYO

CARUUSTIISANA SAMAR IMAAN ILAAH KASYO

IYO DHAMAAN BANADIR CONGRESS KA MEELKASTOO AY JOOGAAN

BACDIGIISA ILAAH NAMA FIDNEEYO AAMIIIN AAMIIIN


TAARIIKH NOLOLEEDKII
MARXUUM GLE/SARE Dr. ABSHIR OSMAN HUSSEIN
(1941-2010)

Marxuum Abshir Cusmaan, wuxuu ku dhashay magaalada Beled Weyne 1941 halkaas oo kusoo qaatay barbaarintiisa hore iyo tacliintiisa Diiniga ah iyo Waxbarashadiisa Aasaasigaba. Kaddib, xilligii dalka ka jiray Maamulkii dowldaa Talyaaniga ee AFIS , 1950-1960, wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii gashay “Collegio Militare” Gen. Ferrara, oo ahaa Iskuul military (military boarding-school ) oo loogu barbaariyo, caruurta waalidiintooda ciidamada ahaan jiray, halkaas oo kusoo qaatay tacliintiisa digsiyada Dhexe iyo Sare. Xuriyadda kaddib, Marxuum Abshir Cusmaan wuxuu ku 1962 ku biiray Xoogga Dalka Soomaaliyeed loona qaatay Laylis Saraakiil. Kaddibna waxaa loo diray Kulliyadda Militariga Modena ee dalka Talyaaniga, halkaas oo kaga soo qallin 1966dii qaatayna darajada Labo-Xiddgle.

Marxuum Gle/Sare Abshir Cusmaan wuxuu kaloo kasoo Qallin Jebiyay Kulliyadda Sare ee Abbanduulka & Istratejiyada Ciidamada ee Civitavecchia ee dalka Talyaaniga, 1972-1975 iyo Kulliyadda Sharciga ee Jaamacada “La Sapienza” ee Roma. Marxuum Abshir Cusmaan wuxuu xilal kala duwan ka qabtay Colweynaha XDS, siiba Qeybaha 26aad, iyo Talkiska Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga. Wuxuu muddo dheer ahaa Kuqeybsanaha Arrimaha Ciidamada (Military Attaché) Soomaaliya u fadhiya Roma, Itaaliya. Kaddibna noqday wuxuu sarkaal sare (Attache’) ee Safaaradda Soomaaliya ee Roma.

Heybadda iyo maamuuska shaqada (work-ethic) iyo Qaran-jeceylka (patriotism) Marxuum Abshir Cusmaan waxaa ka marag muujin u ah ficilkiisa kadib markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burtay. Marxuum Abshir , isagoo ilaalinaaya magaca, sharafta iyo muunada-qaranimo ee Soomaaliya, ayuu isagoon marnaba rabin ama sugeyn wax abaalmarin ah ayuu ahaa sarkaalka sare oo keliya oo weli sii joogay kuna mintiday inay badbaado hantida maguuraanka ee Qaranka Soomaaliyeed isla markaana ay weli sii furnaato Xarunta Safaaradda Soomaalida ee Roma. Marxuum Abshir Cusmaan wuxuu ahaa qof xushmad badan, sabarka badan, dhegeysi badan , isla markaana af-gaaban saqayna ah.

Falan halkan kuji si aad Tacsi u dirto.


Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Sarakiisha magacoodu hoos ku qoran yahay & Guud ahaan Talisyadii Guud ee Ciidammadii Qalabka Sida ee Somaaliya iyo gaar ahaan Ciidankii Xoogga Dalka Somaaliyeed, ayagoo ka tiranyeeysan geerida ku timid Alle ha u naxaristee G\le Sare Dr. Abshir Osman Xuseen oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska, ayey waxeey tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii, asxabtii uu ka baxay iyo guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed meel ay joogtaba.

Dr. Abshir Osman Xuseen jannadii fardoowsa Ilaahey ha ka waraabiyo, dhammaantayana samir & imaan Ilaahay ha naga wada siiyo. Amiin!!!!
Magacyada Sarakiisha tacsida direeysa waa sidatan:
S\Guud Maxamed Cali Samantar
S\Gaas Yuusuf Axmed Salxaan
S\ Gaas Axmed Sahal Cali
S\Gaas Ismaciil Axmed Ismaciil
S\Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi “Bagadi”
S. Guuto Cabdulaahi Cali Cumar
S\Guuto Cabdiraxmaan Warsame Cilmi “Caare”
S\Guuto Saciid Faarax Warsame "Gooje"
S\Guuto Maxamed Cali Abokor
S. Guuto Cali Ismaciil Maxamed
S\Guuto Muusse Xasan Sheikh
S\Guuto Maxamed Saalax Xaaji Axmed
S\Guuto Maxamed Aadan Axmed
S\Guuto Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis
S\Guuto Cismaan Sheikh Cali “Gaabo”
S\Guuto Axmed Warsame Maxamed
S\Guuto Maxamed Cusmaan Nuur Qaadi
S\Guuto Cabdinasser Xaaji Xaashi
S\Guuto Siyaad Daa'uud Gudaal
S\Guuto Maxamed Xuseen Dauud
S\Guuto Cabdulaahi Axmed Yuusuf “Cirro”
S\Guuto Xuseen Maxamed Shuqul
S\Guuto Maxamed Jaamac Galaydh “Boodhe”
S\Guuto Dr. Cabdi Xaaji Xaashi
S\Guuto Cusmaan Maxamed Samantar "Fatiig"
S\Guuto Cabdicasiis Cali Barre
G\Sare Cabdicasiis Xasan Cali “Uomo”
G\Sare Maxamuud Maxamed Libaan “Aftooje”
G\Sare Cabdiraxman Sheikh Ciise Maxamed
G\Sare Cumar Cabdulaahi Handi “Soorag”
G\Sare Axmed Maxamed Maxamuud “Carab”
G\Sare Xaashi Muuse Maxamed
G\Sare Maxamed Aadan Biixi
G\Sare Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarsho”
G\Sare Axmed Maxamed Sheikh Xuseen “Qalcad”
G\Sare Muunye Maxamed Cali “Calawi”
G\Sare Duuliye Maxamed Barkhadle “Gaarane”
G\Sare Cabdulaahi Axmed Warfaa
G\Sare Axmed Sheikh Saalax Maxamed
G\Sare Cabdirisaaq Isaaq Biixi
G\Sare Cabdulaahi Warsame Takar
G\Sare Cabdulqaadir Cabdi Maxamed “Sancho”
G\Sare Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen
G\le Sare Dr. Cabdulaahi Aadan Gaas
G\Sare Dr. Cali Nuur Axmed
G\le Sare Xassan Ugaas Yasiin Abdirahman
G\Sare Maxamed Faarax Caliyoow
Gle\Sare Cabdulqaadir Maxamed Galbeeti (X)
G\Sare Axmed Sheikh Maxamed
G\Sare Maxamed Faarax Wacays
G\Sare Maxamed Xasan Xuseen “Dhool”
G\le Sare Hassan Mohamed Ali
G\le Sare Abdullahi Dirie Jama
G\le Sare Abukar Haji Warsame “Xuut”
G\le Sare Ali Mohamed Hassan
G\le Sare Saciid Axmed Kediye
G\le Sare Bashir Sheikh Yusuf
G\le Sare Dirir Abdi Ibrahim
G\le Sare Cabdiladiif Sheikh Xussen
G\le Sare Xasan Cali Qeyloow
G\le Sare Abdirahman Yusuf Ismail
G\le Sare Cali Aaden Guleed
G\le Sare Hussen Hagi Elmi Osman


INAALILLAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN

KULU NAFSIN DAAIQATUNL MOOT

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Qaraabada iyo Ehellada iyo Intii taqaanayba in uu maanta oo Khamiis ah, kuna beegan 15ka bisha Luulyo 2010ka, aroornimada ku geeriyooday gurigiisa ee magaalada Muqdisho

Al-Marxuum IIMAAN MAXAMED IIMAAN "Al-Makhzuumi"

oo ku magac dheeraa IIMAAN MARDAADI, sidaa darteed, marxuumka waxaa lagu aasi doonnaa isla magaalada Muqdisho haddii Alle idmo, haddaba waxaa Tacsi diraya:-
- M/ne: Abukar Abanur Maxamed, iyo Dhammaan Reer Abanuur Maxmed Cali "AL-MAKHZUUMI", xaasaskooda iyo Caruurtooda meel ay joogaanba,
- Reer Maxamed Xaaji Aweys "Al-Makhzuumi", caruurtiisa, xaasaskooda iyo dhammaan caruurtooda,

- Reer Xaaji Calwaan "Al.Makhxuumi", xaasaskiisa, caruurtiisa, xaasaskooda iyo dhammaan Caruurtey dhalleen,

- iyo Dhammaan Beesha Reer Sheekh "AL-MAKHZUUMI" ee Dunida dacaladeeda kala joogga, gaar ahaan kuwa ku nool dalka HOLLANDA, waxaana Marxuum/IIMAAN MARDAADI eebe ugu barye-ynaa in uu Jadii Firdoowsa ka waraabiyo, qabrigiisana eebe u waasiciyo, xaasakii, caruurtii uu dhallay, caruurtii ay sii dhaleen, qaraabadii, ehelladdii, beesha Reer Sheekh "Al-Makhzuumi" iyo intii taqaanayba waxaan leenahay Samir iyo Iimaan eebe hana wada siiyo.......AAMIIN.


Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun

Waxaa maalintii Talaado ee ku beegneyd July 12, 2010, ku geeriyooday magaalada Louisville, Kentucky USA

Marxuumad Cadeey Qumane,

Waxaa geeridan naxdinta leh lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaabta marxuumada oo ku kala nool aduunweynaha.

Dhamaan duriyadda reer Macow Xaaji Nuur ee ku kala nool Europe, waqooyiga Amerika, Sacuudi Carabia, Kenya iyo Somaaliya, waxey tacsi tiiraanyo leh halkan ugu soo gudbinayaan dhamaan caruurta ay marxuumada dhashey gaar ahaan Zeynab Ceydaruus Macow, iyo dhammaan walaalaha marxuumada iyo eheladeeda.

Waxaan marxuumada Eebel ugu baryeenaa inuu u dambi dhaafo kana waraabiyo Janatul fardowsa...Aaamiin.


KULLU NAFSIN DAA'IQATUL MOWT

Anagoo ah kala ah Familka reer Xaaji Axmed Macow ABAGASI gaar ahaan:-

Waalidkeena Maana Caddooy Yaxye Sadiiq
Tahira Axmed Macow & Maxamed Sheekh Wali iyo carruurtooda
Yaxya Axmed Macow & Caaisha Maxamed Axmed 'Kheyrun' iyo carruurtooda
Maxamed Axmed Macow & Nuurta Faqay Cilmi iyo carruurtooda
Cabbaas Axmed Macow & Muna Maxamed Cabdulqaadir iyo carruurtooda
Saciida Axmed Macow & Nuur Faqay Cilmi iyo carruurtooda
Zahra Axmed Macow & Awees Sheekh Muumin iyo carruurtooda

Waxaan dhambaal tacsi u direynaa dhamaan ehelka reer Faqay meel kastoo ay jogaan, gaar ahaan reer Xaaji Cabdulqaadir Maxamed Sadiiq, geeridii naxdinta leheed ee ku timid

ALMARXUUMA MAANA CABDULQAADIR MAXAMED SADIIQ

oo maalin ISNIIN 05.07.2010 ku geeriyootay magaalada Nairiobi ee dalka Kenya, waxaana marxuumadda Eebe ugu baryeynaa inuu janada geliyo, dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo; Aamiin! Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun!!!
 

Waxaa maalintii khamiista oo ku beegnayd O1 luulyo 2010, ku geeriyooday magaalada Venlo ee dalka Hollanda

AL Marxuum Cabdurahman Hagi Mohamuud Cali Saalah Al Camuudi,

kaasoo lagu aasay maalintii jimcaha ee 02 luulyo 2010 isla magaalada Venlo ee dalka Hollanda.

Anigoo ah Cabdulkadir Ahmed Mohamed (Sheylillah Camuudi), waxaan tacsi tiiraanyo leh Balkan ugu soo gudbinayaa gaar ahaan xaaskiisa iyo caruurtiisa wiilal iyo gabdhaba, iyo dhammaan walaalahiis (xaasakoodi iyo caruurtoodi wiilal iyo gabdhaba , gabdhaha la dhasheen (xaasaskoodi iyo caruurtoodi wiilal iyo gabdhaba), sidoo kale waxaan tacsi taa la mid ah u dirayaa dhammaan:
waayeel, dumar iyo caruur ee Reer Saalah Ahmed Shamoo oo kala jooga Dunida dacaladeed, waxaan leenahay samir iyo iimaan Allaha naga siiyo, isla markaana waxaan Marxuumka Ilaah ugu baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul Fardowsa, qabrigiisana u waasiciyo.
Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileeyhi Raajicuun.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.


Anigoo ah Abdulkadir Ahmed Mohamed (Sheylillah Camuudi), waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday:

Al Marxuum Mohamed Shekh Maye Al Camuudi

oo ku geeriyooday magaalada Munchen ee dalka Jarmalka talaadadii la soo dhaafay taariikhduna ahayd 22 juunyo 2010, waxaan leenahay samir iyo imaan Allaha naga siiyo isla markaana waxaan Marxuumka Ilaah ugu baryayaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa, qabrigiisana u waasiciyo.
Inaa Lillahi Wa Inaa Ileeyhi Raajicuun.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.

1-Inna Lillah wa Inna Ileyhi Raajicuun

-- Anigoo ku hadlaaya magaca familka Dr. Saleh Aidaroos Nasser Alamoudi waxaan tacsi tiiraanyo leh halkan ugu soo direynaa familka marxuumka gaar ahaan xaaskiisa iyo afarta  caruur uu ka tagay, walaalihiisa iyo familkooda  iyo reer Haji Ali Saleh Alamoudi oo dhan meel kasta oo ay joogaan geeridii naxdinta laheyd ee ku timid ina abtigeena
Marxuum Abdulrahman Mahamud  Ali Saleh Alamoudi
oo ku geeriyooday isbitaalka Venlo ee dalka Holland taariihkdu markay ahayd 1da Luulyo 2010.Waxaan Allah ugu baryeynaa in uu qabrigiisa Allah u waasiciyo, in Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, iyo in Sabar iyo Imaan Allah naga siiyo. 
 
2. Inna Lillah Wa Inna Ileyhi Raajicuun
 
Anigoo ku hadlaaya magaca familka Dr. Saleh Aidaroos Nasser Alamoudi waxaan tacsi tiiraanyo leh halkan ugu soo direynaa familka gaar ahaan caruurtiisa iyo waxay sii dhaleen, walaalihiisa iyo waxay sii dhaleen iyo guud ahaan Reer Haji Ali  Saleh Alamoudi oo meel kasta ay joogaan geeridii abtigeyga/Jiddowgeena
Marxuum Hajji Mohamud Ali Saleh Alamoudi
oo ku geeriyooday magaalada Tegelen ee dalka Holland, taariikhda 2 luulyo habeennimadii 2010. Waxaan Allah ugu baryeynaa in uu qabrigiisa Allah u waasiciyo, in Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, iyo in Sabar iyo Imaan Allah naga siiyo.
ILAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Ku dhawaad saacaddu markey ahayd Saqdii dhexe ee habeenkii Jimcaha oo taariikhdu ku beygneyd 2dii Juulaay 2010kii, ku geeriyooday gurigiisa ee magaalada Tegelen ee dalka HOLLANDA

Al-marxuum/Xaaji Maxamuud Cai Saalax "Al-Camuudi",

oo ku magacdheeraa Maxamuud Gaabow, kaasoo da'diisu ahayd 70yo, muddo dheer ku xanuunsanaa dalkan Hollanda.

Haddaba, marxuumka waxaa la jecel yahay in lagu aaso dalka Hollanda qabuuraha Islaamka ee magaalada Venlo ee dalka Hollanda haddii ay daruufta saamaxdo maalinta Isniinta oo ku beegan 5ta bishan Luuliyo 2010ka, sidaa darteed waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Qaraabada, eheladiisa iyo inta diyaar u ah ka soo qeyb galka aaska Marxuumka, sidaa darteed, waxaan Tacsi si Tiiraanyo leh diraya:-

- M/ne Abukar Abanuur, isla markaana ku hadlaya magacay Reer Abanuur Maxamed Cali
"AL-MAKHZUUMI", kan Xaasaskooda iyo kan dhammaan Caruurtooda,
- Maxamed Xaaji Aweys "AL-MAQZUUMI", xaaskiisa, kan dhammaan Caruurtiisa iyo dhammaan Caruurtay sii dhalleen.
- Aamina Xaaji Aweys, odaygeeda Al-Xaaji Calwaan, Caruurtiisa iyo dhammaan caruurtey sii dhalleen,
iyo dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Reer Banaadir ee ku dhaqan dalkan Hollanda guud ahaan, gaar ahaan dhammaan walaalaha Reer Shingaani waxayna dhammaan leeyihiin Caruurtii, Qaraabadii, iyo dhammaan Ehelladii uu ka geeriyooday Marxuum/MAXAMUUD GAABOW "Al-Camuudi" meel ay joogaanba Samir iyo Iimaan Allaha idinka siiyo, asagiina waxaan eebe ugu baryeynaa Jannadii Fardowsa in uu ka waraabiyo, qabrigiisana eebe u waasiciyo.....AAMIIN.

********
ILAA LILLAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN

KULU NAFSUN DAAIQATUL MOWD

Waxaa ku geeriyooday Isbitaalka magaalada VENLO ee dalka Hollanda, laguna aasay Qabuuraha Islaamka ee magaalada Venlo ee dalka Hollanda salaadii jimcaha ee taariikhdu markay ahayd 2dii Luulyo 2010kii,

Al-Marxuum/CABDURAXMAAN MAXAMUUD CALI SAALAX "Al-camuudi",

kaasoo muddo xanuunsanaa, kana tagay Xaas iyo (4) Caruur ah, haddaba, waxaan Tacsi Tiiraanyo leh diraya:-
- M/ne: Abuukar Abanuur Maxamed, isla markaana ku hadlaya magaca dhammaan Reer Abanuur Maxamed Cali "AL-MAQZUUMI", kan xaasaskooda iyo dhammaan caruurtooda,
- Abti/Maxamed Xaaji Aweys, xaaskiisa iyo dhammaan caruurtiisa iyo caruurtay sii dhalleen,
- Habaryar/Aamina Xaaji Aweys, odaygeeda Xaaji Calwaan, caruurteeda iyo dhammaan caruurtey sii dahlleen,
iyo dhammaan dadka kala ah:-
- G/Sare Shariif Sheekh Abuukar "Cabdusamad",
- M/ne Cabdurashiid Cabdul casiis Imaan Nuur "Al-faqi",
- M/ne Cabdulcasiis Xaaji Maxamed Nuur "Baafadal",
- M/ne Axemd Maclow Nuur "Baafadal"
- M/ne Cadde Baafadal
- M/ne Abuukar Islaw Cumar
- M/ne Axmed Cabdulqaadir Maxamuudow
- M/ne Maxamed Abanuur Abati "Al-maqzuumi"
iyo dhammaan Bahda Jaaliyadda Reer Shingaani ee ku sugan dalkan Hollanda, UK iyo dhammaan magaalooyinka Yurub oo dhan oo magacyadooda halkan ku soo koobi karin, waxayna Tacsida Tiiraanyada leh gaarsiinayaa dhammaan walaalihiis, xaasaskooda, caruurtey dhalleen, gaar ahaan Marxuumka Xaaskiisa, (4)ta caruur ee uu ka tagay, qaraabadiisa, ehelladiisa iyo dhammaan intii taqaanay Marxuyumka, waxaana eebe ugu baryeynaa Marxuumka in uu Jadii Ferdowsa ka waraabiyo, qabrigiisana eebe u waasiciyo, Qaraabadii, ehelladdii iyo dhammaan intii taqaanayna waxaan leenahay Samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo.....AAMIIN.

 


INAALILLAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN

KULU NAFSIN DAAIQATUL MOWD

Waxaa maalintii Talaadada oo taariikhdu ahayd 22kii Juun 2010kii, ku geeriyooday magaalada Munchen ee dalka Jarmalka Allaha u naxriistee Al-marxuum/MAXAMED SHEEKH MAYE "Al-camuudi", oo ahaa qof qeyb aanan ilaawi karin ka soo qaatay Horumarinta iyo halgankii dalka Jamhuuriyada Soomaaliya Guud ahaan, asagoo dalka ka soo qabtay xilal kala gedisan, oo aan haddii wax yar aan ka xuso, asagoo ahaa Agaasimihii Iskaashatooyinka inta uusan kacdoonka dhacay, ka horna wuxuu ka shaqeeyay Maamulkii Lacagta ee Dowlladii Hoose ee Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa nin dhinaca Dhaqaalaha ku takhasusay kana soo shaqeeyey Guddiyadii Qaranka ee Miisaaniyad dejinta dalka, isla makaana waxaa intaa u dheeraa Jaceyl gaar ah oo uu u hayey had iyo jeerba Dhimaca Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed, kaasoo ka mid ahaa Hogaamiyaasha iyo Taageerayaashii ku caan baxay Kooxdii Dowladda Hoose ee MUNASHIBIYO, laguna xasuusan karo erayadii uu isticmaali jiray markuu soo gallo Garoomadii cayaaraha ee Istaadiyo Konis iyo 21ka Oktoober (INDHALANI, CADIIMITAA) iyo kalmado kale oo runtii ciddii Marxuumka soo xasuusata gara kara.
Haddaba, waxaa marxuumka lagu aasay isla magaaladii uu ku geeriyooday ee dalka Jarmalka, waxaana Tacsi Tiiraanyo leh diraya dadka kala ah:-

- Annigoo ah M/ne Abuukar Abanuur Maxamed, kuna hadlaya magaca dhammaan Reer Abanuur Maxamed Cali "AL-MAQZUUMI", kan Xaasaskooda iyo dhammaan Caruurtooda'

- Abti/Maxamed Xaaji Aweys, xaaskiisa, caruurtiisa iyo dhammaan caruurtey dhalleen,
- Habaryar/Aamina Xaaji Aweys, odaygeeda Xaaji Calwaan, caruurtooda iyo dhammaan caruurey dhalleen.
Sidoo kale waxaa Tacsida ayagana dirayaa dhammaan Jaaliyadda Shanta Shingaani ee Dalka Dibaddiisa ku nool, gaar ahaan Dalalka HOLLANDA, UK, iyo Yurub qaarkood oo kala ah:-
- Cabdulcasiis Xaaji Maxamed Nuur "BAAFADAL"
- Cadde "BAAFADAL"
- Abukar Islaw Cumar
- Cabdulqaadir Cali Cumar "AL-CAMUUDI"
- G/Sare Shariif Sheekh Abukar "CABDUSAMAD"
- M/ne Cabdurashiid Cabdulcasiis Imaan Nuur "AL-FAQI"
- Maxamed Abanuur Abati 'AL-MAQZUUMI", xaaskiisa iyo dhammaan Reer Abanuur Abati "AL-MAQZUUMI", xaasaskoda iyo Caruurtooda meel ah joogaanba
- Cabaas Maxamed Ciise, xaaskiisa iyo dhammaan caruurtiisa,
- M/ne Axmadeey Xaaji Suleymaan, xaaskiisa iyo dhammaan caruurtiisa.
- M/ne Axmed Maclow Nuur, xaaskiisa, caruurtiisa iyo dhammaan Reer Maclow Nuur
iyo dhammaan Beeleweynaha Reer Banaadir ee ku nool Dunnida dacaladiisa, gaar ahaan dalalka Hollanda, UK, iyo Yurub oo dhan, waayna Tacsidaas gaarsiinayaan:
- Marxuumka walaalihiis, oo kala ah:-
Dr. Cumar Maye, Dr. Axmed Maye, xaasaskood, caruurtooda iyo waxay dhalleen, sidoo kale waxaan Tasi taa la mid u direynaa Caruurtiisa Al-marxuum/Maxamed Sheekh Maye oo kala ah:-
- Axmed Maxamed Sheekh Maye, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cusmaan Maxamed Sheekh Maye "CADDE", xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cali Maxamed Sheekh Maye
- Sahra Maxamed Sheekh Maye iyo Caruurteeda.
-Muna Maxaemd Sheekh Maye, odaygeeda iyo Caruurteed iyo
- Liya Maxaemd Sheekh Maye, odaygeeda iyo Caruurteed
Waxaana Marxuum eege ugu baryeynaa in uu Janaddii Fardowsa ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, Xaaskii, caruurtii, waxay sii dhalleen, qaraabadii, ehelladii iyo dhammaan intii taqaanay marxuumka waxaan leenahay Samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo........AAMIIN.


INAA LILLAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
KULU NAFSIN DAAIQATUL MOWT

Anigoo ah Abdulkadir Ahmed Mohamed (Sheylillah Camuudi), waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii u ka geeriyooday:

Al marxuum Hagi Mohamuud Cali Saalah Al Camuudi

oo ku geeriyooday magaalada Tegelen ee dalka Hollanda, habeen khamiis ah taariikhduna tahay 02 luulyo 2010.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh halkan ugu soo gudbinayaa caruurtiisa wiilal iyo gabdhaba , xaasaskoodi iyo caruurtoodi, sidoo kale waxaan tacsi taa la mid ah u dirayaa walaalahiis rag iyo dumarba xaasaskoodi iyo caruurtoodi iyo dhammaan waayeel, dumar iyo caruur ee Reer Saalah Ahmed Shamoo Al Camuudi oo kala jooga dunida dacaladeed.
Waxaan leenahay samir iyo iimaan Allaha naga siiyo isla markaana waxaan Marxuumka Ilaah ugu baryayaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa , qabrigiisana u waasiciyo.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.


INAALILLAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN

Kulu Nafsin daa'iqatul Mowt.

Waxaa maalintii Isniinta oo ku beygneyd 21ka Juun 2010ka, galabnimadii ku geeriyooday Isbitaalka Guud ee magaalada DELFT ee dalka Hollanda Allaha u naxriistee Almarxuun

Dr. SACIID AXMED "Al-Camuudi"

oo ahaa Dr. caan ku ahaa Ilkaha, kana soo shaqeeyey Isbitaaladii dalka, ka mid ahaa Shaqaalahii Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, marxuumka markii ugu dambeysay wuxuu howl wadeen ka ahaa Dowladda Hoose ee magaalada Delft ee dalka Hollanda.

Haddaba, halkan kuma soo koobi karo Marxuumka howlihii uu soo qabtay, waxaana la ogeysiinayaa Dhammaan Ehelladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan intii taqaanayba in uu Marxuumka lagu aasi doonno dalkan Hollanda, waxaana Tacsi diraya dadka kala ah:-

- M/ne: Abukar Abanur Mohamed, isla markaana ku hadlaya magaca dhammaan Reer Abanuur Maxamed Cali [AL-MAQZUUMI] iyo kan Xaaskeyga iyo Caruurteyda, sidoo kale kan:-

- Maxamed Abanuur, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cumar Abanuur, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cusmaan Abanuur, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cali Abanuur, xaaskiisa iyo Caruurtiisa.
- Xaliima Abanuur, odaygeeda iyo Caruurteeda, sidoo kale waxaa Tacsi taa la mid ah diraya:-

- Abti/Maxamed Xaaji Aweys, xaaskiisa iyo dhammaan Caruurtiisa oo ka la ah:-
-Yuusuf Maxamed Aweys, xaaskiisa iyo caruurtiisa,
- Karaama Maxamed Aweys, xaaskiisa iyo caruurtiisa
- iyo Dhammaan Gabdhahiisa, caruurtooda iyo odayaashooda, sidoo kale Tacsi taa la mid ah waxaa
diraya:-

- Habaryar/Aamina Xaaji Aweys, odaygeeda Xaaji CALWAAN iyo Dhammaan Caruurteeda oo kala ah:
- Maxamed Xaaji Calwaan, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Abuukar Xaaji Calwaan, xaaskiisa iyo Caruurtiisa
-Cabdullaahi Xaaji Calwaan, iyo waxaa kaloo u Tacsiyadeynaya marxuumka eheladdiisa:-

- Cabduraxiim Cabdurxmaan, xaaskiisa iyo Caruutiisa iyo
Dhammaan Reer Sheekh {AL-MAQZUUMI}, meel ay joogaanba Dunida dacaladeeda, gaar ahaa asxaabta Maxuum Dr. SACIID AXMED "Al-camuudi" oo ku nool magaalada Delft iyo agagaaraheed ee dalka Hollanda iyo Cariga Ingariiska, Waxaana marxuumka eebe ugu baryeynaa in Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, qabrigiisana eebe u waasiciyo, xaaskii, qaraabaddii, ehelladdii, iyo dhammaan intii taqaanay Dr. SACIID "Al-camuudi", waxaan leenahay Samir iyo Iimaan allana naga wada siiyo....AAMIIN.


INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAAJICUUN

DHAMAAN REER SUUFI SHUJAAC YAR IYO WEYNBA MEELKASTO AY KA JOOGAAN ADUUNKA WAXAY SI WADAJIR AH TACSI UGU DIRAYAAN GEERIDII NAXTINTA LAHEYD EE KU TIMID.

CABDULAAHI IMAANKEY CUMAR SHUAAC

OO KU GEERIYOODEY DALKA UK . WAXAYNA LEE YIHIIN (KULI NAFSI DAA IQATU MOOT, ALBAAQI LILAAHI) ALLE WAXAAN UGU BARYEYNEYNAA INUU JANADIISA KA WARAABIYO SAMIR IYO IOIMAAN NAGA SIIYO DHAMAANTEENA.


Anagoo kala ah:

-Cumar Macow Xaaji
-Cusmaan Macow Xaaji
-Ceydaruus Macow Xaaji
-Cali Macow Xaaji
-Salim Macow Xaaji
-Xuseen Macow Xaaji
-Maxamed Axmed Macow Xaaji
-Maxamed Mukhtaar (Beeleey)

Waxaan tacsi u direynaa walaalkeen Imaankey Cumar Sujaac  iyo dhamaan ehelada iyo asxaabta, geeridii naxdinta leeheed ee ku timid wiilkood marxuum

Cabdullahi Imaakey Cumar Sujaac

oo ku geeriyoodey magaalada Lodon dalka England.  Waxaana marxuumka Allaah ugu bayeynaa inuu ka waraabiyo Janatul fardowsa eheladii ay ka geeriyooteyna inuu ka siiyo samir iyo iimaan.  Aamiin.


INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOWTI 05/06/2010
ANIGOO KU HADLAAYO MAGACA FAMILKA REER AHMED SHOBLE MAXAMED OO KALA AH

AHMED SHOOBLE MAXAMED
AFYAR AMIIN MAXAMED
SALAH AHMED SHOBLE IYO XAASTIISA IYO CARUURTIISA
SAFIA AHMED SHOBLE
AMINA AHMED SHOBLE IYO WIILKEEDA
ISMAHAN AHMED SHOBLE IYO NINKEEDA IYO CARUURTEEDA
IBRAHIM AHMED SHOBLE
FARHIYA C/RAHMAN IYO CARUURTEEDA

IYO DHAMAAN FAMILKA REER AHMED SHOBLE MAXAMED OO DHAN WAXAA DHAMAAN TACSI WAXAAN U DIREYNAA DHAMAAN WALAALAHEEDA OO DHAN GAAR AHAAN REER MAXAMED XEYDAR OO KALE AH CUMAR MAXAMED XEYDAR IYO XAASKIISA IYO CARUURTIISA OO DHAN IYO MAXAMED MAXAMED XEYDAR( BAABA BIN ) IYO XAASKIISA IYO CARUURTIISA OO DHAN DHAMAAN WAXAY DHASHAY IYO WAXAAY SII DHALEEN OO MEELKASTO AY JOOGAAN DALKA GUDAHIISA IYO DIBADIISABA GAAR AHAAN DALKA LONDON - MAREYKANKA- SOMALIYA – ITALIYA- SWIDZERLAND- SACUDIGA-HOLANDA ALAH HA U NAXRIISTO MARXUUMADA NAXRIISTA JANO HASIIYO

MARXUUMAD = MISKI MAXAMED XEYDAR ( AY MANA)

OO AY KU GEERIYOOTAY DALKA MOGDISHO SOMALIA TAARIIKHDU MARKEY AHEEYD 05 / 06 / 2010 EE MAGREB SABDI 5:30 P.M. WAXAAN ILAAH KA BARYEEYNAA INAA U DAMBI DHAAFO JANATUL FARDOWSANA KA WARAABIYO

AAMIIN AAMIIN AAMIIN YAA RABI BACDIGEEDA ILAAHEY MANA FINEEYO


INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI

ANIGOO KU HADLAAYO MAGACA REER AMIIN MAXAMED XEYDAR OO DHAN
GAAR AHAAN
1- HOOYO CAMBAR AXMED CUMAR
2- AFYAR AMIN MAXAMED IYO CARUURTEDA OO DHAN
3- MAXAMED AMIN IYO XAASKIISA NUUTO IMAAN IYO CARUURTOODI
4- CADO AMIN MAXAMED IYO NINKEEDA IMAAN IYO CARUURTEEDA
5- CABDULQAADIR AMIN ( ASHRAF )
6- ZAHRA MAXAMED XAAJI
7- ISMAHAAN CABDULQAADIR IYO CARUUTEEDA
8- SAKINA CABDULQAADIR
9- NAJMA CABDULQAADIR IYO NINKEEDA CABDURAXMAAN CUMAR
10- SAKINA AMIN IYO NINKEEDA CUSMAAN CUMAR IYO CARUURTOODA
11- XEYDAR AMIN MAXAMED IYO XAASTIISA AMINA
12- ABUUKAR AMIN IYO XAASTIISA SACIIDA CUMAR IYO CARUURTOODA
WAXAA MAANTA OO TAARIIKHDU TAHAY 05/06/2010
SAACADUNA AHEYD 17,00 AMA 11 SAAC OO GALABNIMO KUNA GEERIYOOTAY
DEGMADA XAMAR WEYNE
AL WAALID

MARXUUMAD XAAJIYA MAANA MAXAMED XEYDAR ( AAY MAANA )


OO DA'DEEDU YAHAY 83 JIR
GEERIDAASINE WAXAA LA OGESIINAYAA DHAMAAN INTA KU NOOL ADUUNKA
DACALADIISA SIDA SOMALIYA - SACUDIGA -YAMAN -TALIYANIGA -SWIZERLAND -
MAREYKANKA- TANZANIYA-LONDON-
WAXAAN TACSI OO TIIRAANYO LEH U DIREYNAA DHAMAAN CARUURTEEDA IYO
WALAALAHEEDA OO DHAN OO KALA AH
1- AMAAY XAAKUN
2- KHADIIJA XAAKUN IYO CARUURTEEDA
3- SACIIDA XAAKUN IYO CARUURTEEDA
4- AXMED SHOOBLE XAASKIISA CARUURTIISA
5- CUMAR MAXAMED XEYDAR
6- MAXAMED BIN MAXAMED XEYDAR

WAXAAN ILAAHEEY KA BARYEEYNAA INUU U DAMBI DAAFO
JANATUL FARDOOWA KA WARAABIYO BACDIGEEDA ILAAHEEY NAMA FIDNEEYO
AAMIIN AAMIN AAMIIN YAA RABI


Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun


Anagoo kala ah qooska Reer Xaaji Muxidiin:

-Abuukar Xaaji Muxidiin.

-Maclow Xaaji Muxidiin.

-Zalla Xaaji Muxidiin.

-Cuuda Xaaji Muxidiin.

-Luul Xaaji Muxidiin.

-Asli Xaaji Muxidiin.

Dhamaan Reer Xaaji Muxidiin waxey tacsiyo oo tiiraanyo leh u dirayaan geeridii naxtinka lahaa ee ku timid shumacii banaadiriga mu`alifka iyo mulaxanka

CALI CUSMAAN DAROOG

allah unaxriisto. Aamiin aamiin.

qoskii iyo caruurtii ka geeriyooday abwaanka weyn oo caanka ahaa sabar ii imaan allah ka siyo...

Aamiin aamiin yaa allah.

 


INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

KULU NAFSIN DAA IQATUL MOWTI


ANIGOO KU HADLAAYO MAGACA REER AMIN MAXAMED XEYDAR
GAAR AHAAN FAMILKA REER ASHRAF AMIN OO KALA AH

1- CABDULQAADIR AMIN MAXAMED ( ASHRAF )
2- ZAHRA MAXAMED XAAJI
3- NAJMA CABDULQAADIR AMIN IYO NINKEEDA CABDU
4- ISMAHAAN CABDULQAADIR AMIN IYO CARUURTEEDA
5- SAKINA CABDULQAADIR AMIN

WAXAAN TACSI OO TIIRAANYO LEH U DIREYNAA DHAMAAN
QARAABADII IYO EHELADII IYO FANAANIINTA BANAADIRIGA UU KA GEERIYOODAY
ABWAANKA WEEYN EE BANAADIRIGA

MARXUUM - CALI CUSMAAN DAROOG

OO KU GEERIYOODAY MAGAALADA MUQDISHO
EE DEGMADA XAMAR WEYNE MAALINTA KHAMIISTA BISHUNA AHEEYD
06/05/2010 ILAAHEYNA WAXAAN KA BARYEYNAA INUU UDAMBI DHAAFO
JANATUL FADOWSA KA WARAABIYO AAMIN -AAMIN - AAMIN YAARABI



 

 إنا لله وإنا له راحعون

 
أنا شريف علي شريف محمد ( لباح )ألى كل الأهل الموجودين في أوروبا ، أمريكا، كينيا، الصومال وكل مكان  بوفاة والدي المدعو شريف محمد شريف إيكر زين ( شريف كرميلو) المغفور بإذن الله بأن يتغمده برحمته ويدخله جناته النعيم جنة الفردوس

Walaalayaal salaamo caleykum warahmatulaahi wa barakaatahu.

Malinta axada OO TAARIIKHA AHAAY  02/05/2010 waxa ku geeriyooday dalka Yemen (MUKALLA) Marxuun SHARIIF MOHAMMED SHARIIF IIKAR ZEEN ( SHARIIF KARAMELLO), ILLAAHAY WAXAAN UGA BARYAYA  KA WARAABIYA JANADI FIRDOOSA (AAMIIN) , DHAMMAAN EHELKANA KA SIIYO SAMIR IYO IMAAN . DHAMMAAN EHELKA OO KALA JOOGAAN YURUB,AMERIKA ,YEMAN.SOMAALIYA IYO MEEL KASTA OO AY JOOGAAN INEY SIDAAS U OGAADAAN. 
 
Innaa Lillah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Anigoo ku hadlaaya magaceyga dr. Saleh Aidarous Saleh Alamoudi iyo famikeyga waxaan tacsi u direynaa gaar ahaan mr. Abdulqadir Addani iyo caruurtiisa iyo marxuumadda familkeyda oo dhan oo meel kasta ay joogaan, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid:

Marxuumadda Dott.ssa Mariam Haji Aweys (endocrinologist)

oo ku geeriyootay Dalka Australia maalinta arbacada 7-04-2010.

Waxaan Illah ugu baryeynaa in uu qabrigeeda u ballaariyo, Jannadiisa Alfirdowsa ka waraabiyo iyo dhamaanteenna Sabar iyo Imaan Allah naga siiyo.
 
INNAA LILAAHI WAN INAA ILEYHI RAJICUUN

Dr. Maryan, Alle ha u naxriistee, waxay waxbarashadeeda Hoose/Sare ku dhamaysatay magaalada Muqdisho, ka dibna waxay waxbarasho dibadeed u aadday dalka Itaaliya sanadkii 1963. Dr Maryam, markii waxbarashadeeda Jaamacadda ku soo guulaysatay, waxay dalka dib ugu soo laabatay sanadkii 1972, xilligaas oo ay ka soo qallin jebisay Kulliyadda Daawada iyo Qlliinka Rooma ee dalka Itaaliya, waxayna ka mid noqotay Gabdhihii Dhaqaatiirta ahaa ee ugu horreeyay oo ka howlgala isbitaalada Xamar.

Dr. Maryam, waxay mihnaddeeda Dhaqtarnimo ka bilowday Isbitaalka Guud ee DIGFAR, sannadkii 1976diina Dr. Maryam, waxay dib ugu laabatay magaalada Rooma, ka dib markii ay deeq waxbarasho oo takhasus saddex sano ah ay ka heshay dalkaas Itaaliya. Dr Mariam, Alle ha u naxriistee, waxay takhasus ku samaysay cudurada loo yaqaan ENDOCRINOLOGY IYO MOTABOLIC.

Sanadkii 1979 Dr.Maryam markii ay dib ugu soo labatay Dalkeeda Soomaaliya, waxaa loo dalacsiiyay jagada Madaxa Qaybta Daaweynta Gudaha ee Isbitaalka DIGFAR. Sanadkii 1980kiina iyadoo sii wadata mihnaddeeda Dhaqtarnimo ee Isbitaalka DIGFAR, waxaa loo doortay in Kulliyadda Daawada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ay ka noqoto Macallin Sare (professor), iyadoo ardayda Kulliyadda baraysay maaddada loo yaqaan ENDOCTRINOLOGY IYO METABOLIC oo takhasus gaar ah u lahayd.

Alle ha naxriistee Dr.Maryam, oo ku geeriyootay Magaalada BRISBANE ee Dalka Australia , taariikhdu markay ku beegnayd 07/04/2010, waxay ifka uga tagtay hal gabar iyo Saygeeda (NINKEEDA).

Waxaa halkan TACSI tiiraanyo ah ugu gudbinaynaa Saygeeda Cabdulqaadir Abuukar Maxamed ( Caddaan), Gabadheeda Ayaan iyo Guud ahaan Ehelkeeda reer Xaaji Aweys Nuur iyo Qaraabadeeda.


Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay.
Malaaq Buuwe Muudde Cali
Dr Cismaan Aweys Nuur
Amb. Maxamed Cismaan Cumar.
Amb Cabdulqaadir Cali Axmed ( Jibriil)
Dr.Xasan Maye
Dr.Khaalid Macow Cabdulqaadir
Dr.Faaduma Xaaji Maxamed
Dr Maryam Aweys Xuseen
Dr.Shariif Cali Zeen
Dr.Shariif Cabdulqaadir Cumar abow
Dr.Shariif Maxamed Cumar Abow
Osmaan Amiin Axmed
Enj.Shariif Axmed
Maxamed Jaylaani Sh. Bin Sheekh

Dr.Maxamed Abuukar Xaaji
Dr.Maxamed Abuukar Shiikhey
Enj.Towfiiq Aweys Xuseen
Dr Cabdi Xaaji Maxamed
Dr.Caasha Xaaji Maxamed
Sayid Cali Shariif (Yaa Cali)
Enj.Cabdulaiz X Maxamed
Karaama Sayiddii X Aweys
Faaduma Qaasim Hilowle
Xuseen Xaaji Muxyiddiin ( Zala)
Aweys Xaaji Muriiddi
Enj.Aweys Cadde Maxamed.

 Allaha u naxariistee marxuumka. Aamiin ... Aamiin .... Aamiin


INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOWTI 22/03/2010
ANIGOO KU HADLAAYO MAGACA FAMILKA REER AHMED SHOBLE MAXAMED OO KALA AH

1- AHMED SHOOBLE MAXAMED
2- AFYAR AMIIN MAXAMED
3- SALAH AHMED SHOBLE IYO XAASTIISA IYO CARUURTIISA
4- SAFIA AHMED SHOBLE
5- AMINA AHMED SHOBLE IYO WIILKEEDA
6- ISMAHAN AHMED SHOBLE IYO NINKEEDA IYO CARUURTEEDA
7- FARHIYA C/RAHMAN IYO CARUURTEEDA

IYO DHAMAAN FAMILKA REER AHMED SHOBLE MAXAMED OO DHAN WAXAA DHAMAAN TACSI WAXAAN U DIREYNAA DHAMAAN WALAALAHEEDA OO DHAN GAAR AHAAN REER MAXAMED XEYDAR OO KALE AH MAANA MAXAMED XEYDAR IYO CUMAR MAXAMED XEYDAR IYO XAASKIISA IYO CARUURTIISA OO DHAN IYO MAXAMED MAXAMED XEYDAR( BAABA BIN ) IYO XAASKIISA IYO CARUURTIISA OO DHAN DHAMAAN WAXAY DHASHAY IYO WAXAAY SII DHALEEN OO MEELKASTO AY JOOGAAN DALKA GUDAHIISA IYO DIBADIISABA GAAR AHAAN DALKA LONDON - MAREYKANKA- SOMALIYA – ITALIYA- SWIDZERLAND- SACUDIGA-HOLANDA ALAH HA U NAXRIISTO MARXUUMADA NAXRIISTA JANO HASIIYO

MARXUUMAD = XAAJIYAYA MAXAMED XEYDAR ( AY XAAJIYAYA)

OO AY KU GEERIYOOTAY XALAY DALKA MOGDISHO SOMALIA TAARIIKHDU MARKEY AHEEYD 21 / 03 / 2010 EE SUBAX AXAD 21:30 A.M. WAXAAN ILAAH KA BARYEEYNAA INAA U DAMBI DHAAFO JANATUL FARDOWSANA KA WARAABIYO

AAMIIN AAMIIN AAMIIN YAA RABI BACDIGEEDA ILAAHEY MANA FINEEYO


KULLU NAFSIN DAA'IQATUL MOWT

Anagoo ah kala ah Familka reer Xaaji Axmed Macow ABAGASI gaar ahaan:-

Waalidkeena Maana Caddooy Yaxye Sadiiq 'UMAA DAYAX'
Tahira Axmed Macow & Maxamed Sheekh Wali iyo carruurtooda
Yaxya Axmed Macow & Caaisha Maxamed Axmed 'Kheyrun' iyo carruurtooda
Maxamed Axmed Macow & Nuurta Faqay Cilmi iyo carruurtooda
Cabbaas Axmed Macow & Muna Maxamed Cabdulqaadir iyo carruurtooda
Saciida Axmed Macow & Nuur Faqay Cilmi iyo carruurtooda
Zahra Axmed Macow & Awees Sheekh Muumin iyo carruurtooda

Waxaan dhambaal tacsi u direynaa dhamaan ehelka reer Faqay meel kastoo ay jogaan, gaar ahaan reer Xaaji Abuukar Cali Macow Shiikh, geeridii naxdinta leheed ee ku timid

ALMARXUUM XAMZA XAAji ABUUKAR CALI

oo maalin ARBACO 17.03.2010 ku geeriyooday magaalada La Chaux-de-Fonds ee dalka Switzerland, waxaana marxuumka Eebe ugu baryeynaa inuu janada geliyo, dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo; Aamiin! Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun!!!

INNAA LILAAHI WAN INAA ILEYHI RAJICUUN

Allaha u naxariisto marxuum Saeed Ali Omar Alamoudi oo ku geeriyooday Tilburg , Netherlands ( Holland ). Allaha u naxariistee marxuumka. Aamiin ... Aamiin .... Aamiin

Anigoo ah Sheylila Alcamuudi waxaan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraawadii uu ka geeriyoodey Marxuum Saceeil Cali Cumar Al-camuudi waxaana Ilaah ugu baryaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa ..Aamiin.

 


 

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAIHI LA RAAJICUUN"

Tariikhda Col. Maxamed Aadan Cabdulle "har-yare" Waxuu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ilaa iyo 1960kii, waxaan ka xasusutaa inuu muddo dheer madax ka ahaa Hoggankii Gadiidka ee Xarunta Taliska Guud ee XDS, waxaa xigay inuu 1987 Pakistan ka noqday U Qaybsmaha Arrimaha Ciidammada "Military Attache'" safaaradii Somaaliya isagoo tan iyo wakhtigaa halkaa ku sugnaa.

"INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAIHI LA RAAJICUUN"

Sarakiisha magacoodu hoos ku qoran yahiin & Guud ahaan Taliskii Guud ee Ciidankii Xoogga Dalka Somaaliyeed, ayagoo ka tiranyeeysan geerida ku timid G|Sare Maxamed Aadan Cabdulle "har-yare" oo dhawaan ku geeriyooday dalkaa Pakistan, waxeey tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii, asxabtii gaar ahaan dhamaan sarakiishii hore ee ciidamad xoogga dalka, uu ka baxay iyo guud ahaan Ummadda Somaaliyeed.

Maxamed Aadan Cabdulle jannadii fardoowsa Ilaahey ha ka waraabiyo, dhammaantayana samir imaan Ilaahay ha naga wada siiyo. Amiin

1- S. Guud Maxamed Cali Samantar

2- S. Gaas Yuusuf Axmed Salxaan

3- S. Gaas Axmed Sahal Cali

4- S. Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi “Bagadi”

5- S. Guuto Cabdulaahi Cali Cumar

6- S. Guuto Cabdiraxmaan Warsame Cilmi “Caare”

7- S. Guuto Maxamed Cali Abokor

8- S. Guuto Cali Ismaciil Maxamed

9- S. Guuto Muusse Xasan Sheikh

10 S. Guuto Maxamed Saalax Xaaji Axmed

11- S. Guuto Maxamed Aadan Axmed

12- S. Guuto Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis

13- S. Guuto Cismaan Sheikh Cali “Gaabo”

14- S. Guuto Maxamed Cusmaan Nuur Qaadi

15- S. Guuto Cabdinasser Xaaji Xaashi

16- S. Guuto Maxamed Xuseen Dauud

17- S. Guuto Cabdulaahi Axmed Yuusuf “Cirro”

18- S. Guuto Maxamed Jaamac Galaydh “Boodhe”

19- G\Sare Abshir Cusmaan Xuseen

20- G\Sare Cabdicasiis Xasan Cali “Uomo”

21- G\Sare Maxamuud Maxamed Libaan “Aftooje”

22- G\Sare Cabdiraxman Sheikh Ciise Maxamed

23- G\Sare Cumar Cabdulaahi Handi “Soorag”

24- G\Sare Axmed Maxamed Maxamuud “Carab”

25- G\Sare Xaashi Muuse Maxamed

26- G\Sare Maxamed Aadan Biixi

27- G\Sare Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarsho”

28- G\Sare Axmed Maxamed Sheikh Xuseen “Qalcad”

29- G\Sare Muunye Maxamed Cali “Calawi”

30- G\Sare Duuliye Maxamed Barkhadle “Garane”

31- G\Sare Cabdulaahi Axmed Warfaa

32- G\Sare Axmed Sheikh Saalax Maxamed

33- G\Sare Cabdirisaaq Isaaq Biixi

34- G\Sare Cabdulaahi Warsame Takar

35- G\Sare Cabdulqaadir Cabdi Maxamed “Sancho”

36- G\Sare Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen

37- G\Sare Dr. Cali Nuur Axmed

38- G\Sare Maxamed Faarax Caliyoow

39- G\Sare Axmed Sheikh Maxamed

40- G\Sare Maxamed Faarax Wacays

41- G\Sare Maxamed Xasan Xuseen “Dhool”

42- G\Sare Cabdulqadir Warsame Galbeeti

43- G\Sare Ibraahim Iikar

44- G\Sare Maxamud Maxamed Caseer

45- G\Sare Muuse Maxamed Abtiyo

46- G\Sare Bashiir Guuleed Maxamed

47- G\Sare Maxamed Xuseen Xayle

48- G\Sare Abuukar Xuut

49- G\Sare Khaliif Abukar Xasan

Halkaan Riix si aad tacsidaad ugu reebto buugga tacsida.


INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaa magaalada Marka ku geeriyootey marxuumad

Xaliima Xaaji Cabdiraxman Cali Ciise

Waxaa geeridan lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaaba marxuumada ee ku kala nool qaaradaha aduunka.  Marxuumada waxaa dhaley suldaanka biyomaal oo caanka ahaa Xaaji Cabdiraxmaan Cali Ciise oo qeyb weyn ka qaatey dhaqdhaqaaqii xurnimadoonka dalka Somaliaya.  Waxaa marxuumada Allah ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa eheladii ay ka geeriyooteyna uu ka siiyo samir iyo iimaan.  Aaamiin.


Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi raajucuun

Anagoo kala ah:

-Nuur Faqi Cusmaan
-Ismaaciil Maxamed Cusmaan
-Maxamed Xasan Faqi
-Abukar Adeerow
-Maxamed Sheekh Cabdiwahaab Geelle
-Safia Cumar Yarow
-Faduma Jeylani
-Sahra Xasan Xaaji Ibraahim
-Kiin Cali Muumin

Waxaan tacsi u direynaa dhamaan eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyootey marxuumad

Xaliima Xaaji Cabdiraxman Cali Ciise

Waxaana marxuumada Allaah ugu bayeynaa inuu ka waraabiyo Janatul fardowsa eheladii ay ka geeriyooteyna inuu ka siiyo samir iyo iimaan.  Aamiin.


Anagoo kala ah:

-Cumar Macow Xaaji
-Cusmaan Macow Xaaji
-Cusmaan Macow Xaaji
-Ceydaruus Macow Xaaji
-Cali Macow Xaaji
-Salim Macow Xaaji
-Xuseen Macow Xaaji
-Maxamed Axmed Macow Xaaji

Waxaan tacsi u direynaa dhamaan eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyootey marxuumad

Xaliima Xaaji Cabdiraxman Cali Ciise

Waxaana marxuumada Allaah ugu bayeynaa inuu ka waraabiyo Janatul fardowsa eheladii ay ka geeriyooteyna inuu ka siiyo samir iyo iimaan.  Aamiin.

 

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Anigoo ah Cabdulghani Beynax Barre iyo Xaaskeyga Kaaha Catoosh, kuna hadlaayo magaca dhamman qoyska reer Beynax Barre waxaan halkaan uga tacsiyeynaynaa walaalaheen Sayid Cali Maxamed Cabdi iyo Maxamed Beynax Barre ugana tacsiyeeynaynaa geeridii ku timid Hooyadeen:

XABIIBA MAXAMED SIDDIIQ

oo caawa oo bisha December ay tahay 28, sannadka 2009 ku geeriyootey Magaalada Marka ee Soomaaliya. Waxaan Eebbe uga baryeynaa Hooyadeen inuu ka waraabiyo naxariistii Janno, annaga iyo ehelkeenna oo dhanna uu naga siiyo sabar iyo iimaan.


Inaalillaahi wa inaa ilaaheey raajacuun

waxaa halkan tacsi lama filaan ka diraaya Maxamed Beynah Barre oo hooyadiis Xabiiba Maxamed Sadiiq ku geeriyootay magaalada Marka xaley markey saacadu ahayd 9:30 fijirnimo bishuna ahayd 28 disember 2009 waxaa tacsida la ogeysiinaayaa reer Beynah Barre oo idil meel kasta ay joogaan iyo qaraabada iyo asxaabta oo idil marxuumadana jannadii allh ka waraabiyo aamiin.


INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Anagoo kala ah:

-Cumar Macow Xaaji
-Cusman Macow Xaaji
-Ceydaruus Macow Xaaji
-Cali Macow Xaaji
-Salim Macow Xaaji
-Xuseen Macow Xaaji
-Maxamed Axmed Macow Xaaji

Waxaan tacsi u direynaa caruurtii ay ka geeriyootey:

Marxuumad Xabiibo Maxamed Sadiiq

gaar ahaan Maxamed Beynax Barre iyo dhamaan reer beynax barre waxaana Ilaah ugu baryeenaa inuu marxuumada u dambi dhaafo, qabrigeeda u balaariyo iyo inuu ka waraabiyo Janatul fardowsa.  Aaamiin


INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Dhammaan bahweynta reer Haaji IMAN meel kastaba ha joogaan waxaan halkaan ugu tacsiyeeynaynaa waalidiintii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee marxuum CABDALLA  XAAJI  IMAAN   oo ku geeriyooday magaalada Somaliya    ee  Marka    waxaana Illaah ugu baryeeynaa marxuumkaas

naxariistii Janno inuu illaah korkiisa ka yeelo(aamiin- aamiin)

 Anigo kala  ah   Osman  Xaaji Imaan iyo  Maxamud  Saaji Imaan  iyo  Maxamed  Osman Imaan


 

 

Innaa Lillahi Wa Innaa illayhi Raajicuun

Waxaa habeenkii xaley oo ay bishu aheyd December 9, 2009 magaalada Minneapolis, ee Wadanka Mareekanka ku geeriyooday Allaha u naxariisto marxuum:

Colonel Mohamed Farah Yusuf

Geeridan waxaa lala socodsiinayaa dhamaan ehelada, asxaabta marxuumka ee ku kala nool dacalada aduunka.  Waxaa marxuumka Eebe ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa, eheladii uu ka geeriyoodeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.  Aamiin


ANIGOO KU HADLAAYO MAGACA REER ABUKAR DONATI:

WAXAAN TACSI U DIREYNAA DHAMAAN EHELADII UU KA GEERIYOODEY

MARXUUM SHARIIF ABUKAR IMAN NUR

OO KU GEERIYOODEY MAGAALADA LONDON WADANKA INGRIISKA, TAARIIKHDA MARKEY AHEYD DEC/07/2009 WAXAAN ILAAH UGU BARYEYNAA INUU JANADII KA WARAABIYO DHAMAAN DADKII UU KATAGAY IYO EHELADIISABA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO AAMIIN AAMIIN AAMIIN.


Innaa Lillahi Wa Innaa illayhi Raajicuun

Waxaa maalin Sabti 5ta Desember 2009, Magaalada Mogadisho, ee Wadanka Somaliya ku geeriyooday Allaha u naxariisto

Waalidkeena Marxuum Macow Maxamed Cali (AL BAAJUURI)

GEERIDAAN WAXAAN OLA SOCODSIINAYAA EHELADDII IYO QARAABADDII UU KA GEERIYOODAY INUU ILLAAHEEY QALBIGOODA U QABOOJIYO
SAMAR IYO IIMAAN ILLAAHEEY HAKA SIIYO GAAR AHAAN WAALIDKEENA ABUBAKAR XAAJI MACOW OO KU NOOL WADANKA SACUUDIYA GAAR AHAAN
MAGAALADDA JIDDAH IYO WAALIDKEENA QAALIDA EH XAAJIYA FAYLE XAAJI AXMED ((((( MAAMA FATXIYA ))))))))
WAALIDKEENA WUXUU KU GEEROYOODAY DALKA SOOMAALIYA GAAR AHAAN XAAFADDA XAMAR JAB JAB EE GURIGA MUXIYADDIIN XAAJI AXMED ((BAABA SHIIQA)))
MARXUUMKA WIXII DA'DIISA LAGU QAYAASAY 75 SANO,ILLAAHEEY QABRIGIISA WAASAC HA OOGA DHIGO BACDIGIISA ILLAAHEEY QAATIMO SUUBAN HANOO KASO.
ANAGOO AH
1 - CAMBAR AXMED CUMAR IYO CARUURTEEYDA OO KALA AH
2 - CAFIYA AMIN MAXAMED IYO CARUURTEEDA
3 - MAXAMED AMIN MAXAMED IYO XAASKIISA IYO CARUURTIISA
4 - CADO AMIN MAXAMED NINKEEDA IYO CARUURTEEDA
5 - ASHRAF AMIN MAXAMED IYO XAASKIISA IYO CARUURTIISA OO KALA AH
6 - NAJMA ASHRAF IYO NINKEEDA
7 - ASMAHAAN ASHRAF IYO GAWADHEEDA FATMA SACUD
8 - SAKINA ASHRAF
9 - CAASHA MAYE XAAJI IYO CARUURTEEDA OO DHAN
10 - XEYDAR AMIN ( BIN CALI ) IYO XAASKIISA
11 - SAKINA AMIN IYO NINKEEDA IYO CARUURTEEDA
12 - ABUKAR AMIN (SHEEKH AWIIKAR ) IYO XAASKIISA IYO CARUURTIISA

INUU ILAAHEEY KA WARAABIYO JANATUL FARDOWSA

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

KULUN NAFSIN DAAIQATUL MOWT

Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi raajucuun

Anagoo ah asxaabtii iyo saaxibadii horay ula soo shaqeeyen jiray Allaha u naxariisto Marxuun Xaaji Ciise Shire Ugaas oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Abu Dhabi (UAE) halkaas oo uu ka ahaa Xoghaye Koowaad Safaaradda Abu Dhabi.

Waxaan uga tacsiyadeyneynaa qaraabada iyo ehelda Marxuumkaas meel kasta oo ay joogaan.

Marxuun Ciise Shire Ugaas wuxuu ahaa hawlwadeenadii lagu asaasay Wasaaradda Arrimaha Dibedda  laf-dhabarkana u ahaa, muddo badan ka soo shaqeeyey, qibrad weyna u lahaa arrimaha Wasaaradda.

Waxaana Eebe uga baryeynaa in Marxuumkaas ka waraabiyo Jannadii Fardowza una dembi dhaafo; dhamaanteena waxaan la wadaageynaa murigada geeridaas, Allaha naga wada siiyo samir iyo iimaan.

1) Danjire Maxamed Axmed Caalim                 2) Danjire Maxamed Cusman Cumar

3) Danjire Maxamed Shariif                             4) Danjire Axmed Sheikh Maxamed

5) Caasha Xaaji Xaashi                                   6) Faduma Cusman Taabit

7) Mukhtar Sheikh Cabdiraxman                      8) Xassan Mohamed Axmed “Turki”

9) Aaden Mohamed Jamac                             10)  Mohamed Ibrahim Abdulle

11) Hussein Mohamud Ahmed                        12) Maryam Salxaan

13) Mohamed Ali Hussein (Daqare)                 14) Hussein Haji Muxiddin (Salla)

15) Asha Xalane                                            16) Sureer Abshir Muuse

17) Abdullahi Jamac Gorod                             18) Abdullahi Mohamed Hassan (Dante)


KULLU NAFSIN DAA'IQATUL MOWT

Anagoo ah kala ah Familka reer Xaaji Axmed Macow ABAGASI gaar ahaan:-

Waalidkeena Maana Caddooy Yaxye Sadiiq 'UMAA DAYAX'
Tahira Axmed Macow & Maxamed Sheekh Wali iyo carruurtooda
Yaxya Axmed Macow & Caaisha Maxamed Axmed 'Kheyrun' iyo carruurtooda
Maxamed Axmed Macow & Nuurta Faqay Cilmi iyo carruurtooda
Cabbaas Axmed Macow & Muna Maxamed Cabdulqaadir yo carruurtooda
Saciida Axmed Macow & Nuur Faqay Cilmi iyo carruurtooda
Zahra Axmed Macow & Awees Sheekh Muumin iyo carruurtooda

Waxaan dhambaal tacsi u direynaa dhamaan ehelka reer Faqay meel kastoo ay jogaan, gaar ahaan waalidkeena Xaajiya Fayle Xaaji Axmed 'Maama Fatxiya' iyo Abuubakar Macow Maxamed & familkiis, geeridii naxdinta leheed ee ku timid

ALWAALID ALMARXUUM MAcow MAXAMED CALI (ALBAAJUURI)

oo maalin SABTI 05.12.2009 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana marxuumka Eebe ugu baryeynaa inuu janada geliyo, dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo; Aamiin! Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun!!!

 

 

كل نفس ذائقة الموت
يوم السبت ، جدي العظيم معاوية محمد علي   انتقلت لرحمة الله تعالي

بعد صراع طويل مع المرض                             
ادعووا لها بالرحمه والمغفره بالغيب
جزاكم الله خير
وانا لله وانا اليه راجعون 

 

 صادق عبد الرحيم    وزوجتي أمينة عمر 

          


Innaa Lillahi Wa Innaa illayhi Raajicuun

Waxaa maalin Sabti 5ta Desember 2009, Magaalada Mogadisho, ee Wadanka Somaliya ku geeriyooday Allaha u naxariisto

Waalidkeena Marxuum Macow Maxamed Cali (AL BAAJUURI)

GEERIDAAN WAXAAN OLA SOCODSIINAYAA EHELADDII IYO QARAABADDII UU KA GEERIYOODAY INUU ILLAAHEEY QALBIGOODA U QABOOJIYO
SAMAR IYO IIMAAN ILLAAHEEY HAKA SIIYO GAAR AHAAN WAALIDKEENA ABUBAKAR XAAJI MACOW OO KU NOOL WADANKA SACUUDIYA GAAR AHAAN
MAGAALADDA JIDDAH IYO WAALIDKEENA QAALIDA EH XAAJIYA FAYLE XAAJI AXMED ((((( MAAMA FATXIYA ))))))))
WAALIDKEENA WUXUU KU GEEROYOODAY DALKA SOOMAALIYA GAAR AHAAN XAAFADDA XAMAR JAB JAB EE GURIGA MUXIYADDIIN XAAJI AXMED ((BAABA SHIIQA)))
MARXUUMKA WIXII DA'DIISA LAGU QAYAASAY 75 SANO,ILLAAHEEY QABRIGIISA WAASAC HA OOGA DHIGO BACDIGIISA ILLAAHEEY QAATIMO SUUBAN HANOO KASO.

ANAGOO KALA AH FAMILKA REER MACOW MUXIDDIIN AXMED DHAMMAAN
CABDIRAXIIM SADIIQ AWEES IYO AAMINA CUMAR
AXMED SADIIQ AWEES
NAJIIB SADIIQ AWEES
XARAMEYNI SADIIQ IYO NABIILA
JAMAALA SADIIQ IYO CABDALA MAXAMED
**************************************************
SAADAQ AXMED MACOW IYO FAMILKIISA
JAMIILA AXMED MACOW IYO FAMILKEEDA
WARDA AXMED MACOW IYO FAMILKEEDA
MARLABAAD WAXAAN LEE YAHAY KULUN NAFSIN DAAIQATUL MOWT

 
Anagoo ah dhamman qoyska reer Geedeeye meel kasta oo ay joogaan, waxaanu tacsi u diraynaa qoyska reer Saleban Cabdaale iyo reer Cabdillahi Cabsiiye anaga oo uga tacsiyadaynana geeridii ku timid Marxuumad:

Hooyo Asha Cabdillahi Cabsiiye

oo todobaadkan ku geeryootay magaalada Hargeysa.

Waxaan marxuumadda ilaahay uga baryaynaa in uu jannadii FARDUSA ka waraabiye qoyskii iyo eheladii ay ka tagtayna samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMIIN...AAMIIN…AAMIIN

Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Waxaa maalintii Khamiista 19ka November 2009, magaalada  Mombasa, ee wadanka Kenya ku geeriyoodey:


Marxuum Asli Cabdulqadir Iikar


Geeridan waxaa lala socodsiinayaa dhamaan eheladii ay ka geeriyootey marxuumada oo ku kala nool dunida dacaladiisa.  Waxaan marxuumad Asli Cabdulqadir Iikar Eebe ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa, una dambi dhaafo, qabrigeena waasac ugu dhigo.  Aamiin.  Aamiin.  Aamiin.

Anagoo kala ah:

-Cumar Macow Xaaji
-Cusman Macow Xaaji
-Ceydaruus Macow Xaaji
-Cali Macow Xaaji
-Salim Macow Xaaji
-Xuseen Macow Xaaji
-Maxamed Axmed Macow Xaaji

Waxaan tacsi u direynaa caruurtii ay ka geeriyootey :

Marxuumad Asli Cabdulqadir Iikar

gaar ahaan Cabdiraxmaan Jeylaani, marxuumada oo ku geeriyootey magaalada Mombasa, Kenya waxaana Ilaah ugu baryeenaa inuu u dambi dhaafo, qabrigeeda u balaariyo iyo inuu ka waraabiyo Janatul fardowsa.


Anigoo ah Cali Macow Xaaji gudoomiyaha shirkada Mao International oo fadhigeeda yahay magaalada Guanzhou ee dalka shiinaha kuna hadlaaya magaca shaqaalah shirkada waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa walaalkeen Cabdiraxman Jeylaani oo hooyadiisa marxuumada Asli Cabdulqadir Iikar oo ku geeriyootey magaalada Mombasa, Kenya.  Waxaan marxuumada Ilaah ugu baryeenaa inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo, eheladii ay ka geeriyooteyna samir iyo iimaan ka siiyo.  Aamiin


 

Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Waxaa maalintii sabtida 14ka November 2009, magaalada  London ku geeriyoodey:


Marxuum Xaaji  Cusman  Maxamed Nuur


Geeridan waxaa lala socodsiinayaa dhamaan reer xaaji  maxamed nuur   ehelada iyo asxaabta oo ay ka geeriyoodey marxuum  ee ku kala nool somaliya yeman swiss london dacalada aduunka.  Waxaan marxuum xaaji osman  maxamed  nuur Eebe ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa, una dambi dhaafo, qabrigeena waasac ugu dhigo.  Aamiin.  Aamiin.  Aamiin.

Anagoo kala ah: osman xaaji iman  iyo  maxamud xaaji iman iyo amiina osman   muqtar   ku magac dheer  amiina jaban  iyo  asli osman muqtar
 

Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Waxaa maalintii Jimcaha 13ka November 2009, magaalada Muqdisho, xaafadda Madiina ku geeriyootey:

Marxuumad Xaajiyo Xaliima Sheekhow Cadow

Geeridan waxaa lala socodsiinayaa dhamaan reer Sheekhow (Sheegow), ehelada iyo asxaabta oo ay ka geeriyootey marxuumada ee ku kala nool dacalada aduunka.  Waxaan marxuumada Eebe ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa, una dambi dhaafo, qabrigeena waasac ugu dhigo.  Aamiin.  Aamiin.  Aamiin.

Anagoo kala ah:

-Xasan Saalax Naaji xaaskeyga iyo caruurteyda.
-Salim Macow Xaaji Xaaskeyga iyo caruurteyda.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u gudbineynaa dhammaan reer Sheegow gaar ahaan walaalkeen Maxamud Sheegow oo walaashood marxuumad Xaajiyo Xaliima Sheekhow Cadow ku geeriyootey magaalada Muqdisho.

Waxaan Eebo ugu baryeeynaa in uu jannadii fardowso ka waraabiyo,
Eheladii uu ka tageyna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamin Aamin Aamin


Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Anagoo kala ah:

Abukar Mohamed (Abukar Black) iyo Xaaskiisa Fadumo Khatib
Hagi Yusuf Ahmed iyo Xaaskiisa Hagiya Ikar
Mohamed Abukar(Awmaye) iyo Xaaskiisa Khadija Ikar
Hagi Osman & Xaaskiisa Caasha Ikar
Waxey tacsi u direynaa dhammaan eheladii iyo
qaraabadii uu ka geeriyooday marxum (Cusman Khatib)

Waxaan Eebo ugu baryeeynaa in uu jannadii fardowso ka waraabiyo,
Eheladii uu ka tageyna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamin Aamin Aamin

 


Waxaa maanta oo taariikhdu ay tahay 18 October 2009 ku geeriyooday Magaalada Tacis ee dalka Yemen saacadu markay ahayd 12:00 (09:00 GMT) - Ilaahey Naxriistii Jano Ha siiyo

Marxuum Sharif Mohamed Abow Abuubakar (Yaaxamed GaMbane).

Waxaa tacsidan la ogeysiinayaa dhamaan eheladiisa meel walba ay joogaan.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.


 


Anigoo ah Abdulkadir.A. Alasow iyo qoyskeyga waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootey:

Marxuumad Xaawo Nuuriye Xuseen

oo dhowaan ku geeriyootay magaalada Houston Texas Wadanka Mareykanka. Waxaan marxuumada Ilaah ugu baryeenaa inuu u dambi dhaafo kana waraabiyo Janatul fardowza Aamiin.

KULLU NAFSIN DAA'IQATUL MOWT

Anigoo ah Cabbaas Axmed Macow 'Abagasi' & familkeyga, hooyadeey Maana Cadooy Yaxye Sadiiq & walaalaheey, waxaan dhambaal tacsi u direynaa walaalkeena Cusmaan Cabdulqaadir Maxamed iyo caruurtiisa, geeridii naxdinta leheed ee ku timid xaaskiisa, walaasheena Almarxuuma

CAASHA SHAMCUUN SHEEKH MAXAMED

waxaan dhambaal taas la mid ahna u direynaa waalidkeena Baaba Shamcuun, iyo walaalaheena Maxamed Shamcuun, Zahra Buuxow, Qadir Shamcuun, Nuureyni Shamcuun, Qamar Shamcuun, Dawlaay Shamcuun iyo Xaliima Shamcuun

Marxuuma Caasha waxay ku geeriyootay magaalada Sanca ee dalka Yemen maalin ARBACO 30.09.2009, waxaana marxuumadda Eebe ugu baryeynaa inuu janada geliyo, dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo; Aamiin! Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun!!!

KULLU NAFSIN DAA'IQATUL MOWT

Anigoo ah Cabbaas Axmed Macow 'Abagasi' & familkeyga, hooyadeey Maana Cadooy Yaxye Sadiiq & walaalaheey, waxaan dhambaal tacsi u direynaa eeddadeey Luul Maxamed Nuur iyo caruurteeda, geeridii naxdinta leheed ee ku timid Eeddo Luul sayidkeed, waalidkeena Almarxuum

XAAJI XASAN MAXAMED MAXAMUUD (XASAN SHIBIS)

oo maalin ISNIIN 07.09.2009 ku geeriyooday magaalada Bonn ee dalka Jarmalka, waxaana marxuumka Eebe ugu baryeynaa inuu janada geliyo, dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo; Aamiin! Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun!!!

 

INAALILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJACUUN

Waxaa maalinti Talaadada 01/09/2009 magaalada Markacadeey
Somalia ku geeriyootey

Marxuumad Xaliima Garbood Sheekh Maxamed

Waxaa geeridan lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaabta marxuumada
ee ku kala nool aduunweynaha Marxuumada waxaan eebe ugu baryeenaa inuu naxriistii
janada ka waraabiyo iyo qabrigeeda waasac ugu dhigo Aamiin Aamiin.


Anigoo ku hadlaayo magaca duriyada Xaaji Macow gaar ahaan:

1.  Cumar Macow Xaaji iyo xaaskiisa
2.  Cusmaan Macow Xaaji iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa.
3.  Ceydaruus Macow Xaaji, xaaskiisa iyo caruurtiisa.
4. Cali Macow Xaaji, xaaskiisa iyo caruurtiisa.
5. Salim Macow Xaaji, xaaskiisa iyo caruurtiisa.
6. Xuseen Macow Xaaji, xaaskiisa iyo caruurtiisa.
7. Maxamed Axmed Macow, xaaskiisa iyo caruurtiisa
8.  Cabdirasaaq Cusmaan Macow, xaaskiisa io caruurtiisa

Waxaan tacsi u direynaa Salim Maxamed Shiikh iyo Axmadey Maxamed Shiikh oo hooyadooda:

Marxuumad Xaliima Garbood Sh. Maxamed

oo ku geeriyootey magaalada Markacadeey, waxeyna Eebel ugu baryeenaa in marxuumada ka waraabiyo janatul Fardowsa.  Aamiin


Anigoo ah Aniisa Buwe iyo Duqeyga Xuseen Macow Xaaji iyo caruurteyda oo kala ah:
Muna Xuseen, Taha Xuseen, Sihaam Xuseen, Ikar Xuseen iyo Mana Xuseen

Waxaan tacsi u direynaa walaaleheen Salim Maxamed Shiikh iyo Axmadey Maxamed Shiikh oo hooyadooda ku geeriyootey magaalada Markacadey.

Waxaan Eebe ka baryeenaa in marxuumada uu ka waraabiyo Janatul fardowsa eheladii ay ka geeriyooteyna inuu ka siiyo samir iyo iimaan.


 

INAALILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJACUUN

ANAGOO AH= Reer Cali Maxamed Uunsane Waxaan dhamaan WalaaLa heena Reer Xaji Amin Maxamed Cali , Udireenaa Tacsi oo ah geeridii naxdinka leheed oo ku dimid walaalkeena

MARXUUM Xaji ABUKAR AMIIN MAXAMED

UU KU GEERIYOODAY, MUQDISHOO HABEENKII XALAY OO TAARIIKHDU AHEED (03/08/09) WAXAA MAANTA OO TAARIIKHDU AH (04/08/09) LAGU AASI DOONO WANLEWEEN (DAAFEED) INTII CARUUR IYO XAASKII UU KATAGAYNE SAMIR IYO IIMAAN;ASAGIINE JANADII- FARDOOS ILAAH HAKA WARAABIYO
AAMIIN AAMIIN AAMIIN,


(INAALILAAHI WAINAAILEEYHI RAAJACUUN)
 

ANAGOO KALA AH= REER XAAJI AMIIN MAXAMED WAXAAN DHAMMAAN WALAALAHA OGEYSIINEEYNAA IN WALAALKEENA

MARXUUM ABUKAR AMIIN MAXAMED

UU KU GEERIYOODAY, MUQDISHOO HABEENKII XALAY OO TAARIIKHDU AHEED (03/08/09) WAXAA MAANTA OO TAARIIKHDU AH (04/08/09) LAGU AASI DOONO WANLEWEEN (DAAFEED) INTII CARUUR IYO XAASKII UU KATAGAYNE SAMIR IYO IIMAAN;ASAGIINE JANADII- FARDOOS ILAAH HAKA WARAABIYO

AAMIIN AAMIIN AAMIIN,


Anigoo ah Abdulkadir Ahmed Mohamed (Sheylillah Al Camuudi),waxaan tacsi 
u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii u ka geeriyooday:
Al Marxuum Abukar Hagi Amiin oo ku magac dheeraa Abukar Shaamoo 
oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 
23/07/2009.
Waxaa tacsi tiiraanyo leh gaar ahaan halkan ugu soo gudbinayaa 
hooyadiisa Xaajiya Moxamed Saalax Axmed Shaamoo,xaaskiisa Maryan 
Jakeeti, caruurtiisa (Wiilal iyo gabdhaba), walaalahiis oo kala ah:
1) Abdurahman Hagi Amiin
2) Saciid Hagi Amiin
3) Ahmed Hagi Amiin
4) Asad Hagi Amiin
( Xaasaskoodi iyo caruurtoodi).
Sidoo kale waxaan tacsi taa lamid ah u dirayaa dhammaan ( Waayeel, dumar 
iyo caruur ee Reer Salah Ahmed Shaamoo meel kasto oo ay joogaan.Sidoo 
kale waxaan tacsi taa la mid ah u dirayaa Xildhibaan Caamir Jakeeti.
Waxaan leenahay samir iyo iimaan Allaha naga siiyo isla markaana waxaan 
Marxuumka Ilaah ugu baryayaa inuu ka waraabiyo janatul Fardowsa, 
qabrigiisana u waasiciyo.
Aamiin, Aamiin, Aaamiin.
( Inaa Lillaahi Wainaa Ileeyhi Rajicuun ).
Halkan riix si aad u gashid bogga tacsida ee Marxuum Shaamow

ANAGOO KALA AH= REER AMIIN MAXAMED ALI=GAAR AHAAN= CUMAR AMIIN MAXAMED IYO WALAALAHIISA - IYO XAASKEEYGA MARYAM SACIID SAALAX AL-CAMUDI.WAXAAN-WAXAAN TACSIYO U DIREEYNO LEH
UDIREEYNO-ASAD AMIIN-SACIID AMIIN-AXMED AMIIN
CABDURAXMAAN AMIIN(SHAAMOW) IYO HOOYO MARYAN MAXAMED; IYO CARUURTOODI.-
GEERIDII KUTIMID WALAALKEENA

AL-MARXUUM:  (ABUUKAR  AMIIN -SHAAMOW)

OO KU GEERIYOODAY

MAGAALADA MUQDISHO SHALAY OO TAARIIKHDO AHEED ( 23/07/09) ILAAHEEY WAXAAN UGU BARYEEYNAA JANATUL FARDOOS,CARUURTII  IYO XAASKII IYO WALAALIHII UU KATAGAYNE SAMIR IYO IIMAAM ( AAMIIN AAMIIN AAMIIN)

Innaa lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun

Waxaa maalinti Arbacadi 01/07/2009 magaalada Muqdisho
Somalia ku geeriyooday

Marxuum Xaji Macow Maxamed Uunsane

Waxaa geeridan lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaabta marxuumka
ee ku kala nool aduunweynaha Marxuumka waxaan eebe uka baryeenaa naxriisdii
jano iyo qabrikiisoo u ifo Aamiin Aamiin Yaarabi


Anigoo ah Abdulkadir Ahmed Mohamed ( Sheylillah Al Camuudi ), waxaan
tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday :

Al Marxuum Shariif Cabdalla Shariif Ahmed Cali,

oo ku geeriyooday Dalka Yemen ( Sanaa ), axadii la soo dhaafay
taariikhduna ahayd 28 juunyo 2009.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh gaar ahaan halkan ugu soo gudbinayaa
xaaskiisa Maana Caasha Sayd, walaasheed, walaalaheed, caruurteeda iyo
dhamaan walaalaha Marxuumka iyo asxaabtiisa.
Waxaan leenahay Samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, isla markaana
waxaan Marxuumka Ilaah ugu baryayaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa,
qabrigiisana u waasiciyo....... Aamiin, Aamiin, Aamiin.
( Inaa Lillaahi wainaa Ileeyhi Raajicuun ).

Waxaa maalintii Sabtida June 28, 2009 magaalada Sanca, Yemen ku geeriyootey:

Cabdalla Sharif Ahmed (Cabdalla Sayidi)

Waxaa geeridan lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaabta marxuumka ee ku kala nool aduunweynaha.

Reer Sharif Ali Awow (Injineer Caydaruus (USA), Mohamed(Jeddah), Xabibi, Binoor, iyo Karama (Ingiriiska) waxey tacsi u kala dirayaa dhamaan famiilka reer Sidahmed iyo reer Sharif Said (Bianco) ee ku kala nool Yemen, Saudia, Ingiriska iyo Holland gaar ahaan walaalihisa oo kala ah:

1- Ceydaruus Ahmed.
2- Alawi Ahmed.
3. Jamal Ahmed
4. Iskandar Ahmed.
5. Cadde Sayd
6. Xabiib Sayd
7. Cabdo Sayd

Marxuumca waxaa Eebe ugu baryeenaa inuu u dambi dhaafo, kana waraabiyo Janatul fardowsa.

Aamiin


ANAGOO KALA AH REER XAAJI AMIIN MAXAMED CALI
WAXAAN TACSIYO TIIRAANYO LEH U DIREEYNO WALAALAHEEN REER -
MACOW MAXAMED UUNSANE,OO AABAHOODA KU GEERIYOODAY MAGAALADA MUQDISHOO XAAFADDA WAABERI VIA LAYBERIYA
ANAGANA AHAA ABTIGEENA; MARXUUMKA: OO GEERIYOODAY MAANTA OO TAARIIKHDU AH= (01/07/09)

ILAAHNA HAKA WARAABIYO JANATUL FARDOOSA
INTII UU KATAGAYNE SAMIR IYO IIMAAN (AAMIIN) AAMIIN) (AAMIIN)

Waxaa maalintii Khamiista June 25, 2009 magaalada Muqdisho ku geeriyootey:

Marxuumad Seynab Ciise Ducaale

Waxaa geeridan lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaabta marxuumada ee ku kala nool aduunweynaha.

Cali Macow, Khadiija Eelaay, Caasha Eelaay iyo Salim Macow waxey tacsi u kala dirayaa dhamaan famiilka reer Sharaay ee ku kala nool Canada, Norway, Qatar iyo Somaliya gaar ahaan caruurteeda oo kala ah:

1- Raxma Cabdi Sharaay.
2- Amina Cabdi Sharaay.

Marxuumada waxaa Eebe ugu baryeenaa inuu u dami dhaafo, kana waraabiyo Janatul fardowsa.

Aamiin.


KULLU NAFSIN DAA'IQATUL MOWT
 
Anigoo ah Cabbaas Axmed Macow 'Abagasi' & familkeyga, hooyadeey Maana Cadooy Yaxye Sadiiq & walaalaheey, waxaan dhambaal tacsi u direynaa dhamaan ehelkeena reer Faqay gaar ahaan familka reer Musharaf Xaaji (reer AAWOOW DIINLE), geeridii ku timid Almarxuum
 
CUSMAAN MAXAMED CUMAR
 
oo maalin JIMCO ah 26.06.2009 ku geeriyooday xaafadda Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho, laguna aasay qabuuraha Aw Faqay Aboor ee magaalaada Muqdisho, waxaana marxuumka Eebe ugu baryeynaa inuu jannada geliyo, dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo; Aamiin! Inaa lillaahi waa inaa ileyhi raajicuun!!!
Anigo ah Suleyman Osman Ali kuna hadlaayo magaceyga,kan xaaskeyga iyo walaalheyga oo kala ah,

-Mohamud Yuusuf,xaaskiisa,caruurtiisa iyo waxay siidhaleen,
-Ali Yuusuf,xaasaskiisa,caruurtiisa iyo waxay siidhaleen,
-Mohamed Osman,xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Waxaan halkan tacsi ugu direynaa walaasheena, Faaduma Ali Abukar(Faaduma abacali) iyo caruurteeda oo kala ah.
-Omar Mohamed Shooble Omar,
-Sacdiyo Mohamed Shooble Omar,
-Khaalid Mohamed Shooble Omar,
-Muna Mohamed Shooble Omar,
geeridii ku timid odaygeedi/ningeedi, Mohamed shooble cumar oo geeriyooday taariikhdu markey aheyd 19/06/09 waxaana uu ku geeriyooday wadanka YEMEN gaarahaan magaaladda MUKALLA.Sidoo kale waxaan tacsi taa la mid ah u direynaa walaalahiisa oo kala jooga wadanka gudahiisa iyo dibadiisa oona kala ah.
-Abacadde shooble cumar,
-Abukar shooble cumar,
-Faaduma shooble cumar,
Hadaba waxaan IILLAAH ugu beryeynaa in uu janadii fardoowsa kawaraabiyo AMIIIN,xaaskiisa,caruurtiisa,walaalhiisa,qaraabadiisa iyo asxaabtiisaba samir iyo imaan ka siiyo AMIIIN

Anagoo kala ah:
1-Cabdulqaadir Cabdulqaadir Cabdulcaziz maxamed.
2-Maxamed Cabdulcaziz maxamed.
3-Cumar Cabdulcaziz maxamed.
4-Axmed Cabdulcaziz Maxamed.
5-Nuuraddiin Cabdicaziz Maxamed.
6-Hooyo Caasha Xaaji Cashar Sacad.
7-Sacdiya Cabdicaziz Maxamed
8-Maana Cabdicaziz Maxamed.
9-Kheerta Cabdulcaziz Maxamed.
 
Dhamaan Dadkaas Waxay Ku kala wada noolyihiin: Somalia,Kuweit,Holland Iyo Kenya,
Waxaana Tacsi u dirayaynaa Qoyskii uu ka gooriyooday Allaha ha unaxariistee marxuum: Maxamed  Shooble Cumar.

Sidoo kale waxaan Tacsi taa la mid ah aan u diraynaa  dhammaan Waayeel, Dumar iyo Caruur intaba ee Reer ABACALI ABACUMAR {Al-Makhzuumi) meel kasta oo ay joogaan, ayadoo aan Tacsi Tiiraanyo leh u direyno Marwo/Faadumo Shaacir Cali oo ku magacdheer (FAADUMO ABACALI) oo ah xaaskii uu ka geeriyooday marxuum: MAXAMED SHOOBLE CUMAR {Al-maqzuumi}, Caruutiisa oo kala ah:
- Cumar Maxamed Shooble
- Sacdiya Maxamed Shooble
- Khaalid Maxamed Shooble
- Munna Maxamed Shooble
Walaalahiis oo kala ah: - Abacadde Shooble Cumar, Abuukar Shooble Cumar iyo Faaduma Shooble Cumar, Caruurtooda, waxay sii dhalleen iyo dhammaan Qaraabaddii iyo Ehelladaii uu ka geeriyooday

Al-Marxuum: MAXAMED SHOOBLE CUMAR {AL-MAKHZUUMI}

oo maalintii Jimcaha oo ku beygneyd taariikhda 19 Juun 2009 ku geeriyooday magaalada MUKALA ee dalka Yemen, kaasoo lagu aasay magaalada Mukala.

Haddaba, waxaan marxuumka eebe ugu baryeynaa in uu Naxriistii Janno ka waraabiyo, qabrigiisana eebe u waasiciyo, Xaaskii, caruurtii, qaraabaddii iyo dhammaan ciddii taqiinay marxuumka in uu eebe Samir iyo Iimaan uu naga siiyo..........AAMIIN.


 

ANIGOO AH XAMIIDA SHEIKH MAXAMED IYO ODIGAYGA IMAANKEY CUMAR SUJAACOOW , DEEGAN MAGAALADDA MELBOURNE EE WADANKA AUSTRALIA IYO SHEIKH MAHAMED OODHAN WAXAAN EHELADEENI MEEL KASTOO AAY JOOGAAN WAXAAN OGAYSIINAYNAA IN WAALIDKEENI

MARXUUM :SHEIKH MAXAMED SHEIKH CABDI

OO GEERIYOODAY KUNA GEERIYOODAY MAGALADDA MARKA AW CUSMAAN EE WADANKA SOOMAALIYA TAARIIKHDA MARKII AAY EHEED 06/06/2009 SACAADA MARKII AAY EHEED 1:20 WAQRTIGA SOOMAALIYA, LAGUNA AASAY MAGAALADDA MARKA ISLA MAALINTAAS.

WAXAAN U MAHADCE;INAYNAA IN NOOGA TACSIYAYSAY GEERIDAAS NAXDINA LEHEED, ASIGANA ILAAH HA,U NAXRIISTO JANNADII FARDOWSA EHEEDNA ILAAH HAKA WARAABIYO.. AAMIIN AAMIIN...


Al-Marxuum: MAXAMED SHOOBLE CUMAR {AL-MAQZUUMI}

Annigoo ah M/ne Abuukar Abanuur Maxamed, kuna hadlaya magaceyga, kan xaaskeyga, caruurteyda, kan dhammaan Reer Abanuur Maxamed Cali {AL-MAQZUUMI} oo kala ah:-
- Maxamed Abanuur Maxamed, xaaskiisa iyo Cauruurtiisa,
- Cumar Abanuur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cusmaan Abanuur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa,
- Cali Abanuur Maxamed, xaaskiisa iyo Caruurtiisa
- Xaliima Abanuur Maxmed, odaygeeda iyo Caruurtooda.

Sidoo kale waxaa Tacsi taa la mid ah diraya:-

- Maxamed Xaaji Aweys Macalin Yuusuf, xaaskiisa iyo dhammaan caruurtiisa iyo waxay dhalleen oo dhan,
- Aamina Xaaji Aweys Macalin Yuusuf, odaygeeda iyo dhammaan Caruuteeda iyo waxay dhalleen oo dhan

Sidoo kale waxaa Tacsi taa la mid ah diraya dhammaan Waayeel, Dumar iyo Caruur intaba ee Reer ABACALI ABACUMAR {Al-Maqzuumi) meel kasta oo ay joogaan, ayadoo aan Tacsi Tiiraanyo leh u direyno Marwo/Faadumo Shaacir Cali oo ku magacdheer (FAADUMO ABACALI) oo ah xaaskii uu ka geeriyooday marxuum: MAXAMED SHOOBLE CUMAR {Al-maqzuumi}, Caruutiisa oo kala ah:
- Cumar Maxamed Shooble
- Sacdiya Maxamed Shooble
- Khaalid Maxamed Shooble
- Munna Maxamed Shooble
Walaalahiis oo kala ah: - Abacadde Shooble Cumar, Abuukar Shooble Cumar iyo Faaduma Shooble Cumar, Caruurtooda, waxay sii dhalleen iyo dhammaan Qaraabaddii iyo Ehelladaii uu ka geeriyooday

Al-Marxuum: MAXAMED SHOOBLE CUMAR {AL-MAQZUUMI}

oo maalintii Jimcaha oo ku beygneyd taariikhda 19 Juun 2009 ku geeriyooday magaalada MUKALA ee dalka Yemen, kaasoo lagu aasi doono haddii Alle idmo isla magaaladaasi Mukala, haddaba, waxaa la ogeysiinayaa dhammaan qaraabada oo dunida dacaladiisa kala joogga in ay sidaasi ula socdaan.

Haddaba, waxaan marxuumka eebe ugu baryeynaa in uu Naxriistii Janno ka waraabiyo, qabrigiisana eebe u waasiciyo, Xaaskii, caruurtii, qaraabaddii iyo dhammaan ciddii taqiinay marxuumka in uu eebe Samir iyo Iimaan uu naga siiyo..........AAMIIN.


Marxuumad Maana Fatma Shariif Axmed


Waxaa maalinta Isniinta June 9, 2009 magaalada London, England ku geeriyootey marxuumad Maana Fatma Shariif, Waxaa geeridan lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaabta marxuumada ee ku kala nool aduunweynaha.  Marxuumada waxaa magaalada London lagu aasi doonaa maalinta Jimcaha oo ay bishu tahay June 12, 2009 waxaana salaada janaazada lagu dukan doonaa masjidka White Chapel bacda salaada Jimcaha.

Bahweynata Markacadeey waxey tacsi u dirayaan caruurteeda oo kala ah: Shariif Maxmed Cumar Abo, Shariif Axmed Cumar Abo, Shariif Cabdulqaadir Cumar Abo iyo Shariif Abukar cumar Aboo.


Marxuum Cabdullahi Omaar Awale
 

Waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyoodey maalinta Axadda June 7, 2009 Allah u naxriistee Marxuum Cabdullahi Omaar Awale.  Geeridan naxdinta leh waxaa lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaabta marxuumka ee ku kala nool dacalada aduunka.  Waxaan marxuumka Eebe ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa xaaskii iyo eheladii uu ka geeriyoodeyna inuu samir iyo iimaa ka siiyo.  Aamiin.. Aamiin..Aamiin.



Reer ali nur awale,iyo rer adan nur awale waxay dhamaantood tacsidan naxtinta leh u dirayaan xakiis iyo caruutii iiyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum a/lahi omar awale ay
Eebe ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa dhamaantoodna inuu samir iyo iimaa ka siiyo. Aamiin.. Aamiin..Aamiin.


Waxaa gobolka galgaduud magalaada Dhusa Mareb ku geeriyoodi Dr. Maxamed Osman Sheikh Mao "John". Maalinta jumcaha oo ahayd June 5, 2009. Naxaarista Janno Allah ka waaraabiyo. Xaaskiisa, caruurtiisa, waalaalidiisa, waalidintiisa, eheladiisa, iyo saxiibadiisa samir iyo Imaan Allah ha ka siiyo melwalbo ee jogan.


Dhammaan Reer Cali Nuur Cawale waxey tacsi u dirayaan dhamaan xaaska, caruurta iyo eheladii uu ka geeriyoodey marxuum Cabdullahi Omaar Awale. Waxeyna marxuumka eebe ugu baryayaan inuu qabrigiisa waasac ugu dhigo, kana waraabiyo janatul Fardowsa. Eheladii uu ka geeriyoodey marxuumka waxaan leenahay samir iyo iimaan allah ha idinka siiyo. Aamiin..Aamiin.


 

Anigoo ah Zina Sh.Maxamed iyo faamiligeyga reer Sheekh Maxamed Sheekh Cabdi waxaan halkaan geeri naxdin leh ku ogeysiinaayaa ehelada iyo qaraabada iyo asxaabta iyo soomaali oo idil geerida naxdinta leh oo ku timid aabahaay:

Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdi

oo ku geeriyooday magaalada marka 6 / 6 / 09  oona lagu aasey magaalada marka ilaah samir iyo iimaan ilaah ha naga wada siiyo dhamaanteen qabrigiisana waasac ilaah ha uga dhigo aamiin waxaan rabaa halkan in wax yar ku sheego aabaheena wuxuu ahaa aabe si sharaf leh noo soo koriyey oo na soo tacliimiyey oo dariiqa fiicanna na barey marka waxaan ilaah ugu baryaa jisadiisa jannada inuu ugu jaasiyo aamiin yaa rabbi.


 

Allah ha u naxriisto Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Macow Xaaji

 

Waxaa magaalada London ee dalka Ingriiska ku geeriyoodey maalinta Isniinta June 1, 2009 Allah u naxriistee Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Macow.  Geeridan naxdinta leh waxaa lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaabta marxuumka ee ku kala nool dacalada aduunka.  Waxaan marxuumka Eebe ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa xaaskii iyo eheladii uu ka geeriyoodeyna inuu samir iyo iimaa ka siiyo.  Aamiin.. Aamiin..Aamiin.

 


 

Marxuum Shariif Xamza Shariif Zeyn Cali

 

Waxaa magaalada Tilburg ee dalka Holland  ku geeriyoodey maalinta Talaadada June 2, 2009 Allah u naxriistee Marxuum Shariif Xamza Shariif Zeyn Cali.  Geeridan naxdinta leh waxaa lala socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asxaabta marxuumka ee ku kala nool dacalada aduunka.  Waxaan marxuumka Eebe ugu baryeenaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa xaaskii iyo eheladii uu ka geeriyoodeyna inuu samir iyo iimaa ka siiyo.  Aamiin.. Aamiin..Aamiin.

 

 

 

 


Allah ha u naxariistee waxaa lagu aasay maanta Axada 10,May.2009 San’aa, Yemen, SHARIF MOHAMMED SAADAAT OSMAN oo ahaa Mansabka (madaxa beesha ) Asharaaf Al Nadiiri baa-Calawi. Sharif Muxammed Saadaat wuxuu ka mid ahaa culumiinta ugu waaweyn ee degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kasta horseed u ahaa ku baraarujinta bulshada ku socodka Diinta Islaamka. Wuxuu ku sifoobay suubanaan heer sare. Waxa marna la iloobin karin khudbooyinka diiniga ka soo jeedin jiray Masjidka weyn ee Jaamacada Shingaani oo ka aha Khatiib. Wuxuu ku dhintay Magaalada Sanca (Yemen) isagoo jirsaday 65 sanno, wuxuuna ifka ka tagay 5 wiil iyo hal gabar. Waxaa Rabi laga bariya innuu dembigiisa dhaafo iyo ugu maneesto Jannada Firduus. Sabar iyo iimaana ka siyo eheladiisa - Ummadii Imaamka u ahaa iyo Beesha Asharaaf MOHAMMED AL-NADIRI BA- CALAWI ee dunida ku firirsaan.

Fadlan tacsi halkan ku dhaaf:


INAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUNNM

ANOO ISHEE CUMAR MACOW XAAJI (REER MARKA)OO WAKIIL AN SOKO ISHEE

WALAALAAYTEE REER MACOW XAAJI ,OO KALA IYAAN:

CUSMAN MACOW, XAASKIISA IYO ILMADIS

CAYDARUUS MACOW, XAASKIISA IYO ILMADIS

CALI MACOW XAAJI, XAASKIISA IYO ILMADIS

SAALIM CACOW, XAASKIISA IYO ILMADIA

XUSEEN MACOW, XAASKIISA IYO ILMADIS

MAXAMAD AXMAD MACOW, XAASKIISA IYO ILMADIS

WAXA TACSIYO TIIRAANYO LAHYEE SOON DIREENE

REER ABOO MAYE SHEEKH SAYIDII IYO REER SHEKH MUKHTAAR SHEKH CAL

IYO SHEKH SHUUTALE IYO REER SHEKH ABACALI SKHEKH ,GEERIDII NAXDINTE

LAHAAY OO ILAAHEEY SA GACLOODI :

MARXUUMAD KUUSEEY ABO0 MAYE SHEEKH

OO KA DHIMATI DALKON INGRIISTE OONA LASAK DUUGI.

DHAMMAAN ILMADISSHE, EHELADISHE ,WALAALAAYTISHE IYE QARAAWADISHE:

ILMADE :

SACDIYA ABACALI LATIINOO,

SACIIDA ABACALI LATIINOO

ISTAMBUUL ABACALI LATIINOO

ANWAR IYO MUNIIR ABACALI LATIINOO

HAASHIM SHARIIF TALIYAANI

IYO QARAABADE OO KALA IAYAANA:

CUSMAAN AXMAD ALBAKRI

ABIII OMAROO MAXAMAD SUUFI

DR NAASIR SKHEKH CUSMAAN (MARKA)

CABDULLAAHI MACLIM

ABWAAN AWEES NUUR (AWEES AMOORE)

DHAMMAANTISHOON WAXA ILAAHEEY SOONKA TUUGIDEENE ON SAMIR

IYO AMAAN IN ILAAHEEY SO SIISHEE MARXUUMAD KUUSEE AAMEYE IN

JANNATULFERDOWSA IN ILAAHEEY SAKA WARAABISHEE

AAAAAMIIIN AAAMIIIN AAAMIIIN

Anagoo kala ah:

- Cumar Macow Xaaji
- Cusmaan Macow Xaaji
- Ceydaruus Macow Xaaji
- Cali Macow Xaaji
- Salim Macow Xaaji
- Xuseen Macow Xaaji
- Maxamed Axmed Macow Xaaji
-Nuur Faqi Cusmaan
- Ismaaciil Maxamed Cusmaan

Waxaan tacsi u direynaa qoyskii uu ka geeriyoodey:

Marxuum Shuuto Baari Maxamed Shiikhey

oo ku geeriyoodey dalka Yeman magaalada Makalla.  Waxaan Ilaah ugu baryeenaa
inuu ka waraabiyo Janatul fardowsa.

Aammiin Aamin Aamin


return.gif (3137 bytes)